| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Silsilada sixitaanka fahan qaldamay(3)

Wacyila’aanta siyaasadeed ee ururdiineedyada soomaliteed haysta.(3).. July,19,2008

  Ururada diinta ee soomliyeed marka laga fiiriyo xaga waxqabadkooda bulsho waxa la odhan karaa wax badan ayay ka qabteen baahida soomalida oo tira beeshay waxii ka danbeeyay bur-burkii dawladii  milatariga ahayd. Dhinacyada ay wax ka qayb-qaateen waxa ka madida fidinta baraaruga islaamka inkastoo mid qoto dheer uuna ahayn. Waxa kaloo ka mida waxbarashada iyo kaalmaynta dadka dhibaataysan. Walina waxan aaminsanahay inay yihiin ididiila kaliya ee soomalidu haystaan haddii ay dadaalka sii kordhiyaan, habsocodkoodana wax ka badalaaan.  Wakhti badan oo u baahnaa bulshada wacyigeeda in kor looqaadana waxay ku lumiyeen inay abuuraan colaad iyo xaasidnimo iyaga ka dhexeeya oo bar-bar socday dacwadii ay fidinayeen oo midba midkale ku eedaynayay inuu islaamka ka fogyahay. Haddaan dhinaca siyaasada usoo laabano oo ciwaanka sare ka muuqda  waxa muuqata in markii nidmaadka dawladeed ee wadanku bur-buray dagaal sokeeyana lagalay in qaar kamida ururada islaamiga ahi isku dayeen inay xukunka wadanka gaadhaan iyagoo qori isticmaalaya meelihii joogitaankoodu uu ku badnaa sida ururkii la odhan jiray Al-Itixaad, hasa yeeshe ku fashilmay talabadaas kana mid noqotay sobobihii uu ku bur-buray. Intaa waxii ka danbeeyay waxa muuqanaysay inay guud ahaan wadaadu ka gaabsadeen inay siyaasada soomaaliya kaalin muuqata ku yeeshaan. Waxayna siiwadeen barnaamijyadii dacwada oo ay bar-barwadeen is dhaleecayntoodii. Waxakalee oo  isku dayay inuu kaalin ka qaato heshiisiinta  qabaa’isha,  ururka AL-islaax, arrinanti oo bilow fiican ahayd wax la taaban karo kama soo bixin oo qaboojiyay dagaalada sokeeye ee qabyaaladu saldhiga u ahayd.  Kadibna ururkasi waxu galay siyaasadii isagoo usii maraya qabliida dhexdooda maadaama shirarka nabadeed ee soomalida qabiil wax lagu qaybsado, tusaale waxa u ah shirkii carta 2000, kii kiiniyana kama maqnayn 2002-04. Wax qabiil lagu qaybsadayna mashruuc islaami ahi midho kama keeni karo, halkaana fashil ayaa ka yimiday.

Haddaan usoo laabano nuxurka ciwaankeena wacyilaa’aantu waxay kahaystaa wadaadadeena dhinacyadan:

 

 

1-    Guud ahaan isku wada dar ururada islaamiyiintu malaha fahan cad iyo  qorshe siyaasadeed oo wadanka ay ku hogaamin karaan ama hagaankale oon iyaga ahayn ay wax kula qaybsadaan.sidaa darteed jahawareer ayaa ka haysta dhinacaa. Waxa jahawareerkooda sii kordhiyan siyaasada soomaliya oo gurracan kuna salaysan qabyaalad iyo reer. Wadaadkii waxu ku dhex lunsanyahay ma reerkiisiibuu matalaa mise urur islaamiya oo raba inuu islaamka hirgaliyo ayuu matalaa. Ma is qabanaayan inuu reerkiisa matalo iyo inuu urur islaamiya matalo?! Qabiilkiisa masaamayn karaa oo maka dhaadhicin karaa wuxu aaminsanyahay?! Fatwooyinka ay isku adeegsadaan wadaadu saamayn qabiil maka maqantahay?!

 

2-    wadaada soomalida badankoodu ilaa hadda may growsan qaab dhismeedka uu u dhisanyahay caalamkan maanta ay joogaan iyo qaabkuu u shaqeeyo ugana faa,iidaysan karaan. Waxad moodaa inay ku noolyihiin caalam ay kaligood joogaan siday rabaana wax u dhacayaan. Waxana ilaa hadda ukala caddayn siday ula dhaqmi lahaayeen isbadaladda ka socda caalamka ugana faa,iidaysan lahaayeen waxii u adeegaya mashruuca ay matalaan.

3-     waxay ku guuldaraysteen inay fahmaan bulshadooda oo dhex jiifta xanuun dhibadan oo la yidhaaho qabyaalad ayna la yimaadaan qaabkii ay uga saari lahaayeen, iska dhaaf inay fahmaane mararka qaarkood iyagaaba qabyaalada miciin(taageero) moodaya.

 

4-    Aragti cad kama haystaan shaqada siyaasadeed ee ay rabaan inay qabtaan  waxayna ku hadaaqayaan shariicada islaamka ayaan rabnaa inaan dadka ku xukuno, waa arrin fiican waana waajib diineen, hasayeeshee sidee loogu xukumi oo qaabkee loo dhaqan galin karaa, aragti maanta ay ku qancin karaan dadkooda iyo caalamka kiisa islaamka ah iyo kiisa gaalka ahba ma hayaan.  Markay hadal qaadaan fulinta shareecada islaamka  isla markaa waxay soo qadimayaan qaybta ciqaabta danbiyada oo si foolxun mararka qaarkood ay u bandhigayaan. Intii kalee islaamka xeerar lahaa hadday tahay siyaasad, garsoor, caddaalad, banii’aadanimo, dhaqaale, bulsho dhismeed iwm ma aqoonbayna u lahayn mise sidan uunbay u fahmeen islaamka.

 

5-    Mancnaha jihaadka, xeerarkiisa iyo aadaabtiisa lafteeda wali wax badan ayuu mugdi ku jiraa una baahan inay  si qoto dheer u diraaseeyaan, qof muslima ma lahu jihaadi karaa?? Qofka gaalka ah gaal inuu yahay kaligii miyaa loo dili karaa?? Waxa kale oo u baahan inay ah u diraaseyaan  xidhiidhka ka dhexayn kara muslimiinta iyo dadka aan mulimiinta ahayn. Iyo waxaa u dhexeeya gaal aan kugu soo duulin oon ku qabsan ama kula dirirsanayn iyo mid kugu soo duulay oo ku qabsaday? Qoraal kan ka madax banaan ayaan ku eegidoona arrimahan qodobka shanaad.

 

Manaata intaa ha inoo joogto

 

 

    Abdiaziz adan omar

 

 

 

 

 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com