|
Silsilada sixitaanka fahan
qaldamay(3)
Wacyila’aanta siyaasadeed ee ururdiineedyada
soomaliteed haysta.(3).. July,19,2008
Ururada diinta ee soomliyeed marka laga fiiriyo xaga
waxqabadkooda bulsho waxa la odhan karaa wax badan
ayay ka qabteen baahida soomalida oo tira beeshay
waxii ka danbeeyay bur-burkii dawladii milatariga
ahayd. Dhinacyada ay wax ka qayb-qaateen waxa ka
madida fidinta baraaruga islaamka inkastoo mid qoto
dheer uuna ahayn. Waxa kaloo ka mida waxbarashada
iyo kaalmaynta dadka dhibaataysan. Walina waxan
aaminsanahay inay yihiin ididiila kaliya ee
soomalidu haystaan haddii ay dadaalka sii kordhiyaan,
habsocodkoodana wax ka badalaaan. Wakhti badan oo u
baahnaa bulshada wacyigeeda in kor looqaadana waxay
ku lumiyeen inay abuuraan colaad iyo xaasidnimo
iyaga ka dhexeeya oo bar-bar socday dacwadii ay
fidinayeen oo midba midkale ku eedaynayay inuu
islaamka ka fogyahay. Haddaan dhinaca siyaasada usoo
laabano oo ciwaanka sare ka muuqda waxa muuqata in
markii nidmaadka dawladeed ee wadanku bur-buray
dagaal sokeeyana lagalay in qaar kamida ururada
islaamiga ahi isku dayeen inay xukunka wadanka
gaadhaan iyagoo qori isticmaalaya meelihii
joogitaankoodu uu ku badnaa sida ururkii la odhan
jiray Al-Itixaad, hasa yeeshe ku fashilmay
talabadaas kana mid noqotay sobobihii uu ku bur-buray.
Intaa waxii ka danbeeyay waxa muuqanaysay inay guud
ahaan wadaadu ka gaabsadeen inay siyaasada
soomaaliya kaalin muuqata ku yeeshaan. Waxayna
siiwadeen barnaamijyadii dacwada oo ay bar-barwadeen
is dhaleecayntoodii. Waxakalee oo isku dayay inuu
kaalin ka qaato heshiisiinta qabaa’isha, ururka
AL-islaax, arrinanti oo bilow fiican ahayd wax la
taaban karo kama soo bixin oo qaboojiyay dagaalada
sokeeye ee qabyaaladu saldhiga u ahayd. Kadibna
ururkasi waxu galay siyaasadii isagoo usii maraya
qabliida dhexdooda maadaama shirarka nabadeed ee
soomalida qabiil wax lagu qaybsado, tusaale waxa u
ah shirkii carta 2000, kii kiiniyana kama maqnayn
2002-04. Wax qabiil lagu qaybsadayna mashruuc
islaami ahi midho kama keeni karo, halkaana fashil
ayaa ka yimiday.
Haddaan usoo laabano nuxurka ciwaankeena wacyilaa’aantu
waxay kahaystaa wadaadadeena dhinacyadan:
1-
Guud ahaan isku wada dar ururada islaamiyiintu
malaha fahan cad iyo qorshe siyaasadeed oo wadanka
ay ku hogaamin karaan ama hagaankale oon iyaga ahayn
ay wax kula qaybsadaan.sidaa darteed jahawareer ayaa
ka haysta dhinacaa. Waxa jahawareerkooda sii
kordhiyan siyaasada soomaliya oo gurracan kuna
salaysan qabyaalad iyo reer. Wadaadkii waxu ku dhex
lunsanyahay ma reerkiisiibuu matalaa mise urur
islaamiya oo raba inuu islaamka hirgaliyo ayuu
matalaa. Ma is qabanaayan inuu reerkiisa matalo iyo
inuu urur islaamiya matalo?! Qabiilkiisa masaamayn
karaa oo maka dhaadhicin karaa wuxu aaminsanyahay?!
Fatwooyinka ay isku adeegsadaan wadaadu saamayn
qabiil maka maqantahay?!
2-
wadaada soomalida badankoodu ilaa hadda may growsan
qaab dhismeedka uu u dhisanyahay caalamkan maanta ay
joogaan iyo qaabkuu u shaqeeyo ugana faa,iidaysan
karaan. Waxad moodaa inay ku noolyihiin caalam ay
kaligood joogaan siday rabaana wax u dhacayaan.
Waxana ilaa hadda ukala caddayn siday ula dhaqmi
lahaayeen isbadaladda ka socda caalamka ugana
faa,iidaysan lahaayeen waxii u adeegaya mashruuca ay
matalaan.
3-
waxay ku guuldaraysteen inay fahmaan bulshadooda oo
dhex jiifta xanuun dhibadan oo la yidhaaho qabyaalad
ayna la yimaadaan qaabkii ay uga saari lahaayeen,
iska dhaaf inay fahmaane mararka qaarkood iyagaaba
qabyaalada miciin(taageero) moodaya.
4-
Aragti cad kama haystaan shaqada siyaasadeed ee ay
rabaan inay qabtaan waxayna ku hadaaqayaan
shariicada islaamka ayaan rabnaa inaan dadka ku
xukuno, waa arrin fiican waana waajib diineen,
hasayeeshee sidee loogu xukumi oo qaabkee loo dhaqan
galin karaa, aragti maanta ay ku qancin karaan
dadkooda iyo caalamka kiisa islaamka ah iyo kiisa
gaalka ahba ma hayaan. Markay hadal qaadaan fulinta
shareecada islaamka isla markaa waxay soo
qadimayaan qaybta ciqaabta danbiyada oo si foolxun
mararka qaarkood ay u bandhigayaan. Intii kalee
islaamka xeerar lahaa hadday tahay siyaasad, garsoor,
caddaalad, banii’aadanimo, dhaqaale, bulsho dhismeed
iwm ma aqoonbayna u lahayn mise sidan uunbay u
fahmeen islaamka.
5-
Mancnaha jihaadka, xeerarkiisa iyo aadaabtiisa
lafteeda wali wax badan ayuu mugdi ku jiraa una
baahan inay si qoto dheer u diraaseeyaan, qof
muslima ma lahu jihaadi karaa?? Qofka gaalka ah gaal
inuu yahay kaligii miyaa loo dili karaa?? Waxa kale
oo u baahan inay ah u diraaseyaan xidhiidhka ka
dhexayn kara muslimiinta iyo dadka aan mulimiinta
ahayn. Iyo waxaa u dhexeeya gaal aan kugu soo duulin
oon ku qabsan ama kula dirirsanayn iyo mid kugu soo
duulay oo ku qabsaday? Qoraal kan ka madax banaan
ayaan ku eegidoona arrimahan qodobka shanaad.
Manaata intaa ha inoo joogto
Abdiaziz adan omar
|