|
Baaqyo kala duwan oo ay
dadweynuhu usoo jeedinayaan dawlada Somaliland oo
kuwajahan jidh dil shalay ka dhacay Wajaale..Dec,13,2008
magacaygu waa Samaroon Roble Xassan Wacaysdegan:Uk..Dec,13,2008
marka hore asalamucalaykum, salaaan kadib waxa aan
aad uga xumaaday dhibka loo gaystay sh.daahir markii
aan akhristay war bixinta dhabta ah ee saylacnews
ummada ree somaliland u soo gudbisay.waxan qaba
anigu ra'yi ahaan in ninka isaga ah ee taliye isku
sheega ah ee awooda loo dhiibay ku tagrifalay ,halkii
oo uga adeegi laha dadka una ilaalin laha
ammaankooda uu isagii awood u sheegtay oday da' ah
oo miskiina oo aan danbi lahayn kadibna xidhay
intana kuma joogsan eh jidhdil ugu daray .hadaba
ninka taliyaha ah waa in laga jara intii uu
gadhsiisay miskiinka sh.dahir oo ay dawladu uga
jarta inta dunida la joogo , waa in la waydiiyo
sababta uu u xidhay miskiinka ,CID gaar ahna loo
dira wajaale oo soo baadha in ay runtiis tahay iyo
in kalena,xilkana lagaba qaada gabi ahaanba xita xil
danbe waa in laga ilaaliya waayo dadkale oo badan oo
waxba galabsan ayuu soo xidhi doona kadibna siduu
doono ka yeeli doona.isaguna hala socdo in ilahay
maalinkale dadka noocisa ah u dhigtay.
wabilahi towfiiq

--------------------------------------------------------------------------------------------------------------
maxamuud abdi jamaac(dhamac)Cairo ..Dec,2008
marka hore waxan salamaya bahwaynta shabada saylac
intaa kadib
waxa aan aad ula yaabay wararka tiiraanyada leh ee
ay soo bandhigtay shabakada saylac
wararkaa oo ah wax lala yaabo ama kaagana igu
beertay
meel ka dhacyada loo geestay sheekha kuwaa oo kadhan
ah xuquuqda bili aadni nimoda ama ta soomaalinimada
arintaa uu ku kacay shakhsi lagu tilmaamay in uu
yahay taliye boolis ama masuul dawlada somaliland
xil u haya sida ay wararku sheegayaan ninkaa boolis
ku sheega ah oo in tii uu sheekha dilay maal kiisaan
lunsaday deedna xabsiga dhigay
sidaa daraadeed waxaa isway diinleh waxa ay
xukuumada somaliland ka damacsan tahay falalka meel
ka dhaca ee lagula kaco dadka muwaa diniinta ah
sidaa awgeed waxaan ugu baaqaynaa dad waynuhu in ay
aritan ka dhiidhiyaan
waxaad wada taqaaniin maahmaah soomaaliyeed oo
tidhaada walaal kii loo xiiryow adna soo qooyso
arintan waxaan ka odhan lahaa tixyar oo gabaya
DULMI
diinta ka fogaadow
culumada ku duulow
ducfi wayn ku noolow
danyartana dagaalow
doo faar la noolow
diintana colaadshow
dooryaan la noolow
gaalada udirirow
dulmi kama fogaadow
daayinkeen siduu yidhi
inta daalimoo idil
naarbaa lagu daqiijin
horay loogu sii diri
daayinkeen siduu yidhi
wax dufaacayaan yirin
doodna looma furi karo
dacwad lama aqbalikaro
jidhaka way dudubisaa
badhna way dulaysaa
daayinkeen siduu yidhi
duqaad hore wixii dagay
doo faaradii dumay
kuwii diinta caariday
nin danbiile oo idil
ayaad daris wadaag taan
maxamuud abdi jamaac(dhamac)
maxamuud546@hotmail.com
cairo
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Cabdi Faarax - Muusan soo sheegin meesha uu degan
yahay
Marka koobad waan idin salaamay dhamaantiin
shabakada saylac .Salaan kadib waxaan rabay inaan
wax idhahdo fadeexadan ka dhacday dagmada wajaale ,baaqan
