|
|
 |
|
| |
Budhcad badeedka soomaaliyeed
oo bilaa shuruud siidaayey markab ay ka qafaasheen
dalka Yemen.+ Sawiro..Dec,01,2008
Bosaso(Saylac.com) Markab u rarnaa dalka yementa
ayaa hada ka hor gacanta u galay budhcad badeedka
soomaaliyeed. Markabkan oo siday shixmado kala duwan
ayaa waxa la sii daayey maanta dibna waxa uu ugu
noqday dalka yementa. heshiiskan lagu siidaayey
markabka yementa laga leeyahay ayaa waxa suurto
galiyey oday dhaqameedyada magaalada Boosaaso oo ku
qanciyey budhcad badeedka inay arintani khalkhal
galin karto xidhiidhka Puntland la leedahay dalka
yementa.

Wadamada reer galbeedka ayaa arinkan aad uga
cadhooday isla markaana muujiyey shiki weyn oo ay ka
qabaan in budhcad badeedku gacan weyn ka helaan
xukumada Puntland, Sarkaal sare oo ka tirsan dalka
Maraykanka ayaa sheegay in sidaynta markabkan Yemen
laga leeyahay ay marag weyn u noqon karto in is-maamulka
Puntland uu faraha kula jiro budhcad badeedku
hawlaha ay fuliyaan.
Cabdi Cali Awaare oo ah afhayeenka budhcad badeedka
ayaa sheegay in dhawaan markabkani hawlihiisii sii
wadan doono dalka yementana u balan qaaday in
maraakiibtoodu ay bilaa walwal ukala gooshi karaan
badaha soomaaliya.
Saylac.com
Bosaso, Puntland |
|
|