|
|
 |
|
| |
Gudoomiyaha Isbeheeysiga Dib u
xoreeynta Dalka Soomaaliya oo sheegay in ay Dagaalka
Sii wadayaan inta Dalka ay ka baxayaan cadawga ku
soo duulay ee Ethiopia...Jun,12,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Shiikh shariif Shiikh Axmed oo
ah Godoomiyaha isbahaysiga dib u Xoraynta soomaaliya
ayaa ugu baaqay dhinacyadii diidanaa shirkii jabuuti
in ay heshiiska taageeraan si Ciidamada Cadawga ah
ee dalka Qabsday looga saaro
Godoomiyaha isbahaysiga dib u Xoraynta oo waraysi
qaas ah siinayay TV ka Afka Carabiga ku hadla ee Al
Jazeera ayaa waxa uu sheegay in dhinacyadii ka soo
horjestay heshiiskii ka dhacay Magaalada Jabuuti ay
haboontahay in ay taageeran heshiiskasi si ay u
suurto gasho in Ciidamada Cadowga ah ee Ethiopia ay
dalka soomaaliya ka Baxaan.
"Dhinacyada Soomaaliya haatan ku sugan way
taageersan yihiin heshiiskaasi maxaa yeelay iyagu
Majecla in Ciidamada Gumaysiga dalka ay sii joogaan
"ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh
Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu intaasi sii
raaciyay in uu ka dalbanyo dhinacyada heshiiskaa
qaadacsan in ay isku dayaan in ay Ogaadaan heshiiska
iyo wax yaabaha uu ku qotomo kaasi oo laagu tala
galay in Ciidamada Ethiopia wadanka looga
saaro,waxaana uu sheegay in iska Caabinta ay sii
Soconayso islamarkaana dalka la xoraynayo dadka
Soomaaliduna ay yihiin kuwa doonaya in Ciidamada
Ethiopia ay dalka si qasab ah uga Saaraan.
Godoomiyaha isbahaysiga dib u Xoraynta Soomaaliya
ayaa waxaa la waydiiyay su'aal ku aadan in xubno ka
tirsan isbahaysiga dib u Xoraynta ay isaga ka soo
hor jeedaan islamarkaana heshiiskaasi ay meesha ka
saareen,ayaa uu ku jawaabay mar waliba waxaa loo
baahanyahay in dhinacyadaasi ay ogaadaan waxa uu
heshiisku ku qotomo waxaana heshiisku uu yahay in
Ciidamada Ethiopia in wadanka ay ka baxaan kuwasi oo
iygu Xasuuq ka gaystay wadanka Soomaaliya.
Waxaa kale oo la waydiiyay in isaga laga badalayo
Xilka godoomiyaha isbahaysiga dib u Xoraynta
Soomaaliya,taasi ka Jawaabideeda waa uu ka gaabsaday
waxaana uu hadalkii ku soo gaabiyay in isagu uu
taagersan yahay in dalka laga Xoreeyo Cadowga uu
dalka ku soo duulay ee Ethiopia iyo kuwa kale ee
daba dhilif u ah Ciidamada Dowlada Cabdulaahi Yuusuf.
Waxaa uu Gudoomiya isbahaysiga dib u Xoraynta
soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ugu
danbayntii ugu baaqay dadka ka dagalamaya dalka
Soomaaliya in ay heshiiskaasi ay taageeraan.
Max'ed Ibraahin Raage.
Saylac.com Muqdisho Somalia.
Cabdullaahi Yuusuf oo
Muqdisho ka Duulay iyo Muqaawamada oo Madaafiic ku
Sagootisay.
Jun,12,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo
baxay iska horimaad goor dhoweyd ka dhacay qeybo ka
mid ah wadada Maka Al Mukarama iyo Isgoyska Km-4 ee
degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii xoogaga
Xaqudirirka ay Weerar ku qaadeen kolanyo
Galbineeysay Cabdullaahi Yuusuf kaasoo u dhexeeyey
ciidanka illaalada madaxtooyada Cabdullaahi Yuusuf
iyo kuwa Cadawga Ethiopia oo dhinac ah xilli ay
halkaasi marayeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday
madaxweynaha Dowladda Mbegahati oo la shegay inuu ka
duulayey garoonka Aadan cadde, isagoo ku sii jeeda
magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia sida uu
xaqiijiyey afjayeenka Dowladda Cabdullaahi Yuusuf
Cabdi Xaaji goobdoon.
