|
|
 |
|
| |
Isbaheysiga Dib u xoreynta
garabka Jabuuti oo ku eedeeyay Dowladda Eritrea inay
sii hurineyso khilaafka isbaheysiga dhexdiisa..Dec,13,2008
(Qahira:Saylac.Com)-Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib
u xoreynta garabka Jabuuti oo booqasho ku jooga
Magaalada Qaahira ayaa ku eedeeyay Dowladda Eritrea
inay dab ku sii shideyso khilaafka u dhaxeeya
Isbaheysiga Dib u xoreynta ee kal hore lagu soo
unkay Magaalada Asmara.
Xubnahan oo ay horkacayeen Xoghayaha Isbaheysiga Dib
u Xoreynta Sheekh C/raxmaan Janaqow iyo Xoghayaha
Arrimaha Gudaha Cumar Xaashi Aadan oo kulan la
qaatay Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka Masar ayaa
iyagoo u waramayay warbaahinta gudaha ayaa waxaa ay
sheegene in dowlada Eritrea ay sii hurineyso
qilaafka aan buurneeyn ee u dhexeeya labada garab ee
isbeheysiga.
Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa ku eedeeyay Dowladda
Eritrea inay wali sii hurineyso khilaafka
Isbaheysiga Dib u xoreynta oo u kala jabay Jabuuti
iyo Asmara, waxaana uu ugu baaqay Xukuumada Isias
Afwerki inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya.
Cumar Xaashi Aadan ayaa isna sheegay in hadafka
Isbaheysiga dib u xoreynta aanu aheyn inay dagaal
galaan, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inay ka go'an
tahay inay meel mariyaan heshiiskii Jabuuti, kaasoo
uu sheegay inuu yahay midka kaliya ee Umadda
Soomaalida dhibaatada loogaga saari karo.
Dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyaa inay taageerto
dhinac ka mid ah kooxaha mucaaradka, waxaana iyadoo
ay ka faa'ideysaneyso colaada kala dhaxeysa Ethiopia
ay taageertaa kooxaha ka soo horjeeda,waxana dhowaan
Qaramada Midoobey ku eedeysay Eritrea inay hubeyso
Kooxaha mucaaradka.
Isbaheysiga Dib u xoreynta oo markii hore ku aas
aasmay xubno ka soo go'ay Baarlamaanka Soomaaliya,
Maxkamadihii Islaamka, qurba joogta iyo qeybaha kala
duwan Bulshada ayaa bishii Augusto ee sanadkii hore
lagu yagleelay Magaalada Asmara, iyadoona xubnaha
Isbaheysigaas ay kala jabeen markii koox uu
hogaaminayay Sheekh Shariif ay heshiis la gaareen
Dowladda Embight.
Ciidamada Ethiopia oo dad xoolo dhaqato ah ku
xasuuqay Tuulada Kaba-Hirig ee Gobolka Sh/Hoose,
kadib dagaal...
Dec,13,2008
(Kabahereg:Saylac.Com)-Faah faahin dheeri ah ayaa ka
soo baxaysa dagaal culus oo shalay gelinkii danbe
Ciidamo Ethiopian iyo Xoogaga ka soo horjeeda ku
dhex maray qeybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose,waxana
dagaalka kadib ay ciidamada Ethiopia xasuuqeen dad
xoolo dhaqato u badan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada markii uu
dagaalka qabsaday ay caro darteed u laayeen dad
xoolo dhaqato ah oo xoolo ku waraabsanayay ceel
biyood ku yaal deegaanka Kaba-Hirig ee Gobolka Sh/Hoose.
Saakay ayay suurta gashay in dadka deegaanka ay ka
soo qaadeen ceel biyoodkii lagu laayay dadka xoolo
dhaqatada meydadka ilaa 10-ruux, waxaana la sheegay
in dadkan ay ka muuqatay rasaas ay si bareer ah ugu
asqeysiiyeen ciidamada Cadawga Tigrega.
Dadka deegaanka ayaa dubadiiba bilaabay qaban qaabo
ku aadan aaska Meydadka 10-ka ruux ee shalay sida
arxan darada ah ay u dileen Ciidamada Ethiopia,
markii dagaal gaadmo ah ay ku soo qaadeen Xoogaga ka
soo horjeeda oo wadada u galay.
