| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Akhristayaashu jawaabtii ay ka bixiyeen sugaanta soomaalidu halkay ka bilaabantey..Dec,05,2008

asc wr wb.
Akhtirtayaasha sharafta leh ee saylac.com waan salaman tihiin marka hore marka xigta anuu maqaalkan waan taageersanahay laakiin waxaan jeclaaba in hada lasoo bandhigo gabaygaa iyo dadkii kala saari lahaaba laakiin anuu fikriyan iyo caqliyin uma malaynayo in lagu kara hari doono ama la qancin doono dadkan suugaanta somalida sheeganaya ee meel walba lamaraya horta ma ogtihiin inuu waxan qabiilka layidhaahdaa uuna somali meelna ureebin oo uu xataa suugaantiina ku dhex jiro oo lakala qabiilaysto abwaanadana qaar aan wax saas ah ahayn lagarab yaacayo abwaanadii wax yaqaanayna ay iska fadhiyaan dadkoodiina iska hurdaan markaa waxaan umalaynayaa inay tahay hilib haadku cunay taariikhdii suugaanta somalida ee dhabta ahayd .
waad ku mahadsan tihiin intaaa ayaan odhan lahaa

dollar_milioner@hotmail.com>
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Farhan Cabdirizak
Ontario- Canada

Marka hore salaan ayaan usoo gudbinayaa akhristayaasha macaamiisha joogtada ah la leh saylac iyo shaqaalaha isku hayla keenida figradaha kala duwan ee bulshada intaa waxaan raacinayaa umad walbaa waxay leedahay tariikh ma guurto ah waayo waxaan maqalaa ninkii ugu horeeyey ee sameeyey korontada kii sameeyey telefoonka kii sameeyey dayax gacmeedka iyo kuwo kale oo badan markaa in abwaano soomaaliyeed ay kuwa kale ka balaaqad badan yihiin la iskuma hayo lakiin suaashu waxay tahay fanka iyo sugaanta soomaalidu halkuu ka bilawday? waa marag ma doonto ah inuu ka bilawday magaalada saylac oo ay degaan gadabuursigu iyaga ayaa lagu sheegi karaa inuu lahaa bilawgii suugaanta soomaalida Isaaqu waa dadka ugu abwaano badan uguna gabayo badan dhinaca waqooyiga marka laga reebo ogaadeenka oo uu ka dhashay dhodaan iyo rag kale oo ay ku jiraan dhulbahantaha oo iyaguna tariikh dheer u leh gabayada . markaa waa la kala badsan karaa lakiin halkuu ka bilawday ayaa meesha jirta waayo maanta teknooliyada aduunka waxa bilaabay reer galbeed maantana waxa ugu horeysa Jaban oo ay dagaalkii labaad ee aduunka qabsadeen reer galbeedku . ha la eego halkay ka bilaamantey iyo halkay ku dhamaatey.

cadiifad sugaani kuma timaado
soomaali waa soomaali ul iyo diirkeed
------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
UK london
Sahra Maxamed
Fanka iyo sugaantu horta kama weyno 60 sano sideedaba tariikhda soomaaliduna intaa way ka weyn tahay hadaba ayaa ugu horeeyey ee gabay ama hees lagu sheegi karaa? heesaha soomaalidu barigii hore heesi jirtey waxay ahaayeen kuwo carabi ah soomaaliga markii lagu heesay waxay ahayd bari dhawayd. dhinaca gabayga isagu mudo hore ayuu jira qabiil walba oo soomaaliyeedna wuxuu leeyahay gabayahano dhawra oo magacweyn leh. anigu sheegi maayo meesha iyo cidii ugu horeysay ee sugaanta soomaalida keentey waayo aqoo badan uma lihi lakiin inay waqooyiga soomaali ayahd ayaan filayaa.

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Jamac Hassan - Australia
walaahi aad ayaan ugu farxay in abwaanadu is reebreeb sameeyaan kii ugu fiicana la isku raaco lakiin nabada ayaa ka horeysa ee ha la sugo soomaalida kale intey nabad helayso somalilandna inay ka horeyso soomaalida kale ayey tani kuu muujinaysaa waayo sida aduunka horey u maray ayey waxyaabo kale ka hadlayaan halka soomaalida kale wali ku mashquushay reer hebel iyo al shabaab . good job saylac.com

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Libaan Cumar - London UK
Aduunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo

isaaq ayaa lagu ogyahay sugaanta soomaalida ee isaaq dhexdoodu ha tartamaan soomaalida kalena siidhiga ha u qabato lakiin yaan la gafin gabay meel kale kama yimaad kamana dhalane..

--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Waris Yasiin
USa
Ugaas nuur waan maqlay dhinaca awdal lakiin tariikh kale kama hayo gabayaa kalese dhegahaygu ma qaban ee bal arintan noo faahfaahiya kuwiina saxaafadu maxaad ku keenteen inaad goaan ku gaadhaan in sugaantu ka timi awdal

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Djibouti
Qaboobe Axmed

Saylac waxa lagu ogaa samaroonka iyo ciisaha gabayaduna maaha kuwo la isku damco ee waa hibo ilaahay siiyo dadka markaa labadaa qolo ha laga dhex doondoono tariikhda sugaanta soomaalida
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------


Saylac.com waa saxaafad xor ah aragtida ay dadkani qabaana waa mid iyaga u gaar ah fikradaha intan ayaanu ka soo qaadanay hadii ayna ku jirin fikradii aad noo soo gudbisey fadlan raali laga ahaw fariimaha oo badnaa awgood ayaanu usoo qaadanay dhawrkan qormo

ka soo dhiibo rayigaaga ku lugleh mawduucan suugaanta soomaalida iyo halkay ka asaasantey emailka ah saylacnews@yahoo.com

Waxa isku soo dubo riday shabakadana saarey
Wariye Maxamed Xaaji
Saylac.com
London, UK
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com