Hirdankii Xisbiyada
Muxaafadka iyo
Mucaaradka iyo
munaasabadii
Sanadguurada W.
Geeska Afrika
April,18,2008
Hargeysa (Saylac.com)
- Wargeyska madaxa
banana ee Geeska
Africa ee ka soo
baxa Magaalada
Hargeysa ayaa
sannad-guuradiisii
2aad ee ka soo
wareegtay markii la
aas-aasay maanta u
dabaal-degay, iyada
oo Xaflad balaadhan
loogu sameeyay
Huteel Ambaassador
ee Magaalada
Hargeysa, isla
markaana ay ka soo
qayb-galeen
shir-gudoonka Golaha
Wakiillada
Somaliland,
Masuuliyiinta
Saddexda Xisbi Qaran,
Guddoomiyayaasha
Ururada Saxaafada ee
Solja iyo S.S.j.w ee
Somaliland,
Suxufiiyiin kala
duwan oo aad u tiro
badan, Culimo-awdiin,
Aqoonyahaniin,
Abwaano,
Masuuliyiinta iyo
hawl-wadeenada
Wargeyska Geeska iyo
Marti-sharaf kale oo
fara badan.
bidix ka
bilaw(CumarJamac,Baashe,
Ciro, Silaanyo, iyo
cabdiraxman)
Ugu horeyn
Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada
Somaliland
Cabdiraxmaan, Maxmed
Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-ciro),
oo aad ugu
mahadnaqay Wargeysa
Geeska Africa oo uu
sheegay inuu dedaal
dheeraad ah muujiyay
mudadii uu jiray,
isla markaana waxa
uu u soo jeediyay in
aanay ka caajisin
dedaalka ee ay sii
laban-laabaan. Sidoo
kale Guddoomiyuhu
waxa uu ka hadlay
Xaalada Siyaasada ee
dalku marayo, isaga
oo Axsaabta
siyaasada kula
taliyay in xaalada
la dejiyo, waxa la
isku maandhaafsan
yahayna wada-tashi
lagu dhameeyo.
Gudoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee
KULMIYE Md. Axmed
Maxamed Maxamed [Siilaanyo]
ayaa ku hambalyey
bahda Wargeyska
Geeska Afrika Sanad
Guurada 2-aad ee ka
soo wareegtay
asaaskiisii, isaga
oo sheegay
Guddoomiyuhu in uu
Wargeysku si hagar
la’aan ah buslhada
ugu adeego, isaga oo
kal siman guud
ahaanba Saxaafada
Madaxabanaan ee
Somliland ka
hanaqaadady.
Waxaana ka mid ahaa
hadaladii
Guddoomiyaha Kulmiye
oo uu yidhi,
“Dalkeena markaynu
ka hadlayno laba
saxaafadood ayaa
jira oo aan
qarsoonayn,
saxaafadii waa ta
Qaranku leeyahay ee
ay dawladu gacanta
ku ahayso,
saxaafadina waa ta
madaxa banana, ta
madaxa banana
dhibaato lagu hayo
mooye iyada,
geesiyaasheedi,
rageedi, boqol jeer
la soo xidhay oo
dhibta dadku qabo
way la qabaan oo
xabsiga loo taxaabay,
oo muceeshadu ku
adagtahay ayaa la
ogyahay, waana
Saxaafada
Madaxa-banaan ee
dhabta ah. Qaybta
dawladu hayso
marnaba laguma
tilmaami karo inay
madanaana,
siyiaasada, Axsaabta
iyo Qaranka
hawlihiisa uma sina,
waxay u adeegtaa
maamulka maanta jira,
Muha ayaa halkan
fadhida, maalin
dhawayd ayay tidhi
aan waraysi kaa
qaado, waxaaan ku
idhi idin siin maayo,
sababtana waad
garanaysaa oo inta
ducada ah ayuun baad
siidaynaysaa.”
