|
|
 |
|
| |
Gadiidka kootarabaanka Yurub
oo dib ugu noqday qarnigii 19 aad ..Dec,05,2008
London(Saylac.com) Nin koontabaanle ah oo u dhashay
wadanka Romania ayaa fardo uu lahaa saaray in ka
badan 100,000 baakidh oo sigaar ah si uu galiyo
wadanka Ukrain oo ay daris yihiin. Inta badan
Booliska xuduudaha labada dal u dhexeeyi ma baadho
gaadhi faraska maalin walba beeraleydu ku shaqo
tagto sidaa awgeed ayaa ninkani uu dhawr jeer ugu
guulaystey inuu si qarsoodi ah u galiyo wadanka
Ukrain sigaar aad u badan.
Markan nasiibku uma suurto galin inuu dhaafo
kaantaroolka labada dal u dhexeeya, waxana dhacday
in nin ka mid ah Booliska xuduuda ilaaliyi uu
weydiiyey ninkan inuu baneeyo waxa uu gaadhiga ku
raray, ninkii ayaa diiday iskuna dayey inuu ka
cararo booliska inyar ka dibna gacanta ayey boolisku
ku dhigeen iyagoo saxaafada hordhigay sigaar lagu
qiyaasay ilaa 100,00 oo baakidh inuu watey ninka
koontarabaanlaha ahi.

Marka la weydiiyey sababta ku kaliftey inuu sigaar
intan leeg soo saaro faraskiisa waxa uu ku jawaabay
gaadhiga inta badan inay boolisku badhaan lakiin
faraska ayna eegin boolisku waxa kale oo uu ninkani
u sheegay booliska intii ka danbaysa qaraxii ka
dhacay wadanka maraykanka ay booliska dalkani indho
gaara ku hayaan gadiidka u kala goosha labada dal
sidaa daraadeedna ay shaqadii sigaarka bilaa
sharciga ah lasoo galin jiray dalkani ay hoos u
dhacday ka dibna isaga iyo rag kale oo ay shirkad
yihiini ay ka fikireen inay gaadhi fasaryo ku
galiyaan sigaarka dalka Ukrain.
Guud ahaan nolosha dalalka yurub ayaad moodaa inay
si tartiib tartiib ah dib ugu noqonayso qarnigii
sagaal iyo tobnaad adigoo waliba arkaya dad
farabadan oo ka guuraya magaalooyinka waaweyn una
guuraya dhulka baadiyaha ah dhawr sababood awgeed oo
ay ugu horeyso amaankooda ay ka baqayaan qaraxyo ay
argagixisada caalamigu geystaan iyo meceeshada
magaalooyinka oo sarey u kacday.
Maxamed Xaaji
Saylac.com
London- UK |
|
|