| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dhegayso Fadeexadii ugu weynayd ee ka dhacday degmada Wajaale sanadkan oo ah in Taliyaha Booliska Wajaale fal danbi bani aadanamo ka galay muwaadin u dhashay somaliland oo magaciisa la yidhaa Sheekh Dahir Axmed Cismaan ka dib markii uu jidh-dil iyo xabsi iskugu daray muwaadinka oo aan wax danbi ah galabsan haba yaraatee....Dec,12,2008

Wajaale(Saylac.com) Falalka nuucan ahi maaha kuwo loo dulqaadan karo gabi ahaanba waana inay xukumada Somaliland si deg-dega sharciga usoo taagto taliye ku sheega degmada Wajaale oo culimadii degmada si xaq daro ah ugu cago juglaynaya isla markaana maktabadihii diiniga ahaa ee ay ka ganacsanayeen la sheegay inuu kutubtii intooda badan GUBAY AMA QASHINKA KU DARAY .
   
  Dhegayso qaybta 1aad ee hadaladii sheekha

Dhegayso  qaybta 2aad waraysiga sheekha


Sheekh Daahir Axmed Cismaan oo ah ganacsade Degan M/wajaale


Shabakada saylac.com ayaa baadhitaan dheer ku samaysan sidii cabashooyin dhawra oo culimaa -udiinka Degmada Wajaale iyo nawaaxigeedu ay in dhawaydba soo gaadhsiinayeen xafiiska wararka ee saylac.co . Socdaal ayaanu ku tagnay jeelka madaw ee Culimada bilaa danbiga ah gudaha loo dhigay oo aad runtii u dhigma jeelka Caamka ah ee ka dhisan wadanka Kuba Kuwantana Bay .


Culimadan ayaa waxay shabakada saylac.com u sheegeen in Taliyaha Degamada Xadka ku taala ee Wajaale uu ugu soo galay maktabad diini ah oo uu in mudo ahba lahaa kuna taala degmada wajaale isla markaana uu ciidan boolis ah ugu yeedhay inay rartaan dhamaanba kutubtii maktabada taalay iyo qalab kale oo iskugu jira : Cajalado fidiyo diini ah iyo kuwo kale oo maqal ah dhamaantoodba.

Sheekha Ayaa intaa ku daray inu uu weydiiyey danbiga lagu haysto lakiin aan wax jawaab ah ka helin Taliye ku sheega degmada Wajaale. Sheekha oo shabakada saylac.com u waramaya ayaa sheegay in Taliyaha Boolisku ugu jawaabay Dhirbaaxo labada daan uu kaga dhuftay sheekha!! Isla markaana garbaduub loo xidhay si jeelka degmada Gabiley oo laga xukumo degmada Wajaale gudaha loo dhigo.


Sheekha ayaa sheegay inay ahaayeen dhawr Culima- Udin oo bilaa danbi laba usbuuc ku dhawaad ugu xidhnaa jeel uu yidhi waxaba dhaama inay qudhu kaa baxdo, waa sida uu sheegay sheekhuye.

Sheekha oo hadalkiisa soo gabagabaynaya ayaa waxa uu sheegay in ka dib markii lagu waayey dacwado been abuur ah oo tibaaxayey inuu xidhiidh hoose la leeyahay ururka Al-shabaab ka dib la soo daayey LAKIIN HANTIDII UU KA GANACSANAYEY DHAMAANBA LA LUNSADEY . Sheekhu waxa uu cid walba oo Eebe ka baqaysa ugu baaqayaa inay is garab taagaan sidii dawlada somaliland loogu qancin lahaa inay ku amarto Taliyahan Booliska Degmada Wajaale oo lunsaday maktabatii sheekhu ka ganacsan jiray iyo wixii yaalay oo dhan.

Wararka kale ee aanu ka helay ilo xog ogaal ah oo degan degmada Wajaale ayaa waxay sheegayaan in qalabkii diiniga ahaa ee yaalay maktabada sheekha laga dhex qaaday ay dadka qaarkii ku kala iibsanayaan suuqada degmada Wajaale qiimo raqiis ah intii kalena ciidamada Booliska Wajaale dabka sudheen.

Tacadiga diinta Xaniifka ah ee Islaamka ay dadka Muslimiintu gacantooda ugu geysanayaan ayaa horseeday in inta badan culimaa udiinka Jamuuriyada Soomaaliland ayna ka hadlin danbiyada joogtada ah ee culimada Sharafta leh laga galaayo maalin walba iyagoo iyagu naf ahaantooda u baqaya, sababta ugu weynina ay tahay in Sheekha ka hadla xaqdarada si toosa loogu xidhiidhinayo argagixasada Caalamiga ah oo noqotey suuq lagu ogaadho Culumada soomaaliyeed Guud ahaan gaar ahaana Somaliland.



Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Wajaale/ Somaliland

Baaq loo jeedinaayo dawlada somaliland inay waxka qabato danbigan sheekha laga galay ka qayb qaado kuna soo hagaaji Saylacnews@yahoo.com  adigoo soo raacinaya magacaaga oo sadexan iyo wadanka aad degan tahay. shabakada saylac.com waxay balan qaadaysaa inay xukumada soomaliland si toosa u gaadhsiin doonto baaqa ka soo yeedha jaaliyada. Stand for your right speak out your right!! Please share this story with your friends.


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com