|
Waraysi xiiso badan oo ay
saylac.com la yeelatey qaar ka tirsan budhcad
badeedka soomaaliya
Dec,11,2008
Sidee loo qaybsadaa lacagaha
madaxfurashada maraakiibta loo siiyo budhcad
badeedka soomaaliya?..
Xaraardheere(Saylac.com) Tuulada Xaraardheere ayaa
waxa ilaa hada lagu haystaa maraakiib dhawra oo uu
ka mid yahay markabkii sucuudiga ahaa ee saliida
siday iyo maraakiib kale oo farabadan. Shabakada
saylac.com ayaa u dhawaan socdaal xaqiiq raadis ah
ku kala bixisey tuulooyinka Hobyo iyo Xaraardheere
si ay wax uga soo ogaato maraakiibka ilaa hada
gacanta ugu jira budhcad badeedka soomaaliyeed oo
naga codsaday inaan ugu yeedhno (Ciidamada
Ilaalahada Xeebaha soomaaliyeed).
Hadaba anagoon xaalada amaankooda halkan idiinku soo gudbin karin
magacaanta afar nin oo aanu la sheekaysaney, hadana
waxaanu idiinsoo bandhigaynaa hawlaha kala duwan ee
ugaadhsiga badweynta hindiya ay maalinwalba ragani
ka sameeyaan iyo siday lacagtu usoo gaadho gudaha
soomaaliya.
Sida ay noo xaqiijiyeen ragan budhcad badeedka ahi
waxay inta badan weerarada qadaan laba wakhti oo
kala ah salaada aroornimo iyo saqda dhexe ee
habeenkii saacada geeska afrika markay tahay 2: ilaa
5 subaxnimo . waxa kale oo ay intaa ku dareen inay
inta badan arkaan maraakiib aad u raran oo u kala
gooshaysa wadamada caalamka lakiin ayna midwalba
isku biimayn waa sida ay sheegeene waxay inta badan
eegtaan maraakiib ay ka warhayaan wadanka ay ka soo
baxeen iyo waxa ay sidaan oo ay ogyihiin inay
madaxfurasho lacag u qalanta ka heli doonaan.

Inkastoo ayna na siin wadamo cayiman oo ay wada
shaqayn la leeyihiin, hadana waxa jirta inay
xidhiidh hoose oo ganacsi ka dhexeeyo badmareeno
waaweyn oo u dhashay wadamada Ingiriiska iyo Kenya
iyo waliba kuwa ka soo jeeda dalka Yemen. Qalabka
sahamiska jihada iyo telefoonada casriga ah ee
satalayt ka la shaqeeya ayaa waxay uga yimaadaan
wadamada Ingriiska iyo Talyaaniga iyagoo u soo mara
wadanka Abu dabi iyo Yemen.
Hadaba iyadoo aan la soo koobi kari macluumaad dheer
oo ay siiyeen shabakada saylac.com waxa ugu weynaa
arinka yaabka leh ee ay afar tan nini noo
xaqiijeyeen inay lacagta soo gaadha budhcad badeedku
tahay kaliya lacag aad u yar lacagta inteeda
badanina shirkado ajaanabi ahi ku kala qaybsadaan
wadanka soomaaliya dibadiisa.
"Walaahi magacu kolay anaga ayuu na raacaa dadkuna
waxay u haystaan inaan malaayiin helo bil walba
lakiin xaalku sidaa wuu ka duwan yahay hadii la helo
10 milyan waxa naga soo gaadha ugu badnaan 1 milyan
oo loo qaybiyo ugu yaraan 50 qof oo iskugu jirta
ragii markabka keenay, Oday dhaqameedyo , iyo waliba
maamulka Puntland saraakiil ka tirsan" ayuu yidhi
xubin ka tirsan oo naga codsaday inaanan magaciisa
halkan ku xusin.
Lacagta ay helaan ayaa inta badan si sahala u kala
yaacda, waayo ma jiraan bangiyo ka dhisan dalka
soomaaliya oo ay dhigan karaan, waxaana inta badan
lacagahaasi wax ka soo gaadhaan dadka ku dhaqan
tuulooyinka maraakiibtu ku xidhan tahay badankooda.
Bishii tobnaad ee sanadkan waxa ka dhacay magaalada
Xaraar dheere in nin ka tirsan budhcad badeedku uu
doonay gabay ay ilmaadeer yihiin si uu ula aqal galo
wuxuuna yarad ahaan ka bixiyey lacag dhan $120 kun
oo doolarka maraykanka ah !
Mar aanu weydiinay siday u arkaan lacagtani inay
tahay xalaal iyo xaraan? waxay noogu jawaabeen
inayna aqoon dimeed iyagu ku sheegi karin
xalaasheeda iyo xaaraanteeda, lakiin bay raciiyeen
inay maraakiibtani badaha soomaaliya bilaash ku
maraan ayna haboon tahay in cashuur laga qaado
tanina waxay tusaysaa in badaha inagu aanu leenahay
waana shay cad in markab kastaa ku socdo dhaqaale
raadis ama tijaarad bilaashna u ogolaan mayno inay
badaha soomaaliya ku mushaaxaan"
Arinta yaabka leh ee ay shabakada saylac.com ogaatey
ayaa waxay ahayd in ragani iskugu jiraan qabiil
kalsta oo soomaaliyeed isla markaana ay leeyihiin
xirfad banmareen isla markaana ay haystaan qabal u
suurto galiya la socodka maraakiibta iskaga kala
goosahaya badweynta hindiya ee soomaaliya oo ah
xeebta ugu dheer qaarada afkrika.
Su'aasha xiisaha lahayd ee aanu weydiinay waxay
ahayd dhinaca soomaaliland ma ku tala jirtaan inaad
maraakiib ka soo afduubtaan? waxayna ku jawaabeen
Maya--- sababtana waxay shegeen inay bada cas
ciidamada maraykanka iyo kuwa faransiisku aad u
joogaan ayna ku adkaan doonto intay markab ula soo
cararaan xeebaha hobyo iyo xaraardheere masaafad aad
u dheer awgeed.
Qalabka dayactirka doonyaha dheereeya ee ay wataan
waxay kala soo degaan dekada boosaaso oo ay sheegeen
inay xidhiidh qarsoodi ah leeyihiin saraakiil sar
sare oo ka tirsan ismaamulka Puntland, balse ay
dideed inay magacaabaan.
Wadamaha reer galbeedka ayaa walaac weyn ka muujiyey
budhcad badeedka soomaaliya oo sii xoogaysanaya
waxanad xeebaha soomaaliya ku arkaysaa maraakiib
waaweyn oo ciidamada maraykanku leeyihiin oo gaar
ahaan habeenkii aragtidoodu kuu muuqato.
Siciid Axmed ( siciid ingineere)
Saylac.com- Xaraar dheere-
|