|
|
 |
|
| |
Qaar ka tirsan Magacyada
xisbiga kulmiye kaga jira Alshabaab oo la shaaciyey
Nov 01, 2008 a
Magacyada Al-shabaab-ka ka soo Jeeda Beelaha
Somaliland, Isla Markaan Canbaareeyey Qaraxyadii
Hargeysa.
ILaahay ayaa mahad leh isaga ayaana Awood leh, Sida
Caadada ah marka Masiibo dhacdo waxa wax yeelo
gaadhaa dad aan waxba galabsan oo Masaakiin ah, sida
Muwaadiniintii ku nafwaayey iyo kuwa ku dhaawacmay
Qaraxyadii Fulanimada ahaa ee lala-beegsaday
Somaliland (Hargeisa)
Kacdoonkii iyo Burburkii Maxkamadaha Muqdisho wax uu
daaha ka rogay waxyaalo faro badan oo Qarsoonaa ama
isku huursanaa, wax yaalaha laga dhaxlay Colaada
dami weyday ee ka socota Somalia wax ugu muhiimsan
Argagixisada & Halaaga, Macluul & Gaajo, Qax &
Barokac, Dil & Dhac iyo Kufsi. Waxa ah wax laga
tiiraanyoodu oo Murugo Xambaarsan Fal kasta oo
Cadawnimo ah marka la gaysanaayo in loo Adeegsado oo
lagu soo gabado Diinta Islaamka ee Nabadgelyada iyo
Naxariista leh. Waa ta manta keentay in Koocda Al-shayaadiin
ama Al-shabaab ay si toosa u sheegtaan in ay iyagu
gaysteen Falkii Argagixisada ahaa ee lagu fuliyey
Hargeisa.
Waxa ila soo Xidhiidhay Koox ku hadlaysa Magaca
Maxkamadaha Garab-ka Sheikh Shariif Ahmed, iyaga oo
yidhi waxa aanu ka xunahay oo aad iyo aad aanu u
Canbaaraynaynaa Falkii Argagixisada ahaa ee lagu
laayey Dadka aanu walaalaha nahay ee Reer Somalilad.
Waxa kale oo aanu si buuxda u la Socodsiinaynaa
Dawlada iyo Dadweynaha Reer Somaliland in ay ku
jiraan kooxda Al-shabaab Rag aad u badan oo ka soo
jeeda Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay Falal
Argagixisa ah ka Fuliyaan Somaliland iyo Somalia-ba.
Ragga aan idinka digaynaa oo qaar ka mid ah aan
magacyaduuda hoos ku sheegi doono waxa ay isugu
jiraan Rag Madax ah oo hogaanka Shabaabka ka mid ah,
Rag gudaha Somaliland ku jira oo u Xilsaaran
Abaabulka Dhalinyrada la dagaal galinaayo ee laga
keenaayo Degaanada Somaliland. Waxa waliba aanu
idinku baraarujinaynaa in ay jiraan Xeryo khaas u ah
oo lagu tababaro dhalinyarada laga soo uruuriyo
Somaliland.
Kuwa ka Soo Jeeda Togdheer wax dhintay iyo wax nool
labada waxa ka mid ah:
1.Sheekh Aadab Axmed Caarre"Aadan Jihaad"
Habar-jeclo
2.Maxamed Maxamuud Nuur"MM.Nur"Faruur"Samane Abokor"
Habar-jeclo
3.Mubaarg Xadhigle. Habar-jeclo
4.Xasan Askari" Muuse Abokor"Cali Barre"Adaraxmaan
Barre" Habar-jeclo
5.Aadan Xoosh. Habar-jeclo
6.Siciid Faras" Habar-jeclo. waxa uu ku geeriyooday
dagaalkii lagu hoobtay ee Daynuunaay"
7.Mustafe Abokor Afdhanle"Cibraan" Habar-jeclo. waxa
uu ku dhintay Luuq Gobolka Gedo wakhti hore.
8.Cabdikariim Xadhigle"Aadan Madoobe" Habar-jeclo ku
dhintay Afqaanistaan"
Beesha Habar Yoonis. Togdheer
1.Siciid Axmed Jaar*Xirsi Cismaan* Reer Weyd.
Habar-yoonis
2.Saleebaan Suudi Carraale *Muuse Carre, Damal Muuse
Habar-yoonis* waxa uu ku xidhan yahay Guatanamo Bay,
Cuba"
3.Sh.Cabdilqani Aw Saalax *Sacad Yoonis*
Habar-yoonis
4.Xuseen Al Xusayni: Reer Xuseen Habar-yoonis
5.Cabdiraxmaan Xagar, Reer Cabdi Xirsi. Habar-yoonis
Hargaysa
Beesha Habar-awal, Sacad Muuse
1.Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad, Nuux Ismaaciil,
Reer Shirdoon.
2.Magan Maxamed Xaashi Cilmi"Nuux Ismaaciil .reer
Gadiid"ku dhintay Xamar
3.Maxamed Ibraahim"Laba Qumacle"Bah Gobo, reer
Maxamuud, ku dhintay Xamar
4.Sacad *Cabdalle Sacad*
5. Ibraahim-Afgaan oo isna ku hawl-gala magaca ah Sh.
Abubakar Al-Zaylici
Ciidagale.
1.Maxamed Sahal, ku dhinta shil baabuur barabara iyo
Hargaysa dhexdooda
2.Khadar Cabdilaahi Badeed
3,Sh,Maxamed Cali Geedi
Beesha.Arab
1.Sh.Axmed Cabdi Aw Muxumed"Ina Cabdi Godane *Abokor
Axmed, Afyare* oo ku hawl-gala magaca ah Sh.
Mukhtaar Abu-Zubeyr
2.Cabdilaahi Gaab, Cabdalle Abokor, Guulane
3.Maxamed Cilmi Samatar, Cabdalle Arab. ku xidhan
Hargaysa laga soo xidhay Burco.
Beesha: Dhulbahante.
1.Jaamac Kutiye, ku xidhan Hargaysa
2.Cabdilaahi Carrabay
Beesha: Samaroon
1.Cabdiraxmaan Diyo, ku xidhan Hargaysa
2.Cabdiraxmaan Indha Cadde, ku xidhan Hargaysa
Beesha: Akishe.
1.Sh.Maxamed Sheekh Ismaaciil, ku xidhan Hargaysa
Saraakiisha Al-Shabaab ee u dhashay Somaliland mar-marna
si dhuumasho ah ku yimaada dalka waxa ka mid
1.Aadan Xoosh *Reer Burco*
2.Xasan Cabdi Askari *Reer Gar'adag*
Ragga Gudaha ku jira ee Abaabulka wada waxa ugu
muhiimsan labadan nin ee kala ah---
1.Khadar Cabdilaahi Badeed *Reer Hargaysa"
2.Siciid Axmed Jaar *Reer Burco* iyo waliba qaar
kale oo badan.
La-soca Garabka Sheikh Shariif hogaaminaayo iyo
Kooxda Al-shayaadiin waxa iminka ka dhex-oogan
Colaad iyo Nacayb meel sare gaadhay, taas ayaana
keenaysa in la is-fashiliyo oo aan waxba la
isu-lahadhin.
By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com
Waraysi khaas ah oo ay saylac.com la samaysey
hogaamiyaha Alshabaab la soco saacadaha inagu
soo dhaw!
|
|
|