“ayaamahan
dhacdooyinkan socda
ee laga wada hadlay
iyo dalka inaynu
dhawro,
hormarintiisa dhawro,
dimuquraadiyadiisa
dhawro,
nabadgalyadiisa
dhawro waa waajib
iyo xaq ina saran,
dooduna taa ma
taagna, umalayn
maayo inta uu qof
halkaa istaago inuu
odhanayo aynu
nabadgalyada wax
yeelo, oo
todobaadkan oo
kaliya wixii dhacay
waa la ogaa oo dad
badan oo Kulmiye ah
ayaa la xidhay oo la
yidhi wax bay
qarxinayeen.” Ayuu
hadalkisa ku sii
ladhay
Axmed-siilaanyo.
Waxaanu ku dooday
Guddoomiyaha Xisbiga
Kulmiye in lagu masa
biday Xisbigooda in
ay ka dambeeyeen
qaraxii ka dhacay
Golaha Guurtida,
taasina ay ahayd wax
aan waxba ka jirin,
ciidamo badana loo
soo celiyay cabsi
galinta Xisbiga iyo
dadka kale. Waxaanu
sheegay in ay diyaar
u yihiin la
shaqaynta Ciidamada
booliska iyo kuwa
Qaranka labadaba,
balse aanay diyaar u
ahayn in sharci-daro
lagula dhaqmo iyaga
iyo dadka shacabka
ahba.
“Hadii Axsaabtu ay
wax isku waafaqeen,
adigana shantii
sanno ee lagu
doortay way
dhamaatay ma run baa
mise waa been?, waa
run, oo sharci dalka
u yaala ayaa la
tilmaamay iyo
dastuurkii, nina ma
odhan anaa kursiga
ku fadhiisanaya ee
waxa la yidhi
sharciga iyo
dastuurka ha la
ixtiraamo.
Odayaashii
masaakiinta ahaa
ayaa si ay qiil ugu
helaan muddo
kodhirnta
madaxaweynaha la
yidhi nabadgalyo
ayaa dalka ka jirta,
ciidamadii ayaa la
yidhi nabadgalyo
daro ayaa jirta oo
jiidii hore laga soo
raray, taasina waa
wax sumac dhac ku ah
dalka iyo dadka.
Anagu waxaanu
leenahay marka
muddadu kaa dhamaato
Madaxweynaw, ka
dhoof iyo cid kale
ku fadhiisi midna
kuma lihin ee
waxaanu leenahay
marka waqtigaagu
dhamaado dalku
xaalad cusub ayuu
galay ha la isku
yimaado oo ha laga
wada tashado.” Sidaa
ayuu yidhi
Guddoomiyaha Xisbiga
Kulmiye.
Waxaanu intaa ku
daray oo uu yidhi,
“Waxaananu
taaganahay mucaarad
ahaan waqtigii
komishanka iyo
axsaabtu ku
heshiiyeen inay
doorashadu ku dhacdo
ha ku dhacdo ayaanu
taaganahay, haday
cumar jaamac dhab ka
tahay wadahal waanu
ogolahay.”
Sidoo kale
Guddoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee
UCID Ing. Faysal
Cali Waraabe, oo
hadal ka jeediyay
Munaasibadaa lagu
xusayay
sannad-guurada 2aad
ee Wargeyska Geeska
Africa, ayaa sidoo
kale u mahadnaqay
Wargeyska Geeska
Africa iyo
warbaahinta kale ee
maxaliga ahba.
“Wargeyskan Geeska
iyo waqtiga uu jiray
markaad eegto way
kala waynyihiin,
taasina waxay
cadaynaysaa in ay
ujeedo dhab ah
lahaayeen markii
hore ee ay
aas-aasayee, waxaanu
jecelahay hadaanu
talada dalka qabano
anagu inaanu kabno
Jaraa’idka iyo
warbaahinta kaleba,
si aanay
dhaqaala-xumo u
burburin.” Sida ayuu
yidhi Guddoomiyaha
UCID.
