|
|
 |
|
| |
Gudoomiyaha Siyaasadda ee
Xisbiga UDUB
Oo La Kulmay Guddida Fulinta ee UDUB UK
Dec,04,2008
London(Saylac.com)Mudane Cumar Jamac wuxuu carabka
ku xajay in Shirweynihii xisbigu u qorsheysan yahay
in uu dhaco ugu danbeyn dhamaadka bisha January ee
sanadka soo socda haddii Eebbe Idmo
Gudoomiyaha Siyaasadda ee xisbiga UDUB Mudane Cumar
Jamac oo todobaadadan ku sugnaa qaaradan Yurub gaar
ahaan wadamada Finland iyo UK ayaa wuxu 29-11-08
shir kula yeeshay magaalada London Guddida Fulinta
ee UDUB UK. Shirkaasi oo ahaa mid si weyn loo soo
abaabulay laguna sagootiyayey Gudoomiyaha oo dhawaan
dib ugu laabanaya wadankii. Shirkaasi oo uu
gudoominayey Gudoomiye Ku Xigeen 1aad oo UDUB UK
Faysal Cilmi, furitaankii shirka ka dib wuxuu
gudoomiye ku xigeenku warbixin kooban ka bixiyey
hawlaha UDUB UK iyo laamaheeda kala duwan. Intaa ka
dib waxa hadalkii qaaday Gudoomiyaha Siyaasadda ee
Xisbiga UDUB oo hadalkiisa ku soo qaaday waxyaabo
kala duwan.

Ugu horeyn wuxuu Gudoomiyuhu si guud uga waramay
xaalada nabadgalyada, waxaanu xusay in
hantaaqooyinkii iyo duruufihii ka dhashay qaraxyadii
argagixisada ee dalka ka dhacay haatan laga soo
kabtay ka sakow khasaarihii dhimasho iyo dhaawaca
ahaa ee ay geysteen. Waxaanu sheegay in dadkii
dhibaatadaasi geystey iyo kuwii ku gargaareyba qaar
ka mid ah la hayo sawirkii farahooda.
Waxa kale oo uu sheegay in dhacdadaasi dhiiladda
lahayd ka dib, ay dadweynaha reer Somaliland isku
abaabuleen dad iyo dawladba si buuxda, iyadoo
dadweynuhu isku abaabuleen si magaalo magaalo, degmo
dagmo, xaafad xaafad iyo sakad sakad ah, taasi oo
looga jeedo si loo adkeeyo nabadgalyada indho badana
loogu eego looguna ilaasho cadawga Somaliland iyo
nacabka ummadda sida argagixisada Al-Shabaab(Al-Shayaadiin)
iyo kuwa la midka ah.
Sidoo kale, mar uu ka hadlayey arimaha maamul
fidinta, wuxuu sheegay in suggidda nabadda iyo
xisiloonida guud ee ka hirgashay gobolka Sool iyo
magaalooyinka gobolka Badhan ay noqotay mid kaalin
muhiim ah kaga jirta deganaanshaha guud ee mandaqada
iyo gaar ahaan Somaliland iyo sidoo kale Gobolka
kilirka Shanaad ee Ethiopia.
Mar ka hadlayey qabanqaabada loogu jiro qabashada
Shirweynihii xisbiga UDUB wuxuu ku tilmaamay mid si
xawli iyo dardar ah u socota waxaanu sheegay in ay
jiraan guddiyu ku hawlan arintaasi, isagoo dib u
dhaca ku yimid qabashadii Shirweynaha xisbiga ku
sababeeyey mid la xidhiidha danaha guud ahaaneed ee
Qaranka oo madaama xisbigu yahay kii talada wadanka
hayey ay marwalba danta Qaranka ka horeysiiyaan
hawlaha xisbiga. Waxaanu xusey hawlaha ay ka mid
ahaayeen hirgalintii iyo dhisidii Guddida
Doorashooyinka, dib u dhicii doorashooyinka iyo
sidoo kale hawsha imika socota ee Diwaangalinta
Codbixiyayaasha oo ku tilmaamay mid taariikhi ah
muhiimmad weyna dalka u leh. Mudane Cumar Jamac
wuxuu carabka ku xajay in Shirweynihii xisbigu u
qorsheysan yahay in uu dhaco ugu danbeyn dhamaadka
bisha January ee sanadka soo socda haddii Eebbe Idmo
marka la soo gabagabeeyo hawlaha Diiwaangalinta.
Waxaanu intaa raaciyey in qabashada Shirweynaha
xisbigu tahay mid Dastuuri oo ay waajib tahay in la
qabto inta ka horeysa doorashada.
Mar uu ka hadlaayey arimaha xagga siyaasdda debada,
wuxuu tilmaamay in wadanku gaadhay guulo wax ku ool
ah iyo xidhiidho Caalami ah, kuwaasi oo wadanka u
yeelan doonaa waxtar weyn ha noqotay xagga siyaasdda
iyo Ictiraafka ama dhaqaalaha iyo maalgashiga intaba.
Waxaanu ku tilmaamay xidhiidhka u dhaxeeya
Somaliland iyo wadamada Geeska Afrika mid aad u
diirran oo midho dhal ah. Sidoo kale wuxuu xusay in
uu xidhiidh iskaashi iyo mid wadashaqayneed ka
dhaxeeyo Somaliland iyo wadamada kale Calamka sida
Mareykanka, wadamada Yurub, Afrika iyo dalalka
Carabtaba.
Ugu danbayntii, Gudoomiyaha Siyaasdda ee xisbiga
UDUB wuxuu ka mahad celiyey siddii diiranayd ee
loogu soo dhaweeyey magaalooyinkii iyo meelihii u
soo maray, waxaanu balanqaaday in wadashaqayn iyo
xidhiidh joogta ah la yeelan doono mustaqbalka
Jalaliyadaha debada ee Somaliland guud ahaan iyo
maamulka iyo Guddiyada UDUB UK.
Shirkaasi xubnaha guddida Fulinta ee UDUB UK iyo
Gudoomiyaha siyaasdda ee xisbiga waxa lagu soo
gunnaanaday jawi farxadeed iyo kala war-bogasho
buuxda.
WABILLAHI TAWFIIQ
Xirsi Aw Cabdi Sheekh
Afhayeenka Guddida Fulinta UDUB UK.
|
|
|