|
|
 |
|
| |
Arbaca:Wararka Soomaaliya..
Oct,29,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo
dhawaan loo magacaabay xilka guddoomiyenimada
Maxamadaha islaamka oo shir jaraa'id maanta ku
qabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay heshiiskii Jabuuti.
Dr. Cumar Iimaan, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in
heshiiskii lagu gaaray Jabuuti uu yahay mid la
doonayo in muqaawamada dhabarka looga jabiyo, muddo
dheerna ay ka digayeen arrimahaas.
"Xubnihii shirka Jabuuti waday waxay ku biireen
xukuumada, waxayna ku sugan yihiin Nairobi, intii la
jirtayna waxay kusoo biireen garabyada jihaadka sii
wadaya" ayuu yiri Dr. Cumar Iimaan.
Wuxuu sheegay inuu si aad ah u soo dhaweynayo
magacaabidiisii hoggaanka Maxkamadaha, wuxuuna
daboolka ka rogay inay dagaallada sii wadi doonaan
inta ay dalka ka saarayaan waa sida uu hadalka u
yiriye ciidamada shisheeyaha ah.
"Xabada Somalia ka socota waxay joogsanaysaa marka
ay ciidamada ku sugan dalka isaga baxaan, kaman
aqbalayno Ethiopia iyo Mareykanka inay burburiyaan
muqaawamada" ayuu yiri Dr. Cumar Iimaan.
Mar uu ka hadlay hadal ay dhawaan soo saareen culumo
uu ka mid yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ahaa
culumadu ay la wareegayaan dagaalada ka socda
Somalia, markii ay iskhilaafeen madaxdii isbahaysiga
ayna isku keenayaan.
Dr. Cumar wuxuu sheegay in hadaladaas ay yihiin kuwo
aan la qaadan karin, isla markaana dagaalada ay
iyagu wadayaan, sidoo kalena aysan iyagu doonayn
heshiis ay la galaan dhinaca kale.
Sheikh Shariif Sheikh AXmed
iyo wafdi uu hogaaminyo oo ku biiray shirka IGAD.
(Nairobi:Saylac.com)-Wafdi balaaran oo uu
hogaaminayo Guuddoomiyaha isbaheysiga dib u Xoreynta
Soomaaliya ayaa goor Maanta waxa ay ku biireen
Shirka Urur Goboleedka IGAD oo maalintii labaad
galay.
Wafdiga uu hogaaminayo sheikh Shariif Sheikh Axmed
waxaa ka mid ah Cumar Xaashi Adaan,Maxamed Cabdi
Yuusuf yo shariif Xasan Sheihkh Aadan.
Lama Yaqaan ujeedada xubnaha isbaheysiga garabka
Jabuuti ay ugu biireen shirka IGAD ee dhaxmaraya
Dowlada KMG,taasoo uumujineysa in ay wada shaqeyn ka
dhaxeyso xubnaha isbaheyisga grabka Jabuuti.
Xubanaha isbaheysiga garabka Jabuuti iyo Dowlada KMG
ayaa heshiis waxa ay ku gaareen dalka Jabuuti iyadoo
ay ka soo horjeesteen xoogaga Muqaawamada soomaaliya.
Shirkii Madaxda IGAD iyo
Dowladda Federaalka oo la soo gaba gabeeyay (Go'aamo
Muhiim ah oo ka soo baxay).
(Nairobi:Saylac.com)-Shirkii Madaxda IGAD iyo
Dowladda Federaalka ayaa goor dhow la soo gaba
gabeeyay kadib shir saacado qaatay oo
Madaxweynayaasha IGAD la qaateen Hey'adaha Dowladda
Federaaliga, iyadoona Madaxda IGAD ay qudbado
xasaasi ah ka jeediyeen.
Xarunta KICC oo uu ka socday Shirka IGAD ayaa waxaa
fadhiyay Madaxweynaha Kenya Mwai KIbaki, Ra'iisul
Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo shir gudoonka
haaya, Madaxweynaha Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle,
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, Wakiil ka socda
Dowladda Sudan , madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Sidoo kale Madasha Shirka waxaa joogay Wakiilka
Qaramada midoobey ee Somalia Axmed Walad Cabdala,
Jendayi Frazer Haweeneyda Arrimaha Dibeda mareykanka
u qaabilsan Afrika, waxaa kaloo goobta fadhiyay
Wafdi ay hogaaminayeen isbaheysiga Dib u Xoreynta oo
uu ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo
Shariif Xasan.
Madaxda IGAD oo kulanka si guud uga hadlay ayaa
sheegay in Dowladda ay fashishay, horumarna aanay
jirin, waxaana ay soo saareen Go'aamo dhowr ah,
waxaana ay Madaxda IGAD sheegeen in ay lagama
maarmaan tahay in la qaado Tallaabo Deg deg ah.
iyagoona sheegay in Dowlad Midnimo qaran ah la dhiso,
taasoo ku saleysan bey yiraahdeen qaraarkii
Baarlamaanka 11-kii October.
Go'aamada waxaa kaloo lagu sheegay in 10-ka Bishan
November la dhiso Gudi isku dhaf ah oo dhinaca
Ammaanka oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo
Isbaheysiga Dib u Xoreynta, iyadoo laga ambaqaadayo
Heshiiskii Jabuuti.
