| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Yaa iska leh halhayska Cantaroow maxaad caawa haysaa??
Oct,17,2008

London(Saylac.com) Cantaroow maxaad caawa haysaa waa ergayga kaliya ee xisbiga Kulmiye ku dhaqmo marka ay dhexdooda isweydiinayaan maxaa iska horkeen maalintaa u qabsoomay .waayo waxaad moodaa inuu xisbigani gabi ahaanba kadhacsan yahay dhabada xisbi qarameed ee xisbiyada kale ee Jamuuriyada Soomaaliland.

Marka aad hadal qaado erayga KULMIYE dadka madaxooga waxa kusoo dhaca waxyaabo ay ka mid yihiin: Qabyaalad, dagaal, mudaharaad, khilaaf, musuqmaasuq iyo waliba wadaniyada oo aad ugu yar.

Maanta warbixin ka hadlaysa inuu Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo tagay Berbera ayaa soo gaadhay saylac.com markaan furay emailka waxaan durba isweydiiyey; tolow hadana ma dhibaato kale inuu dhex dhigo shacabka reer Berbera ee ku mashquulsan diiwaanglinta ayuu wadaa? rayigan dadbadan ayaa is weydiin kara waayo waxa Siilanyo looga bartey meesha uu tagaba inay qiiqdo!

Waxa kale oo aan  Ilaahay  ugu mahadinayaa inuu socdaalkii uu Maalintii Ciida rabay inuu ku tago Borama ay xukumada Somaliland is hortaagtey. dadka qaar ayaa rayigan diidi kara garna way u leeyihiin inay diidaan lakiin intaanad diidin ama aanad yeelin kahor waxaad isweydiisaa waa maxay sababta dawlada Somaliland u horjoogsatey xisbiga kulmiye inuu Borama ku ciido?
Waa sahal jawaabtu waxana weeye; horta xisbiga kulmiye ciid umuu socon sideedaba ee ciida lafteeda ayuu ku dhuumanayey waxanu uu usocday mudaharaadyo dadka ku dhaqan magaalada Boorama la iskaga horkeeno shaqaaqado ba'anina ay ka dhalan karaan.

Hadaba danta dalka iyo dadka adigoo xeerinaya akhristoow maxaa ku jaban in jilibka loo dhigo xubno xisbiga kulmiye ka socdaayi inay ku galgashaan magaalada astaanka aqoonta iyo nabadaba ku caan baxday ee Borama? Hadii aad tahay nabadoon jecel nabada inaad igu raacdo ayaa laga yaaba lakiin hadii aad wali aanad garan ujeedada xisbiga kulmiye iyana inaad igu gacan saydho ayaa meesha taala.

Labada diyaar ayaan u ahay; waa mida horee hadaad igu raacsan tahay halkaan ka hadlayo waa ilaahay mahadii inta kalena inaad gaadhsiiso ayaan rajaynayaa. Hadii aad wali xumada kulmiye aad la ildaran tahayse waa halkeeda oo kali kuma tihid dad kale ayaa kula qaba waxaanad la mid noqon doontaa sidii ninkii la yidhi cadaabta ayaad galaysaa hadii aad danbigan iska dayn waydo ee dabeed ku jawaabay cadaabtaba saw dadkale iigama horeyn.!!


Hadii aanu usoo noqono cantaroow maxaad caawa haysaa waa erayga ay xubnaha ugu muhiimsan ee xisbiga kulmiye afgarad ahaan waxa iskuweydiiyaan markay damacsan yihiin inay ogaadaan wixii isku dir iyo kala fogayn u qabsoomay maalinkaa.

Maalintii la bilaabay diwaangalinta dadka berbera ku dhaqan ayaa waxa la sheegay inay dhaceen xogaa shaqaaqado ah oo ka dhex dhacay dadweynihii diwaangalinta samaynaayey iyo hawlwadeenada u xilsaaran diwaangalinta. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa arinkan durbadiiba xiisa gaara siisey waana ahmiyada kobaad ee socdaalkiisa Berbera inuu sii horey mariyo khilaafkaa ama dadka uu iskaga horkeeno si ceeb iyo fadeexad dabeed loogu aanaayo xukumada somaliland inay sugi kari wayday amaanka iyo habsami usocodka diwaangalinta degmada Berbera, isagoo taa uga duulaya in degmooyinka kalena qaadici doonaan ama muran iyo shaqaaqado kale oo ku lugleh diwaangalintu uu ka dhalan karo guud ahaan gobolada Somaliland.

Nasiib wanaag Berbera oo degtey diwaangalintuna ay si fiican uga socota ayuu cagaha dhigay Siilaanyo waanu ku hungoobay siduu doonayeyna way u dhici weyday!


ugu danbayn waxaan qormadan gaaban shacabweynaha Jamuuriyada Somaliland uga digayaa inay iska jiraan, ka feejignadaan, isku sheegaan, isha ku hayaan, dhegtana kala socdaan mashaqada aan la qiyaasi karin ee ka guuxaysa madaxa Siilaanyo oo ah inuu gacmaha dhulka u dhigo gabi ahaanba jirintaanka Jamuuriyada Somaliland.
Digniintan waxaan marag uga dhigayaa hadaladii Silaanyo ee dadweynuhu mareegaha ka maqleen ama raadiyahaba ka dhegaysteen ee ahayd " Anagu dagaal waan soo marnay diyaarna waan u nahay goorta loo baahdo" erayga dagaal, dagaal, dagaal micnihiisa loogama sheekayn karo shacabka somaliland iyo waliba shacabka soomaaliyeed ee wali la ildaran, masuulka isku sheegaya inuu xisbi gudoomiye ka yahay ee dagaal afkiisa ku celceliya waxaad garan kartaa inuu fikir kale oo caafimaad qaba umada u hayn marka laga reebo cadho nacayb dhaamiyey iyo dagaal.

Taasi waa shacabka dawlada somaliland iyada waxaaan leehay intaad sutida u qaban kartaan sutida u haya wadaadkan waana xil idin saaran inaad  umada ka ilaalisaan cidwalba oo dagaal ooge ah dadkuna dhaqaale iyo siyaasad mugweyn ayuu kaga bixi karaa cawaasiif kasta tubteediina waad haysaan umaduna way idin daba taagan tahay Eebana ha idinku garab galo..Amiin


Cantarna waxaan leehay waxaad hayso cirka u tuur dadkna ka fadhiiso adeer.

Maxamed Xaaji
Saylac.com
London, UK


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com