|
|
 |
|
| |
Hujuunka ay beesha koonfurta
Gabiley kusoo qaaday degaanada Baki waxay hordhac u
yihiin qorshe uu xisbiga Kulmiye ku damacsanyahay
inuu dagaalo sokeeye kaga abuuro jiidda galbeed...Oct,26,2008
Sweden(Saylac.com)Waxa 24kii Ok 2008 diwaangalintii
komishanku gacanta ku hayeen ay ka bilaabatay guud
ahaan gobolka Awdal,waxa subaxdii hore markii ay
dadweynaha degmada Baki goobihii doorashada u
dareereen weerar araga-gixiso oo ay masuuliyiinta
xisbiga Kulmiye ka danbeeyaan lagu soo qaaday afar
goobood oo ka mid ah 154 goob-doorasho oo uu gobolku
leeyahay.
Hujuunka ay beesha koonfurta Gabiley kusoo qaaday
degaanada Baki waxay hordhac u yihiin qorshe uu
xisbiga Kulmiye damacsanyahay inuu dagaalo sokeeye
kaga abuuro jiida galbeed,isla markaana uu madaxa
iskugu dhufto beelaha degaankaa kuwada dhaqan. Waxa
24kii bisha goor habeenimo ah safar guure iyo galab
carrow isugu jira goor habeen ah magaalada Boorama
kusoo galay gudoomiyaha Kulmiye mudane Axmed
Siilaanyo oo uu weheliyo gudoomiyaha koowaad ee
xisbiga Kulmiye isla markaana sugaya dhaxalka
xisbiga Muuse biixi.
Shalay markii ay shaqaaqadu dhacday waxa BBC-da la
xidhiidhay Muuse Biixi oo ah ninka sida weyn loogu
tuhunsanyahay inuu arintan ka danbeeyo oo ku sugnaa
Boorama isagoo yidhi " Kulmiye wuxu qabaa in lagu
dhaqmo xuduudihii lixdankii".Lama garanayo ilaa
imika waxa uu Muuse biixi uga jeedo xuduudaha
lixdankii,maadaama 2008dii la marayo somaliland-na
ay dhawr iyo toban gobol noqotay. Waxase loo
fasishay hadalkiisa in degaamo badan oo lugahaya ka
mid tahay Gabiley la hoos-geeyo,kadibna ay ku
danbeeyaan sidii Wajaale iyo Gabiley ay ku
danbeeyeen. Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo waxay
isku ogyihiin in badda Lughaya Gabiley la
hoos-geeyo,laakiin Saylici iyo Siilaanyo maxay isku
ogyihiin?waxba !.Muxuu Saylici qorshayaasha caynkaa
ah kala socdaa? waxba !.Awood garasho oo intee le'eg
buu Saylici u leeyahay shaxda la cayaarayo?Muxuu
kala socdaa xaaladda degaamada maamulka Gabiley hoos
tega.
Gabiley iyo Garoon maxaad kala socotaa?
Sida ay taariikhdu xuseyso Wajaale magaceedii hore
waxa la odhan jiray GAROON waxa degi jirtey beesha
reer Nuur.(Garoon waxa loogu bixiyey waa meel banaan
oo ban ah). Sidoo kale magaalada Gabiley waxay ahayd
magaalo aas aaskeedii hore iyo wada lahaanshaheeduba
kadhexeeyay beesha Jibriir abokor (isaaq) iyo
beelaha Bahabar aadan,Bahabar abokor, Bahabar
cabdalo (samaroon).Hadaba gabi ahaanba awooda
labadan magaalo waxay lixdankii sano ee ugu
danbeeyey gacanta u galeen beesha Jibriir abokor, in
wax lala qeybsadana ma ogola illaa imika.