Sidoo kale waxaa go'aanada oo ahaa 20 qodob ka mid
ah in Lix bilood gudahood lagu sameeyo Dastuur uu
dalka yeesho, 15-cisho gudahood la dhiso Maamulka
Gobolka Banaadir , waxaa kaloo la leeyahay in Mar
kasta IGAD ay la socoto go'aamada wixii hormaray,
isla markaana Lixdii bilood ay eegto waxyaabaha
shirka ka soo baxay.
Madaxda IGAD ayaa ku wargeliyay inay fulinayaan
go'aamadan, iyagoo intaa ku daray in baarlamaanka uu
go'aan ka gaaro waxyaabaha ka soo baxa shirka,
iyadoona ay sheegeen in dalka ay ku noqdaan.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa qodobada ka soo
baxay waxaa lagu sheegay in 10-ka bilood Dowladda
horay ugu sii socoto, isla markaana ay qaladaadkeeda
ay saxdo sida ay yiraahdeen Madaxda IGAD.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shirka goor
dhow la soo gaba gabeeyay, isla markaana Madaxdii
IGAD ay shirka ka baxeen, waxaana la filayaa in
galabta ay mar kale isugu yimaadeen Baarlamaanka iyo
Shir gudoonka IGAD, si loo sii ambaqaado dooda.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ah kuwo ku baaqaya
in Dowladda dhamaanteed ay fashilantay, isla
markaana ay waxba qaban weyday, waxaana ay yihiin
kuwo soo jeediyaya in hogaanka la badalo, hase
ahaate Dowladaha IGAD ayaa sheegay in Baarlamaanka
uu dib isugula laabto, isla markaana uu gaaro
go'aanka.
Lama oga sida xaalku noqon doono, iyadoo ay adag
tahay Sida Dowladda Federaalka dhexdeeda ugu
shaqeyso Gudaha soomaaliya, maadaama IGAD aanay
go'aan rasmi ah ka qaadan jiritaanka Dowladda oo ah
in ay badalaan, bacdamaa ay sheegeen in Dowladda ay
fashilantay
Seyoum Mesfin "Hogaanka
Dowladda waxay ku fashilmeen dhinaca Siyaasada iyo
Amniga"
(Nairobi:Saylac.com)-Wasiirka arrimaha Dibadda
Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa si kulul u eedeeyay
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib kulan
uu maalintii shalay Wasiirka la qaatay xubnaha
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Seyoum Mesfin waxaa uu sheegay in afartii sano ee ay
jirtay Dowladda ay noqotay waqti dhumis oo kaliya
wuxuuna carabka ku dhuftay in lagu fashilmay dhamaan
waxyaabihii loo dhisay Dowladda.
Wasiirka ayaa waxaa uu yiri" Madaxda Dowladda sida
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee
Dowladda Federaalka Cali Maxamed Geeddi waxay ku
fashilmeen inay dalka si wanaagsan u hogaamiyaan,
waxay ila tahay in aan lagu fashilmin oo kaliya
dhinaca ammaanka ee waxaa kaloo lagu fashilmay
dhinaca Siyaasadda".
Ethiopia ayaa soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo fara
badan kuwaas oo Dowladda Federaalka gacan ka
siinayay soo celinta ammaankii iyo kala dambeyntii
in kastoo aan sidii la rabin wax u dhaceen haddana
Itoobiya marna ma qarin in Dowladda fashilantay
Maleeshiyaad careysan oo
xalay Gudaha Saldhiga Marka ku dhex dilay Labo Nin
oo looga shakisan yahay dilka Nuuriye Cali Faarax
(Marka:Saylac.com)-Maleeshiyaad ka careysan qaraxii
shalay lagu khaarajiyay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka
Booliska G/Sh/Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa xalay
gudaha Saldhigga Booliska ee Magaalada Marka ku dhex
toogtay Labo nin oo looga shakisanaa dilkaas
abaabulanaa ee lala beegsaday qaar ka mid ah
Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ayaa
sheegaya in qaar ka mid ah Maleeshiyada Maamulka
Gobolka ay gudaha u galeen Saldhigga kadibna ay
toogteen Labadaas nin oo shalay la qabtay iyagoo
watay Gaari yar isla markaana waxaa ay sheegeen
markii la qabanayay inay ka yimaadeen dhinaca
Magaalada Kismaayo, waxayna intaasi raaciyeen inay
ka tirsanaayeen mid ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta
ee ka dagaalama Soomaaliya, hase yeeshee shalay oo
dhan raggaas waxay ku xirnaayeen Xabsiga Marka,
balse xalay xilli dambe ayaa la dilay, waxaana loo
dilay dilkii Nuuriye Cali Faarax.
War goor dambe saaka soo baxayna waxaa ay sheegaya
in meydadka ragaas loo soo qaaday dhinaca ceelasha
biyaha halkaas oo qoysaskooda degan yihiin.
Ilaa iyo hadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose
wax war ah kama soo saarin dilka xalay ka dhacay
gudaha Saldhigga Booliska Magaalada Marka.
Wararka ayaa sheegaya in saaka Xaaladda Magaalada
Marka ay degan tahay isla markaana Ganacsiga
Magaalada uu caadi yahay, hase yeeshee waxaa cabsi
laga muujinayaa inuu saameyn yeesho dilkaan lagula
kacay Raga loo qabtay qaraxii shalay
Max’ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|
|
|