Dagaalkii shalay oo ka dhacay galbeedka Degmada
Wanlaweyn ayaa waxaa sheegtay Xoogaga dhalinyar
diimeedka Alshabaab oo sheegay in Ciidamada Ethiopia
ay dagaalka kaga dileen dhowr askari, isla markaana
ay kaga furteen hub iyo saanad military.
Kooxo Hubeysan oo
waabarigii saakay ku dhaawacay saddex Haween Suuqa
Magaalada Baydhabo.
Dec,13,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-Kooxo Bastoolado ku hubeysan
ayaa waabarigii saakay gudaha Suuqa Magaalada
Baydhabo ku dhaawacay saddex haween ah oo wada
socday, kuwaasoo wax ka iibsanayay Suuqaasi.
Sida ay sheegayaan wararka Kooxahan Hubeysan oo
gaaray ilaa afar ruux oo Bastoolado ku hubeysan ayaa
toogtay haweenkaas, xilli ay ku sugnaayeen Suuqa
Xoolaha, qeybta lagu iibiyo sariiraha.
Wararka ayaa intaa ku daraya in haweenkaas loola
cararay Cusbitaalka, iyadoona xaalada suuqa ay
noqotay mid cakiran oo hakisay dhaq dhaqaaqii
ganacsiga, waxaana mid ka mid ah haweenkaas
dhaawaceedu uu yahay mid aad u halis ah.
Lama oga sababta ka dambeysa toogashada haweenka,
hase ahaatee warar qaar ayaa sheegaya in Haweenkan
ay goobo ganacsi ku lahaayeen agagaarka Warshadii
Xasey oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia.
Saraakiisha Ammaanka ayaan wax war ah ka soo bixin,
waxana isa soo taraya dilalka qorsheysan iyo falalka
ammaan darada ee ka dhacaya Magaalada Baydhabo,
xilli ay ku wada sugan yihiin Madaxda ugu sareysa
Dowladda TFG-da.
Weerarkan saddexda haween ayaa ku soo beegmeysa,
xilli todobaadyo ka hor gudaha Magaalada Baydhabo
lagu dilay Gudoomiyihii hore ee Ururka Haweenka
Gobolka Bay, taasoo niman hubeysan ay goobteeda
ganacsiga ku toogteen
Dowladda Uganda oo ku hanjabtay inay Ciidamadeeda ay
kala baxeyso Somaliya, hadii Ethiopia baxdo. ..Dec,13,2008
(Kambala:Saylac.Com)-Dowladda Uganda oo kumanaan
ciidan oo nabad ilaalin ay ka joogaan gudaha
Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay
kala baxeyso Soomaaliya, hadii Ciidamada Ethiopia ay
baxaan,waxana ay wal wal ka muujisay kali
ahaanshaheeda Soomaaliya, kadib bixitaanka Ciidamada
Ethiopia.
Xoghayaha Joogtada ee wasaarada Arrimaha Dibeda
Uganda Mr James Magume oo la hadlayay Wakaaladaha
Wararka ayaa sheegay in Ciidamadooda ay kala bixi
doonaan hadii ay baxaan Ciidamada Ethiopia, waxana
uu sheegay in Ciidamadooda aaneey aheyn kuwo
dhameystiran oo iska difaaci kara weerarada kacdoon
wadayaasha ku soo qaadayaan
Mr. Magume ayaa tilmaamay in Ciidamada Midowga
Afrika ay joogi doonaan oo kaliya haddii laga soo
jawaabo baaqyada loo diray caalamka ee la xiriira in
ciidamada nabad ilaalin ah oo dhamaystiran la keeno
Soomaaliya.
"Ciidamadeena kaliya kuma filna qatarta nooga imaan
karta Kooxaha kacdoonka, hadii aan baaqi ku
ahaaneyno Soomaaliya waa in la soo dhameystiraa
Ciidamada AMISOM ee horay loo qorsheeyay 8-da
Kun"ayuu yiri Mr Magume oo wal wal ka muujiyay
xaalada ciidamadooda hadii ay baxaan Ethiopian-ka
Hadalka Xukuumada Uganda ayaa ku soo beegmaya, xilli
Dowladda Ethiopia ay shaacisay in Ciidamadeeda
dhowaan kala baxeyso dalka Soomaaliya ee ay sanado
ka hor ku soo duushay, isla markaana aanay awoodin
inay sii joogto Soomaaliya, kadib markii ay sheegtay
inay xakameyn weysay xoogaga weerarada ku soo qaada.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia
|
|
|