Sanadkii 2002dii dalka waxa ka qabsoomay
doorashooyinkii degaanada,magaalada Gabiley oo kamid
ahayd magaaloyinkii doorashooyinka dawaldaha hoose
ka qabsoomeen,beelihii waqooyiga iyo galbeedka
degmada Gabiley waxa loo diiday in hal xildhibaan
kasoo galo golaha degaanka ee degmada Gabiley,kadib
markii xildhibaanadii xisbiyada u diwaangashanaa
xaga danbe lagaga qorey liiska.Intaa waxa dheerayd
in xubin baarlamaan oo ka sharaxnaa gobolka Hargeysa
isla markaana beeshiisu degantahay degmada gabilay
aad looga horyimid inuu halkaa kasoo baxo (Cali
gabiley).Badanaa dadkii ahaa aasiyaankii hore ee
reer gabilay ee magaalada ku noolaan jiray waxay
wakhtiyadii dagaalada sokeeye u qaxeen Boorama dibna
uguma soo noqon guyahoodii marka laga reebo
degaanada miyiga iyo tuulooyinka oo iyaga sidoodii
hore loo deganyahay.
Magaalada Wajaale(Garoon) oo sidaan sheegnay nus
qarni in kabadan kasii maqan gacanta beeshii degi
jirtay oo maamul ahaan hoos timaad Gabiley, waxa
dhawaan loo magacaabay degmonimo,kadib waxa
wasaarada arimaha guduhu u magacawday maamul
cusub,maamulkaa waxa ku jirey masuul kasoo jeeda
beeshii lahaan jirtay magaaladii loo yaqaanay Garoon.
Masuulkani waa gudoomiye ku xigeenka demada cusub ee
Wajaale beeshiisuna waxay ka mid tahay beelaha wali
degan degaanka Wajaale.Hase yeeshee gudoomiye
kuxigeenimada xubintan waxa ka dhashay guux badan
iyo buuq lagu diidanyahay magacaabistiisa.Waxa ka
hadlay xildhibaano ka tirsan golaha baarlamanka
iyagoo ku baaqay in xubintaa maamulka Wajaale laga
saaro,waxa sidoo kale mudaharaadyo lagu diidanyahay
laga abaabulay Wajaale iyo agaarkeeda.Hadaladii
xildhibaan Bashiir Tukaale ee ay saxaafaduhu qoreen
waxa ka mid ahaa:
"Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagu ka mid ah
mudanayaasha golaha Wakiilada ee laga soo doorta
gobolka Gabiley ayaa isagu cambaareen kulul u soo
jeediyey qaabka ay wasaarada Daakhiligu ugu
magacowday guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Wajaale
oo uu sheegay in arrintaasi ay ka soo horjeedo
xeerka gobolada iyo Degmooyinka, tilmaamayna in
sharci daro ay tahay in xubin aan u dhalan
deegaankaasi loo magacaabo degmada Wajaale, waxaanu
wasaarada u soo jeediyey in arrintaasi ay dib uga
noqoto".
Waxay ila tahay inaynan reer Gabiley laba arimood
isku wada helayn " 1-Mar inay dadka degaanka ay
kuwada dhaqanyihiin ay xaquuqdooda duudsiyaan"
2-marna inay ku doodaan degaano horleh in la hoos
geeyo iyagoo uga faa'iidaysanaya fursada kaambeynka
oo ay isleeyihiin wax walba xukuumadu way idiin
fulinaysaa maadaama ay cod u baahantahay".Fikirkaa
anigu waxan u arkaa mid aan waafi ahayn oo aan si
fiican looga fekerin,sababtoo ah kala xadaynta
degmooyinka iyo goboladu waa arin dawli
ah,doorashadana waxa iska leh dadka dhulka ku
dhaqan.Hadii ay gobol gaar ah rabaan iyo hadii
gobolkii ay horey uga tirsanaan jireen kasii mid
ahaanayaan iyo hadii ay gobolka cusub ee Gabilay ku
biirayaan.Laakiin qorshaha masuuliyiinta Kulmiye ay
dhiiri-galinayaani waa mid lidi ku ah heshiiskii ay
beelaha reer Somaliland magaalada Boorama ku wada
gaadheen sanadii 1993kii.
Jawhar Qalinle
Korwaayeel@hotmail.com
|
|
|