|
|
 |
|
| |
Gaadhi ku rogmaday Dariiqa u
dhexeeya Tuulada Gorayacawl iyo Borama.
Jun,01,2008
+Sawiro
Gorayacawl(Saylac.com)-Gaadhi Raashin waday oo
hargaysa ka yimid aya ku dhacay Shalay dalcada
Goroyacawl Cidi waxba kuma Noqon sida uu Saylac.com
u sheegay Dirwalkii Gaadhigu. waxaana saara Raashin
Boorama La keenayay iyo Shaqalaha gaadhiga oo Kaliya.

Gaadhigan oo marayaey Biriij ka dul dhisan galcad
ama taagsin dariiqa ku dhex taala ayaa sida uu
dirawalkii gaadhigaasi sheegay dib ula karaaray isla
markaana uu Biriigii gaadhigu shaqayn waayey.
Gaadhiga ayaa ka duulay Biriijka nasiib wanaagse
ayna cidna wax ku noqon.

Dhibaatooyinka jidxumuda ah ee ka jirta jidkan u
dhexeeya tuulada Gorayacawl iyo degmada Boorama ayaa
shilkani yahay kii ugu danbeeyey ee ka dhaca jidkan
oo inta badan ay dadku ka cawdaan gawaadhidana dhib
weyn ku haya .
Shilkan gaadhi ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay
dadku hadal hayaan inay dawlada Somaliland si
dhakhsiyo ah u dhisto jidkan dhaqaalaha dadka la
degay gobolka Awdalna ka jaray gobolada kale ee
somaliland.
Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Gorayacawl , Awdal |
|
|