| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Salaadiinta Gobolka Awdal  sharaf  iyo amaan ayey ku mudan yihiin  soo celinta diiwaangalinta Gobolka Awdal si loo qabyo tiro.. Dec,12,2008

Seattle(Saylac.com)Ka hor intaanan la bilaabin diwaangalinta gobolka awdal ayey si wada jira salaadiinta gobolka awdal cod  midaysan ugu gudbiyeen Komishanka qaranka soomaaliland mawqifkooda ku saabsan habsami u socodka iyo dhamaystirka diwaangalinta gobolka Awdal.

Dadka badankiisu runtii aad ayuu uga shiki qabay in bayaanka Salaadiinta ka soo yeedhay  la tixgalin doono, lakiin guul ayaa la odhan karaa inay ka dhalatey in Saladiinta Awdal oo isku duubani codkoodii meel maro. Marka hore sharaftu waxay ku jirtaa isku duubnida .

Maanta hadii mid ka mid ahi dhawaaq ama cabasho soo jeedin lahaa uma malaynayo in codkiisu meel dheer gaadhi lahaa, nasiib wanaagse dhaqan wanaaga Salaadiinta Gobolka awdal lagu yaqaano oo ah mid isku duubni iyo isku aragti ka ah danaha guud ee Gobolka ayaa suuro galiyey in maanta komishanka qaranka Somaliland uu garwaaqsado soo celinta diwaangalinta si loo dhamays tiro diwaangalinta qabyada ah ee gobolka Awdal.
Suldaan Cabdiraxman Jama Dhawal suldaanka guud ee Beesha Haber Cafaan
Dhinaca shacabka Awdal waxaan odhan lahaa waa inaad garab joogsataan salaadiinta sharafta leh ee goor walba danaha gobolka iska xilsaarta oo aad waliba tustaan tageerada iyo hambalyada aad u haysaan, taas oo sii xoojin doonto kalsoonida iyo dhiiranaanta ay salaadiintu u hayso waxqabadka gobolka guud ahaan.

Dhinaca xukumada lafteedu amaan weyn ayey mudan tahay maadaama ay tixgalisey cabashada xaq raadiska ah ee ka soo yeedhay gobolka awdal oo sida ay gudigii diwaan galintu qireen ay qabyo ahaan kaga tageen iyagoon dhamays tirin diwaangalinta gobolka awdal oo ay sheegeen inay diwaan galiyeen oo kaliya 40% boqolkiiba afartan.

Hadaba si loo dhamaystiro diwaangalinta gobolka awdal intii ka dhinayd ayaa waxa shacabka ku dhaqan gobolka awdal la gudboon inay iyaga laftoodu ka qayb qaataan wacyi galinta diwaangalinta soo laba kaclaysey ee gobolka Awdal oo dhawaan la filayo inay gudigii diwaangalintu dib ugu soo laambi doonaan gobolka.

Maamulka gobolka ayaa isna waxa saaran masuuliyad weyn inuu ka soo baxo sidii dadweynaha aan horey fursada diwaan galinta u helin uu ugu fudaydin lahaa wacyi galin xambaarsan iclaan dhinac walba ah sida : Raadiyaha, TVga iyo waliba saxaafadaha xorta ah ee gobolka Awdal inay ku wacyi galiyaan shacabka, umadana mar labaad ku baraarujiyaan sidii loo dhamays tiri lahaa diwaangalinta gobolka awdal ee qabyotirka u baahan.

Gabagabadii qormadan ayaa waxa mar labaad amaan iyo sharafba mudan Salaadiinta gobolka Awdal oo mar walba iska xilsaara horumarka iyo wada noolaanshaha shacabka walaalaha ah ee Somaliland gaar ahaan danaha shacabweynaha ay matalaan ee reer Awdal

Nin waliba wuxuu qabtey waa logu sharfinayaa !!

>>Halkan ka dhegayso shir jaraa'id oo ay bishii Sebtember qabteen salaadiintu


Maxamuud Cabdilahi Rooble
Saylac.com
Seattle USA


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com