|
|
 |
|
| |
Xisbiga Kulmiye oo sawiro
xasaasi ah ka qaadey ciidamada nabadsugida qaranka
soomaaliland ee ku sugan magaalada Hargeysa si ay
ugu gudbiyaan hay'adaha caalamiga inuu Xukun
Milatari ka jiro Somaliland.
April,20,2008
Hargeysa(Saylac.com)- Axmed Cige oo ka mid ah
Ciidamada Qaranka ee ku gaafwareega xaafadaha
Hargeysa Ayaa saylac.com u sheegay inuu isaga iyo
dhawr askari ay gacanta ku dhigeen laba nin oo
saldhig ciidamadu iskugu yimaadaan sawiro ka
qaadanayey . Askari Axmed Cige ayaa saylac.com
telefoonka ugu sheegay ka dib markii ay qabteen
labadaa nin ay heleen kamarado iyo qalab
isgaadhsiineed oo ku jiray baagaga labada nini
wateen . "Waxaan weydiinay waxay sababta ay sawirada
uga qaadanayeen askarta wayna na diideen inay wax
faahfaahin ah ay naga siiyaan lakiin waxaanu
baadhnay baagaga ay siteen waxaanan ka aragney
macluumaad dhigaya inay u adeegayaan xisbiga
mucaaradka Kulmiye waxaanan isku dhaafinay xarunta
baadhista CID da ee Hargeysa. Sidaa waxa saylac.com
u sheega Askari Axmed Cige oo ka tirsan ciidamada
Nabad sugida Qaranka Somaliland ee ku sugan
Magaalada Hargeysa.
Wararka kale ee aanu ka helay ragaas sawirada ka
qaadanayey ciidamada nabad sugida soomaaliland ee ku
sugan Magaalada Hargeysa ilo lagu kalsoon yahay
waxayna noo sheegeen inay ujeedada ka danbaysaayi ay
tahay dadaal baryahanba uu xisbiga kulmiye uu ugu
jiro inuu macluumaad xasaasi ah uu ka ururiyo
ciidamada Nabad sugida qaranka soomaaliland si uu
dacwado uu dhawaan ay damacsan yihiin inay u
gudbiyaan Hay'ado caalami ah uu daliil uga dhigto
sawiro muujinaya waxa ay tilmaameen Xukun Milatari
oo soo wajahay Jamuuriyada Soomaaliland.
Wixii warar ah oo kusaabsan arinkan kala soco
saylac.com
|
|
|