| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
 
Ciidamada Tegreeda iyo kuwa Dabadhilifka ee Cabdulaahi Yuusuf oo dad rayid ah ku toogtay xukun Maxkamadeed la'aan Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho..Jun,09,2008         Daawo sawiro naxdin leh

Jun,09,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Ciidamadaan ayaa manta duhurkii xiray wadada Towfiiq ilaa iyo suuq Bacaad waxaana markii hore loo malaynayey in ay howgalo ka sameynayaan bale markii ay wadada fureen ayaa lagu arkay meydadka sadax qof oo ay halkaa ku dilaeen ,

Sadaxdaan qof ayaa la gartay in ay ahaayeen wiilal ay qabqabteen maalintii khamiista oo ay maxaabiis ahaan u hayeen sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deeganka



Abaaro 12 kii duhurnimo ee maanta ayaa la maqlay rasaas ka dhacaysa isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir xiligaas oo aan wadada loo ogoleyn in ay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka markii wadadii la furay ayaa waxaa la arkay meydadkaan oo yaal afafka hore ee dugsiga Axmed Gurey waxayna ka xirayeen meydadkani lugaha iyo gacmaha

Waxaana loo diiday meydadkaa in ay qaataan eheladooda balse markii danbe ayaa la ogolaaday in ay qaataan eheladoodii kuwaas oo sheegay in ay ka maqnaayeen ilaa khamiistii la soo dhaafay kuwaaso oo laga qabtay isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid

Dhanka kale Askar la sheegay in ay ka tirsanaayeen kuwa dharka cagaaran ee hoos taga maamulka gobolka Banaadir ayaa barqanimadii maanta ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir nin ganacasade ahaa oo ka tirsanaa dadka deegaankaasi.


Dilkan oo ka dhacay meel u dhexeysa saldhiga Booliska Galbeed oo ciidamadaasi fariisin u ah iyo halka loo yaqaano Tabakaayo Madow oo ninkaasi uu ku ganacsanayey ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ku amreen ciidamada dowlada Cabdulaahi Yuusuf inuu halkaasi isaga tago, kana qaato alaabadiisa, hase ahaatee ninkaasi oo u hogaansamay amarka handadaada uga yimid ciidamada ayaa intii uu ku guda jiray rarashada alaabo qaab warato ah halkaasi ugu tiilay ayaa waxaa rasaas si lama filaan ah ugu furay mid ka mid ah askarta ciidamada Embagthi taasoo ninkaasi madaxa ka haleeshay keentayna inuu halkaasi ku geeriyoodo.

Falka noocaan oo kale ah ayaa ah mid aan ku cusbeyn ciidamada dowlada Embagthi iyo kuwa Ethiopia waxaana maalin ka hor ka dhacaday kuliyada jaale Siyaad in lagu dilo laba nin oo midkood yahay macalin duqsi qur'aan kuwaasoo ay cidamada dowlad Embagthi ka soo qabteen hotel Weheliye Taasoo si aad ah uga fajicisay dadka deegaanka oo sheegay in sawiro laga qaaday markii la qabanayey ka dibna la dilay maxkamad la.aan lamana oga Sababta dilkooda keentay waxaana la tuhun san yahay in uu qeeyb ka yahay Falalka ay Ciidamadan isku Beheeystay Laynta Shabka Soomaaliyeed.



Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.com Muqdisho Somalia.

Xaalada suuqa Bakaaraha oo saaka caadi ku soo laabatay ka dib markii uu shalay marti geliyey duqeyntii ugu cusleyd taariikhda.
Jun,09,2008

(Muqdisho:Saylac.com)-Dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saaka caadi ku soo laabtay ka dib markii maalintii shalay ay gudaha Suuqaasi la soo bartilmaameed-sadeen ciidamada Tegreeda ee Dalka Ku soo duulay ee Ethiopia iyo kuwa Dowladda Embagthi duqeyn aan loo meel dayin oo Suuqa ka geystay qasaarihii ugu badnaa ee isugu jira naf iyo maal intaba.

Suuqa ayaa saaka waxaa ku soo qulqulayey dadweyne aad u fara badan oo iskugu jira gancasato soo eeganeysa haddii ay waxyeelo soo gaartay iyo haddii kale goobahooda ganacsi iyo kuwo kale oo Suuqa ka lahaa dano gaar ah, kuwaasoo shalay intii ay duqeynta ku socotay ay u suurta geliweysay iney suuqa soo galaan sababo la xirira cabsi ay lafahooda u baqayeen darteed.

Gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhismeyaasha ku yaala wadooyinka 1-aad iyo labaad ee Suuqaasi ayaa waxaa ka muuqanaya burbur xooggan oo ay madaafiicdu u geysteen, iyadoo wadooyinkana ay dhex daadsan yihiin fiilooyin fara badan oo ka mid ah kuwa kortontada iyo telefoonada oo ay dhulka soo dhigeen madaafiicda halkaasi lagu asqeysiiyey, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadaha Isgaarsiintana ay ku howlanayeen sidii ay fiilooyinkaasi dib ugu xiri lahaayeen.

Dadweynaha ayaa raxan raxan u taagnaa bartamaha Suuqa iyagoo isweydiinaya sababta keentay duqeyntaasi iyo qasaaraha ka dhashay oo illaa hadda dhimashadda ay gaartay illaa 20 ruux oo rayid ah halka dhaawacuna uu caga cageynayo in ka badan 100 ruux oo haatan lagu daweynayo isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana duqeyntii shalay ay aheyd tii ugu xumeyd ee taariikhda loo geysto Suuqa Bakaaraha.


Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.com Muqdisho Somalia.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Duqeeyntii Shalay loo Geeystay Suuq Bakaaraha ay aheeyd Aar gudasho.
Jun,09,2008


(Muqdisho:Saylac.com)- Shiikh Xasan Daahir Aweeys oo Xubin Sare ka ah Isbeheeysiga Dib U xoreeynta Dalka ayaa sheegay in Dagaalkii shalay ka dhacay Qeeybo ka mid ah degmada Wardhiigleey iyo Duqeeyntii ay ciidamada cadawga ee dalka Ku soo duulay ee Ethiopia u geeysteen Suuqa Bakaaraha ay tahay Micneheeda Aargudasho ay Ethiopia kaga Aar gudaneeyso Shacabka Soomaaliyeed wax yaabihii dhex maray Sanadihii todobaatameeyadii waxaana uu sheegay in arinatani ay in badan ku taameeysay Dowlada Ethiopia.



"Waa ay iska Cadahay in Duqeeynta ay Ciidamada Ethiopia ka geeysteen Suuqa bakaaraha ay tahay Aargudasho ay in badan ku taaamayeen" ayuu yiri sheikh Xasan Daahir Aweeys.

Sidoo kale Xasan Daahir Ayaa sheegay in xiligani aan loo baahneeyn in Ciidamada Gumeeysiga Ethiopia Dalka looga Saaro wada hadal maadaama ay yihiin Gumeeysi dalka ku soo duulay waxaana loo baahan yahay in Awood looga saaro dalka oo la sii wado halganka looga soo hor jeedo.

" Dal waliba oo xoog lagu qabsado waxaa lagama maarmaan ah in Xoog milateri lagu xureeyo oo ay Shacabkiisa iska Ridaan Heeryada Gumeeysiga " ayuu si kulul u yiri sheikh Xasan Daahir Aweeys.

Shiikh Xasan Daahir Aweeys mar wax laga weeydiiyay Shirka Ka socanaya Dalka Jabuuti waxaa uu ka aaminsan yahay waxaa uu sheegay in lagu doonayo shirkaasi in lagu sii xalaaleeyo Joogitaanka Ciidamada Tegreeda ee dalka Soomaaliya ku soo duulay iyo in lagu kala qeeybiyo Isbeheeysiga Dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya oo uu xubin ka yahay isaga.

Hadalka sheikh Ayaa ku soo beegmaya xili Qeeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay shalay ka dheceen Dagaalo xoogan iyo duqeeyn ay ciidamada cadawga Ethiopia iyo Ciidamada kooxda Embagthi ee uu hor kacayo Dhiig yacab Cabdullaahi Yuusuf ay u geeysteen Qeeyb badan oo suuqa Bakaaraha kaasi oo qasaare nafeed iyo mid maaliyadeed dhaliyay.


Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.com Muqdisho Somalia.


Qaar ka Mid ah Dadkii kii ku dhaawacmay Duqeeynta Ciidamada Tigreeda ay ka geeysteen ugu geeriyooday Dhaawacooda Cusbitaalada Magaalada Muqdisho.
Jun,09,2008

(Muqdisho:Saylac.com)-Qaar ka mida dadkii shalay ay dhbaatada cusul ka Soo gaareen Madaafiicda ay sida arxan Darada ah ugu Garaaceen Ciidamada Dalka ku Soo duulay ee Ethiopia ay ku Garaaceen Suuqa Bakaaraha ayaa ku Geeriyooday Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadii shalay ka soo gaaray dadka rayidka Madaafiic ay u qaybiyeen ciidamada Tigreeda ah ee Dalka Soomaaliya ku soo duulay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ugu geeriyooday Cusbitaalka Madiina Sedax Ka mida oo dadkaasi oo mid ka mid ah ay Hayd gabar reerkeeda oo dhan ka soo hartay kadib markii madfac ku soo dhacay gurakooda kaasi oo dilay dhamaan reerkeeda.

24 kii Saac ee laga soo gudbay ayaa waxaaa Cusbitaalka Madiina la gaarsiiyay 64 qofood oo dhamantood ku soo dhaawacmay Madiicdii shalay ku soo dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Xaafadaha ka agdhow waxaana dadkaasi sidoo kale ka Mida ahaa reer uu Madfac ku soo dhacay gurikooda waxaana ku dhaawcmeen Dhamaan 7 qofood oo kala ahaa Hooyo iyo Caruurteedii iyadoo Markii Dambane ay geeriyootay hal gabar oo Curad u ahayd reerkaasi waxaan haatan Dhaawac Xun ah hooyada Dhashay Caruurtaasi.


Dadka ku dhaawacmay madaafiicdii shalay Ciidamada cadawga Ethiopia ay ku soo garaaceen suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ay sababeen in ay ku geeriyoodaan ku dhawaad 20 qofood iyadoo ay ku dhaawcmeen dad kor u dhaafaya 100 Qofood oo rayid ah.



Inta badan waxaa ay waxyeelo ka soo gaartaa duqeeynta Muqdisho ay ka geeystaan Ciidamada dalka Soomaaliya ku soo duulay ee qabsaday ee Ethiopianka dad rayid ah oo aan waxba galabsan.


Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.com Muqdisho Somalia.