lo jeedinayo doowlada Somaliland waxaan ku odhan
laha dowlada walaal sida laguma helo aqoonsiga
adunka ee intaad Mareykanka aad iska
dhaadhicinaysaan caro ilaahay ha kasbanina .Aqoonsigana
sidiisaba reergalbeedku inooma hayo ee waa wax xaga
alle ka yimaada .Argagixiso ayaan la dagaalamaya
hadu Mareykan yiri waa diinta Islaamka ayaan la
dagaalmaya marka sheydaanku meeshadana uu ka kexeeya
meeshiisana kuma gaarsiiyo ee dad islaama ayaan
nahaye ilaahay aan uso noqono .Barito marka
taliyaahaas ilaahay la so hortaago muxu ku jawaabi ,maxaan
ku garaacay ninkaas walaalkay ah ayu oran? taliye
adigana aan mid yar ku yiraahdo 'xarqadahan yar ee
lagu galiye lagu yiri askari baad tahay inaay ku lug
goon ee ilaahaaga uso noqo qof islaama inaad tahay
ayaan dee u maleynaya aniguye .Waar yurub iyo
Mareykan ayey ka furan yihin maktabyo bugaan islaami
ah ibiyi oyna cidina sidaa uu egin waaba somaaliland
.halkaas ayaan kaga baxay hadalkaygi salaama
caleykum waraxma tulaahi wabarakaatu.
abdi farah" ilwad_rahma@hotmail.com
------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Farxiya Axmed - USA
Marka hore ciid wanaagsan idilkiinba gaar ahaan
wariye jirde oo lagu amaano inuu yahay geesi aan ka
baqin xaqiiq raadiska dhibaatooyinka ka dhaca
somaliland anigu ma qabo in qabiil dusha laga saaro
nina taliyaha ah ee booliska haysta waa shaqsi waana
in maxakamad qaran la soo taagaa sida ugu dhakhsiyo
badana jagada looga xayuubiyaa.
dadkii dhibaatada loo geysteyna waa in dawlada
somaliland siisaa wixii laga dhacay oo sida codka
sheekha aad ku maqlaysaan ninka taliyuhu ku aqal
galay hantidii sheekha .
Ilaahay diinta ha inawada garansiiyo amiin
------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Cabdiraxman Muuse-- USA
anigu uma haysto in dhibaatadani ku kooban tahay
sheekha iyo dacawo ee waa mid waligeed jirtey waana
wax laga dagaalamo waxaanan aniga iyo dhawr
dhalinyaro ah oo isku mawqif ahi soo jeedinay in
midkaayo wadankii tago kuna jano galo taliyaha
booliska ee khaatiyaanka laga joogo.
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Hassan maxamed Bon - Germany
waar waxa lagu jiraa qarnigii labaatanaad waa wax
laga naxo in nin taliye isku sheegi uu culimadii
wadanka dhirbaaxo miyaadan arkayn sida dhalinyarta
Al shabaab isku hubayyeen ee ay cadawgii xabashida
iskaga sareen naftiina hura dulinimadana iska qaada
hadii kale calaacal waxba tari maayo . waxaan ka
xanaaqay sheekha yidhi wuu i dhirbaaxay ---- oo muu
isna dhirbaaxo iyo laadba iskugu daraa aakhirana
meel la tago lehe.
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Amina yurub - Australia
Dawlada somaliland waxay kala garan laadahay
nidaamka dawladnimo ee ay ku raadsan lahayd aqoonsi
waana nasiib daro in culimadii ay sidaa u galayaan
anigu waxba odhan maayo aan ahayn Ilaahay ka cabsada
mida oo culimada sidan ka daaya.
------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
hadii aad haysid cabmaareyn ama baaq aad ku
biiranaysid arinkan kusoo dir saylacnews@yahoo.com
fadlan soo sheeg wadanka aad degan tahay iyo
magacaaga oo sadexan.
maxamed Xaaji
Saylac.com
LOndon- UK
|