Warka ayaa intaa ku daraya in iska horimaadkan uu
bilowday ka dib markii xoogaggaa hubeysan ay
baasuukeyaal ku soo weerareen ciidamada Isbaheystay
ee ilaalada ka hayey wadada Maka Al Mukarama, iyagoo
ka soo weeraray dhinaca xaafadda Taleex ee degmada
Hodan, waxaana halkaasi ka dhacay hub aad u culus oo
labada dhinac ay isweydaasdeen, kaasoo la sheegay
inuu qasaare xooggan ka geystay wadada taleex oo ay
ku dhinteen sida la sheegay illaa 6 ruux oo u badnaa
dadka halkaasi ku ganacsanayey halka 13 kale ay ku
dhaawacmeen, markii ay haleeleen dadkaasi hub culus
oo ciidamada cadaawga ah ee isbaheystay ay wadadaasi
soo raaciyeen.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan isgoyska Km-4 ee
degmada Hodan ayaa la sheegay iney ku lug yeesheen
dagaalkaasi isla markaana mid ka mid ah gawaaridooda
uu qasaare ka soo gaaray halkaasi, inkastoo
afhayeenkodu uu beeniyey arintaasi isagoo sheegay in
ilaa shan hoobiye ay ku soo dhaceen garoonka
dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho,
kuwaasoo u xusay ineysan jirin wax qasaare ah oo ay
geysteen, waxaana imika caadi ku soo laabtay xaalada
wadada Maka Al Mukarama iyo isgoyska Km 4 ka dib
markii ay ka tageen ciidamadii halkaasi lagu soo
daadiyey ee sugayey sida la sheegay Amaanka
Cabdullaahi Yuusuf , waxaana dib u bilowday socodkii
dadka iyo gaadiidka ee wadadaasi.
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu ku hor
mari doono magaalada Baydhabo ee gobolka Bay,
halkaasoo uu uga sii gudbi doono magaalada Addis
ababa ee dalka Ethiopaia sida ay xaqiijiyeen warar
aanu ka helnay saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha
gudaha ee xukuumada Embegahti oo diiday in magacooda
la soo xigto, lamana oga illaa hadda ujeedada
safarka uu Yuusuf ugu ambabaxay magaalada Addis
ababa oo ku soo beegmay saddex cisho ka dib markii
magaalada Jabuuti ay heshiis ku gaareen Dowladiisa
iyo isbaheysiga ka soo horjeeda ee dib u xoreynta
xubno ka tirsan, kaasoo qodabadiisa ay ka mid yihiin
in ciidamaada Ethiopia ay dalka uga baxaaan 120
maalmood gudahood ka dib marka dalka la keeno
ciidamo ka socda QM.
Max'ed Ibraahin Raage.
Saylac Muqdisho Somalia.
Maxaakiimta Islaamka oo
sheegay ineysan xabada joojin doonin inta ciidamada
Ethiopia ay ku sugan yihiin ciida Soomaaliya
Jun,12,2008
(Muqdisho:saylac.Com)Afhayeenka dhinaca howlgalada
ee golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaliyeed Sheekh C/raxiin
Ciise Caddow ayaa sheegay in ciidamadooda ay sii
wadi doonaan dagaalka inta buu yiri ciidamada
Cadawaga ah ee Ethiopia iyo kuwa dabadhilifka u ah
ay ku sugan yihiin taako ka mid ah ciida Soomaaliya,
isla markaana ay wadaan dhibaatada ay ku hayaan
shacabka Soomaliyeed.
Waxaa uu intaa ku daray afhayeenku in dagaalka ay
kala horjeedaan ciidamada Ethiopia uu yahay mid is
difaac ah oo uu faray Alle iyo rasuulkiisa, isla
markaana ay kaga hortagayaan ciidamo cadow ah oo ku
Soo duulay isla markana xasuuq aan loo aabe yeelin
ku haya shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uu xusay in
loo baahan yahay shacabka iney u midoobaan sidii ay
dhulkooda uga xoreyn lahaayeen ciidamada gumeeysi
doonka ah ee Ethiopia.
"Xabada marnaba joogsan meyso inta cadowga iyo kuwa
uu ku adeegto ay ku sugan yihiin ciida Soomaaliya,
waayo dadkeena ayey maalinkasta ku hayaan xasuuq,
waxayna ka buuxiyeen xabsiyada ku kala yaala
madaxtooyada Villa Somalia, Baydhabo iyo gudaha
dalka Ethiopia, iyadoo aysan jirin wax ay
galabsadeen oo aan ka aheyn iney islaam yihiin oo
diintooda difaacanaayan, inaan dagaalka wadnana
illaa cadowga aan ka xoreynana ILAAHAY ayaa na faray
iyo madaxdeena ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Hadalka afhayeenka dhinaca howlagala ee ciidamada
Maxaakiimta Islaamka ayaa ku soo beegmay xilli ay
magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti heshiis xabad
joojin ah ku kala saxiixdeen isbaheysiga dib u
xoreynta iyo Dowlada Embeghati, kaasoo iminka ka soo
baxayaan su'aalo sida uu ku dhaqan geli karo iyadoo
ay dalka weli joogaan ciidamada Ethiopia ay socdaan
weerarada ka dhan ah iyaga iyo kuwa Dowladda ku
sheegay Cabdullaahi Yuusuf.
Max'ed Ibraahim Raage.
Saylac.com Muqdisho Somalia.
|
|
|