Ciidamada Jamuuriyada Jabuuti
oo qabqabtey afar nin oo ka tirsan xisbiga kulmiye
laguna tuhunsan yahay inay damacsanaayeen inay
khalkhal galiyaan Gobolada Awdal iyo Salal..Oct,22,2008
Djibouti(Saylac.com) Maalintii shalay waxa magaalada
Jabuuti ciidanka Booliska Jabuuti ku qabteen afar
nin oo u dhashay waddanka somaliland oo lagu tuhmay
inay wadeen qaraxyo laga sameeyo goobaha codbixinta
ee gobolada Awdal iyo Salal.
Sida sargaal ciidanka Jabuuti ka tirsani u sheegay
saylac.com Ragani dhamaantood waxay u
dhasheen gobolka Togdheer kana tirsan
xisbiga Kulmiye.
Waxa kale oo ay
shabakada saylac.com heshay inay ku jireen u diyaar
garow diwaangalinta codbixinta la wado maalinta bari
ah ee bishani tahay 23 ka bilaambi doonta gobolada
Awdal iyo Salal ay qaraxyo dhawra ka sameeyaan si
dadku u kala cararo codbixintuna u fashilanto.
Warkan oo aanu ka helay sarkaal ka tirsan Booliska
Dalka Jabuuti ayaa waxa kale oo uu sheegayaa, in
baadhitaano kale Booliska Jabuuti ka wado magaalada
Jabuuti.
Dhinaca kale wasiiro dhawra oo ka socda xukumada
Jamuuriyada Somaliland ayaa maalmahan socdaal
hawleed ku kala bixinaya degmooyin ka tirsan
gobolada Awdal iyo Salal. Socdaalka Wariisada ayaa
waxa uu gabi ahaanba ku saabsan yahay ka warhaynta
iyo la socodka habsami usocodka wacyigalinta
diwaangalinta ka socota gobolada Awdal iyo Salal.
Maaha markii ugu horeysay ee ciidanka Boolisku
Jabuuti ay qabqabtaan dad looga shikisan yahay inay
rabshado argagixiso nimo ka fuliyaan wadamada daris
la ah Jamuuriyada Jabuuti, iyadoo hada ka hor dhawr
kale lagu qabqabtey loona tarxiilay wadanka
erateriya ee aanu cadawga nahay.
Xisbiga kulmiye ayaa taniyo intii uu saamayn ku
yeeshay gobolada Salal iyo Awdal waxa lagu eedeeyaa
inuu khatar weyn usoo jiidi karo gobolada Awdal iyo
Salal. Hada ka hor ayaa wafti ka socda xisbiga
kulmiye ay dawlada Somaliland dib uga celisay
magaalada Gabiley, waftigaa oo sida la sheegay
damacsanaa inay ciida Al- Odxa mudaharaadyo
tageeraya xisbiga kulmiye ka sameyaan gobolka Awdal.
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti, Djibouti
|