|
|
 |
|
| |
Shirkii dibu heshiisiinta
kooxaha isku haya koonfurta soomaaliya ee ka
dhacaayey Jabuuti oo natiijo la'aan ku dhamaaday.
May,16,2008
Djibouti(Saylac.com) Shirkan oo socday mudo afar
casho ah ayaa maanta ku dhamaaday rajo xumo iyo kala
yaac ka dib markii ay labada kooxood ee shirkan ku
balansanaa ay kooxda isbaahaysiga dibuxoraynta
soomaaliya ee fadhigoodu yahay Asmara ay diideen
inay si toosa u horfadhiistaan wakiiladii ka socday
Dawlad isku sheega Cabdilahi Yuusuf .
Isbaahaysiga dibuxoraynta soomaliya waftiga ka
socday ayaa gashaanka ku dhuftay inay marka hore
dawlada Cabdilahi yusuf sheegto wakhti cayiman oo ay
Ciidamada Xabashidu ka baxayaan dalka Soomaaliya ka
dib la wada hadli karo lakiin intayna sidaa yeelin
ayna jirinba wax laga wada hadlaa .
Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland
Ahmed O. Abdalla ayaa sheegay inay kooxahani mar
labaad kulmi doonaan bishan shanaad dhamaadkeeda
kuna soo noqon doonaan dalka Jabuuti.
Ahmed Abdalla oo ka waramayey shirkani maanta
burburay ee la isku afgaran waayey jabuuti, ayaa
sheegay inay dadka soomaalida u wanaagsan tahay inay
wixii faraqa iska dhigaan meel oo ay dhawraan dhibta
dadkooda haysata, Lakiin wuxuu ka gaabsaday sababta
burburka shirka horseeday oo ay dad ka qayb galay
shirku ay sheegeen inay kooxda dibuxoraynta
soomaaliyeed ay ku adkaysteen in marka hore Itoobiya
la sheego wakhti cad oo ay wadanka ka baxayaan taas
oo aan haba yaraatee gacanta aan ugu jirin dawlada
Cabdilahi yusuf ama ayna awoodeeda lahayn inay
sheegto ciidamada Itoobiya goorta ay ka bixi doonaan
koonfurta soomaaliya.
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti/ Djibouti |
|
|