| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Wadada Xadiidka Jabuuti oo halis ku jirta in Ciidamada Erateriya goyaan
Jun,11,2008

Djibouti(Saylac.com) Dagaalada ka dhex dhacay labada ciidan ee Jabuuti iyo Erateriya ayaa dadka badankiisu waxay ka cabsi qabaan in ciidamada Erateriya ay goyaan jidka tareenka ee isku xidha Itoobiya iyo Erateriya oo aanay jirin ciidamo gabi ahaanba ilaalin kara jidkaas dheer.

Dawlada Itoobiya ayaa cabsi dheeraada ka qabta in ujeedada kobaad ee Erateriya dagaalkan u bilawday ay tahay in inay iskaba raaciso iska markaana ay heshay siro aad loogu kalsoon yahay in Erateriya doonayso in Jidkaa xadiidka ay goyso amaan darana ka abuurto isku socodka Jabuuti iyo Itoobiya.


Dhinaca Jabuuti ayaa maanta shir Jaraa'id oo ay qabteen madaxda Ciidamadu waxay shegeen inay guulo waaweyn kaso hoyeen dagaalkii dhawrkii casho ee inaga tagey afka la isku daray ciidamada Erateriya dibna loogu ceshay xadka labada dal u dhexeeya.

Cabsidan soo xoogsaartey jidkan Xadiidka ayaa waxay saamayn weyn ku yeelan doontaa dhaqaalaha dalka Jabuuti iyo Itoobiya oo maalin walba shixnado dhanka dhulka ah isku dhaafsada jidkan xadiidka ah.

Ciidamada maraykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti iyo kuwa faransiiska ayaa aad heegan u galay iskuna diyaariyey amaanka dhinaca bada inay sugaan hadii ay erateriya isku daydo inay badgooye ku samayso maraakiibka ganacsiga ee xeebaha bada cas mara.

Dawlada Jabuuti ayaa dhinaca Milateriga aad uga gacan saraysa Dawlada Erateriya balse ay dawlada Erateriya u dhaqmayso si nafla caarinimo iyo iskaba raacin aan xad lahayn.

Guud ahaan degmooyinka waqooyi ee dalka Jaabuuti ayaan degan ciidamada qaranka Jabuutina 70% waxay ku sugan yihiin xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Erateriya.


Dagaalkan ayaa waxa uu ku soo beegmay xiliga Xagaaga oo aad dhulku u kulul yahay dadka reer Jabuuti badankooduna uu u xagaa baxo dhanka Itoobiya waxase sanadkan la filayaa in dadkii Itoobiya u xagaa bixi jiray ay ku bedeshaan dhanka Somaliland oo ay dadka badankoodu ka doorbideen inay u xasiloon tahay.

Wararka iyo sawirada dagaalka kala soco saylac.com
saacadaha  inagu soo fooleh
Osman Hussein
Saylac.co.
Djibouti, Djibouti