| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Waraysi xiiso badan oo ay saylac.com la yeelatey qaar ka tirsan budhcad badeedka soomaaliya  Dec,11,2008

Sidee loo qaybsadaa lacagaha madaxfurashada maraakiibta loo siiyo budhcad badeedka soomaaliya?..

Xaraardheere(Saylac.com) Tuulada Xaraardheere ayaa waxa ilaa hada lagu haystaa maraakiib dhawra oo uu ka mid yahay markabkii sucuudiga ahaa ee saliida siday iyo maraakiib kale oo farabadan. Shabakada saylac.com ayaa u dhawaan socdaal xaqiiq raadis ah ku kala bixisey tuulooyinka Hobyo iyo Xaraardheere si ay wax uga soo ogaato maraakiibka ilaa hada gacanta ugu jira budhcad badeedka soomaaliyeed oo naga codsaday inaan ugu yeedhno (Ciidamada Ilaalahada Xeebaha soomaaliyeed).

 Hadaba anagoon xaalada amaankooda halkan idiinku soo gudbin karin magacaanta afar nin oo aanu la sheekaysaney, hadana waxaanu idiinsoo bandhigaynaa hawlaha kala duwan ee ugaadhsiga badweynta hindiya ay maalinwalba ragani ka sameeyaan iyo siday lacagtu usoo gaadho gudaha soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen ragan budhcad badeedka ahi waxay inta badan weerarada qadaan laba wakhti oo kala ah salaada aroornimo iyo saqda dhexe ee habeenkii saacada geeska afrika markay tahay 2: ilaa 5 subaxnimo . waxa kale oo ay intaa ku dareen inay inta badan arkaan maraakiib aad u raran oo u kala gooshaysa wadamada caalamka lakiin ayna midwalba  isku biimayn waa sida ay sheegeene waxay inta badan eegtaan maraakiib ay ka warhayaan wadanka ay ka soo baxeen iyo waxa ay sidaan oo ay ogyihiin inay madaxfurasho lacag u qalanta ka heli doonaan.

Inkastoo ayna na siin wadamo cayiman oo ay wada shaqayn la leeyihiin, hadana waxa jirta inay xidhiidh hoose oo ganacsi ka dhexeeyo badmareeno waaweyn oo u dhashay wadamada Ingiriiska iyo Kenya iyo waliba kuwa ka soo jeeda dalka Yemen. Qalabka sahamiska jihada iyo telefoonada casriga ah ee satalayt ka la shaqeeya ayaa waxay uga yimaadaan wadamada Ingriiska iyo Talyaaniga iyagoo u soo mara wadanka Abu dabi iyo Yemen.

Hadaba iyadoo aan la soo koobi kari macluumaad dheer oo ay siiyeen shabakada saylac.com waxa ugu weynaa arinka yaabka leh ee ay afar tan nini noo xaqiijeyeen inay lacagta soo gaadha budhcad badeedku tahay kaliya lacag aad u yar lacagta inteeda badanina shirkado ajaanabi ahi ku kala qaybsadaan wadanka soomaaliya dibadiisa.

"Walaahi magacu kolay anaga ayuu na raacaa dadkuna waxay u haystaan inaan malaayiin helo bil walba lakiin xaalku sidaa wuu ka duwan yahay hadii la helo 10 milyan waxa naga soo gaadha ugu badnaan 1 milyan oo loo qaybiyo ugu yaraan 50 qof oo iskugu jirta ragii markabka keenay, Oday dhaqameedyo , iyo waliba maamulka Puntland saraakiil ka tirsan" ayuu yidhi xubin ka tirsan oo naga codsaday inaanan magaciisa halkan ku xusin.

Lacagta ay helaan ayaa inta badan si sahala u kala yaacda, waayo ma jiraan bangiyo ka dhisan dalka soomaaliya oo ay dhigan karaan, waxaana inta badan lacagahaasi wax ka soo gaadhaan dadka ku dhaqan tuulooyinka maraakiibtu ku xidhan tahay badankooda. Bishii tobnaad ee sanadkan waxa ka dhacay magaalada Xaraar dheere in nin ka tirsan budhcad badeedku uu doonay gabay ay ilmaadeer yihiin si uu ula aqal galo wuxuuna yarad ahaan ka bixiyey lacag dhan $120 kun oo doolarka maraykanka ah !

Mar aanu weydiinay siday u arkaan lacagtani inay tahay xalaal iyo xaraan? waxay noogu jawaabeen inayna aqoon dimeed iyagu ku sheegi karin xalaasheeda iyo xaaraanteeda, lakiin bay raciiyeen inay maraakiibtani badaha soomaaliya bilaash ku maraan ayna haboon tahay in cashuur laga qaado tanina waxay tusaysaa in badaha inagu aanu leenahay waana shay cad in markab kastaa ku socdo dhaqaale raadis ama tijaarad bilaashna u ogolaan mayno inay badaha soomaaliya ku mushaaxaan"

Arinta yaabka leh ee ay shabakada saylac.com ogaatey ayaa waxay ahayd in ragani iskugu jiraan qabiil kalsta oo soomaaliyeed isla markaana ay leeyihiin xirfad banmareen isla markaana ay haystaan qabal u suurto galiya la socodka maraakiibta iskaga kala goosahaya badweynta hindiya ee soomaaliya oo ah xeebta ugu dheer qaarada afkrika.

Su'aasha xiisaha lahayd ee aanu weydiinay waxay ahayd dhinaca soomaaliland ma ku tala jirtaan inaad maraakiib ka soo afduubtaan? waxayna ku jawaabeen Maya--- sababtana waxay shegeen inay bada cas ciidamada maraykanka iyo kuwa faransiisku aad u joogaan ayna ku adkaan doonto intay markab ula soo cararaan xeebaha hobyo iyo xaraardheere masaafad aad u dheer awgeed.

Qalabka dayactirka doonyaha dheereeya ee ay wataan waxay kala soo degaan dekada boosaaso oo ay sheegeen inay xidhiidh qarsoodi ah leeyihiin saraakiil sar sare oo ka tirsan ismaamulka Puntland, balse ay dideed inay magacaabaan.

Wadamaha reer galbeedka ayaa walaac weyn ka muujiyey budhcad badeedka soomaaliya oo sii xoogaysanaya waxanad xeebaha soomaaliya ku arkaysaa maraakiib waaweyn oo ciidamada maraykanku leeyihiin oo gaar ahaan habeenkii aragtidoodu kuu muuqato.


Siciid Axmed ( siciid ingineere)
Saylac.com- Xaraar dheere-



 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com