| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismacil Cumar Geleh oo maanta la kulmay Ra'iisul Wasaaraha DKM ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade).

Djibouti(Saylac.com)Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismacil Cumar Geleh oo maanta la kulmay Ra'iisul Wasaaraha DKM ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade). kulankan oo qaatay dhawr saacadood ayey labada dhinac ka wada hadleen kulamadii dhawaan ku dhex maray isbaahaysiga dibuxoraynta somaliya iyo Dawlada Cabdilahi Yusuf madaxda ka yahay ee koonfurta soomaaliya.

Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay khilaafka dabada dheeraaday ee koonfurta soomaaliya, Waxa kale oo uu madaxweyne Ismcail Cumar Geele intaa ku daray inay dawlada Jabuuti ay marwalba jeceshahay in xal kama danbays ah loo helo dhibaatada ka jirta koonfurta soomaaliya ayna haboon tahay inay si toosa dadka soomaalidu u xaliyaan mashaakilaadka ka dhexeeya.

Maruu ka hadlaayey kulamadii dhawaan dhex maray labada dhinac ee isku haya koonfurta soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Mudane Ismaciil Cumar Geleh, in wadahadal la furaa i uu horseedi karo isfaham iyo xal kama danbays ah oo lagu gorfeeyo wixii la kala tabanayo .

Dhinaca kale Ra'iisul wasaare Cade ayaa isna aad u tibaaxay inay dawladiisa ay ka go'antahay xal ay koonfurta soomaaliya wada gaadho iyo nabad waarta, waxa kale oo uu Nuur Cade sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay weheliso kalsooni buuxda oo uu ku qabo dawlada Jabuuti sida wacan ee ay goor walba iskaga xil qaado nabad raadinta Koonfurta Soomaaliya .

Nuur Cade ayaa intaa waxa uu ku daray inuu aad ugu kalsoon yahay in wadahadalo kale oo ay iskugu iman doonaan kooxda dibuxoraynta soomaaliya iyo dawladiisu oo ka dhici doona wadamo geeska afrika ku yaala ay ka soo bixi doonaan xal kama danbays ah oo umada soomaaliyeed niyad sami ku abuuri doona.


Dhawaanahan ayaad moodaa inay dawlada Cabdilahi yusuf madaxda ka yahay ay ahmiyada saarto inay wadadahalo la gasho kooxaha dibuxoraynta soomaaliya oo ay markii hore u arki jireen amaba ku magacaabi jireen argagixisada Caalamiga ah isla markaana ay horey u sheegeen inayna wax wadahadalo ah la galin doonin .


Kulankan maanta ay yeesheen Madaxweyne Ismacill Cumar Geleh iyo Nuur Cade ayaa waxa uu ku soo beegmay wakhti wararka maanta saxaafadaha aduunku qoreen uu sheegaayey in maraakiib dagaalka ah oo ka hawlgalaya xeebaha dalka soomaaliya la arkay, maraakiibtaas oo aan ilaa hada la hayn dawlada iska leh ama meesha ka ka socdaan.

Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti/Djibouti


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com