|
|
 |
|
| |
Madaxweynaha Somaliland oo
Casho Sharaf u Sameeyay Wefdi Ka Socda Hay’adda SOS,
Jun,06,2008
Daawo sawirada
Hargeysa (Saylac.com))- Madaxweynaha Somaliland
Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu xalay qasriga
Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay Wefdi
balaadhan oo ka socda hay’adda u adeegta daryeelka
Caruuraha Agoonta iyo kuwa dayac tirka u baahan ee
loo yaqaano SOS.
Wefdigaasi oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha hay’adda
SOS Mr Hermute Kuti ujeedada socdaalkooda ay ku
yimaadeen Somaliland waxa ay tahay in ay soo
booqdaan Mashaariicda hay’adda SOS ay ka fulisay
Jamhuuriyada Somaliland iyo kuwa ay ugu tallo gashay
in ay ka qabataba.

Sida laga warqabo Hay’adda SOS Mashaariicda ay ka
fulisay Somaliland waxa ka mid ah Dayactirka ugu
balaadhan ee ay ka samaysay dugsiga waxbarashada ee
Sheekh oo ah dugsiga ugu baaxada weyn dugsiyada sare
ee Somaliland, waxa kale oo ka mid ah dugsiga
xarunta Agoomaha oo ay hay’addaasi ka dhistay
xaafada Axmed Dhagax oo hadda dhamaystir ku dhow.
Wefdiga SOS waxa kale la filayaa in ay dhagax
dhigaan Mashruuc ka mid ah dugsiyada lagu xanaaneeyo
caruurta oo isna ay ka fulin doonto Magaalada Burco
ee gobolka Togdheer.
Wefdigaasi balaadhan ee ka socda SOS waxa kale oo ka
mid ahaa Xoghayaha guud ee hay’addaasi u qaabilsan
Arrimaha Afrika iyo Bariga dhexe Mr Aristide iyo
saraakiil kale oo ka tirsan SOS.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu mahad naqay
hay’adda SOS sida hagar la’aanta ah ee ay uga
fuliyeen Mashaariicda Dugsiyada lagu xanaaneeyo iyo
kuwa wax lagu barto ee Somaliland, iyada oo uu
kaalin wax ku ool ah ka qaatay Marxuumkii hogaamin
jiray Mashaariicda SOS ee Somaliland ilaahay ha u
naxariistee Marxuum Cabdillaahi Maxamuud Xirsi ‘’Ashcari’’.
Casho sharaftaasi Madaxweynuhu u fidiyay madaxda SOS
waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan
Xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada
Mudane Xasan X. Maxamuud Warsame , Wasiirka
Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo Wasiirka
Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
|
|
|