| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Wasiirka Caafimaadka somaliland oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Somaliland, xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka AwgeedApril,30,2008


Hargeysa (Saylac.com ):-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed ayaa sheegay inmaalinta beri oo Khamiis ah Guud ahaan shaqaalaha Dawlada iyo ardeyda Dugsiyadu ay fasax yihiin, isaga oo ku sababeeyey fasaxaadaas Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan maalinta bari oo ah 1 May 2008 oo guud ahaanba Caalamka oo dhan looga dabaal-dagayo maalintaasi.

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta saxaafada u qaybiyay, kaas oo nuqul ka mid ah aanu helay.

Qoraalkan uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Caafimadka iyo shaqada Md. Cabdi Haybe waxa uu shaaca ka qaaday in maalinta beri oo ay taariikhdu tahay 1 May, ahna maalinta shaqaalaha aduunka inay dhamaanba shaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland ay fasax noqon doonaan ama shaqada ka nasan doodaan .

Wasiirku Caafimaadku waxa munaasibadan 1 May awgeed uu hambalyo u dirayo dhamaanba shaqaalaha Somaliland, isaga oo u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash- bash iyo barwaaqo.

Xuska maalinta Shaqaalaha aduunka ayaa guud ahaanba looga dabaal-degayaa Caalamka oo dhan, iyada oo la fasaxo shaqaalaha iyo ardeyda dunida.

Cabqani Xaaji Baynax

Saylac.com/Office Hargeysa-Somaliland
 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com