| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Todobaadkan iyo socdaalka aduunka waxyaabihii ka dhacay kuwa ugu yaabka badan.+ Sawiro yaabl eh .Dec,15,2008

London(Saylac.com) Nin u dhashay wadanka shiinaha ayaa sheegay inuu ey uu sanad ka hor siistey £60 lixdan ginida Ingiriiska ah inuu isku bedelay dacawada laga helo dhulka aadka u qabaw ee Arctic ga loo yaqaano. Ninka ayaa sheegay inuu ka dib markuu aad u quudiyey ee uu Eygani koray uu dhib weyn kala kulmay inuu la ciyaaro waayo buu yidhi ciyaarba ma ogola markaan taabo is idhaahdana gacanta ayuuba iga soo laacayaa si uu ii qaniino.
The Artic fox raised as a dog /Quirky China News
Habeenkii wax ciya ma sameeyo oo aan ahayn mar mar uu sida dacawada u ciyo. Waxa iigu daran ayuu yidhi ninkani inay dabadiisu aad u kortey gas badana samaysay markaas ayaan ka shikiyey inuu yahay dacawo ee aanu ahayn Ey. Mar uu ka hadlaayey ta ugu daran ee uu kala kulmay dacawadan eyga u u maleeyey waxa uu yidhi " Waxaan kala kulmay ur aad u siyaado ah oo aanan eyda ku arag xataa hadii aan maalin walba shaanboo ugu maydho.


Ugu danbayn ninkan ayaa waxa uu geeyey dacawadii meel xawayaanka lagu xanaaneeyo ka dibna Eyg rasmi ah ayuu ku iibsaday lacagtii uu ku iibiyey dacawada uu eyga mooday mudada sanad ku dhawaadka ah.
 


Jin sawir Video ah lagaga qaaday huteel ku yaala wadanka Romania..Dec,15,2008

London(Saylac.com) Huteel ku yaala wadanka Romania ayaa usbuucii inaga tagay si weyn u soo caan baxay ka dib markii ay marti huteelka ku jirtey dhawr jeer sawir iyo Video labada ka qaadeen shaydaan sida gumarka u labisan oo si isdaba jooga loogu arkay huteelka dhexdiisa.

Huteelkan oo jira 150 sano ayaa waxa horey mar la qoday dhismaha hoostiisa laga helay qalab qasnado dahab ah oo dawlada Romania la wareegtey lana dhigay madxafka qaranka dalka. Qasnadaha horey looga helay huteelka ayaa waxa iska lahaa Roomaaniyiintii hore. Dhawaan ayaa la damacsanaa in Huteelka la dumiyo si looga raadiyo qasnado ataara oo lagu tuhunsan yahay huteelka hoostiisa, sidaa daraadeedna dadku waxay ka shiki qabaan inuu jinkani dufaac ahaan dadka ugu soo muuq baxay si ay dadku ka cararaan ama ka baqaan inay qasnadaha inta hadhay la baxaan.
The 'ghost'  at the Decebal Hotel in Romania /Sorin Ccazacu
Dadweyne dhan ilaa 7 ruux oo huteelka marti kala duwan u ahaa kala yimid wadamo kala duwan ayaa sheegay inay siyaabo kala duwan u arkeen, Arinta ugu yaabka badan lehise waxay ahayd markii laba qof oo ka mid ah dadkii huteelka ku jiray ay midkood Jinkii ka duubay cajalad Video ah oo laga siidaayey Tv ga dalka Romania .

Victoria Iovan oo ahayd gaabdh ka mid ah dadkii sawirka ka qaaday jinka ayaa saxaafada u sheegtey inay u socotey qolka ay ka degan tahay huteelka ka dibna ay dareentey dabayl qabow oo dhanka jaranjarada sare kaga imanaysa in yar ka dibna waxaan arkay bay tidhi qof dadka dherer ahaan ka aad uga dheer oo xidhan dhar cad oo sida haweenka u labisan. "meel aan uga cararo ayaan garan waayey waay markaan dib u cararo dhinac kale ayuu iga taagan yahay markaan sarey u carar idhaahna waxaan arkay isagoo horteyda taagan, ka dib waxaan goostey inaan is taago kamaradaydana diyaar ka dhigto si aan sawiro iyo video uga qaado ay dadku igu rumaystaan"


Suaasha qisadani ma kuula egtahay inay jiraan dad kale oo indhahooda saaray jin ama sawir ka qaaday?

Wixii fikir ah ee ku saabsan todobaadkan iyo waxyaabihii ka dhacay aduunka kusoo dir saylacnews@yahoo.com

Maxamed Xaaji
Saylac.com
London- UK
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com