Isaga oo hadalkiisa
sii watana waxa uu
intaa ku daray oo uu
yidhi “Waa
nasiib-daro, marka
ay timaado dood ku
salaysan siyaasad in
yooyootan la galo,
hada laba wax ayaa
taagan labadaana
waxa dhlaliyay, midi
waxa weeye waqtigii
aynu Xaflada ku
samaynay maansoor oo
ahaa heshiiskii hore
wuu baaba’ay, oo
komishankii ayaa
markaa warwaray, oo
waxay u tageen
Madaxweynaha oo ay
yidhaahdeen maxaanu
yeelaa, wuxuu ku
yidhi waqti cusub
soo sameeya, ka
dibna Axsaabta ugu
yeedha, oo ka wada
heshiiya, waxay
yidhaahdeen xeer
ayaa jira, wuxuu ku
yidhi markaad soo
samaysaan ii keena
anaa bedalayee.”
Gudoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee
UCID Waxa uu
taageeray go’aanka
uu sheegay
Gudoomiyaha Xisbiga
KULMIYE inay taagan
yihiin Mucaarid
ahaan, ee ah
wakhtiga komiishanka
iyo Xisbiyadu
heshiiska ku yihiin
in doorasho lagu
qabto, isla markaana
marka uu
Madaxweynaha xilku
ka dhamaadana laga
wadatashado sidii
lagu gaadhi lahaa,
waqti doorasho.
Sidoo kale, waxa uu
xusay Faysal
go’aankii ay
guurtidu mudada
xilka ugu kordhisay
Madaxweynaha uu
mijaxaabin ku ahaa
go’aanka saxda ahaa
ee hore la iskula
gaadhay, ahaana mid
qorsheysan oo
Maaxweynaha iyo
Guurtidu ay isku
ogaayeen.
Xog-haya Garabka
siyaasada ee Xisbiga
Muxaafidka ah ee
UDUB Cumar Jaamac
Faarax, ayaa sidoo
kale ku hanbalyey
Wargeyska Geeska
Afrka iyo
hawlwadeenadiisa
sanad-guurada 2-aad
ee ka soo wareegtay
aasaaskii wargeyska,
isla markaana waxa
uu ka waramay
suxufunimada iyo
heerarkeeda kala
duduwan, waxaanu
sheegay inaanay
suxufinimadu ahayn
wax lagu taajiro ama
lacag badan laga
helo sida
Shaqooyinka iyada ka
duwan.“Suxufi ayaan
soo ahaan jiray,
jariirad codka
Hargeysa la
yidhaahdo ayaan u
shaqeyn jiray,
manaaha shaqo lagu
taajiro oo lacag
badan laga helo,
waxaan aamin sanahay
inaanu ninka
suxufiga ahi isaga
oo faraxsan aanu
aqalkiisa tagin, oo
sida uu u shaqeynayo
ayuu daalayaa, waana
hawl u baahan, waayo
waa hawl u baahan
inuu qofku awooda
saaro, saxaafaduna
waa wax aad u
muhiima” ayuu yidhi
Cumar Jaamac.
Waxa uu u soo
jeediyey xoghayaha
Siyaasada ee Xisbiga
UDUB Cumar Jaamac
inay ku dedaalaan
tebinta waxyaabaha
jira, isla markaana
ka dheeraadaan
waxyaabaha
buunbuuninta ah ee
dalkeena dhaawici
kara.
Xoghayaha arrimaha
Siyaasada ee Xisbiga
UDUB Mar uu ka
hadlayey
khilaafaadka
Siyaasadeed dalka
wakhtigan galay waxa
uu yidhi “Beryahan
waxyaabaha badan ee
lagu hadlayo, uu
jiraa khilaaf
Axsaata ah, oo muran
waa taagan yahay,
waxaanuse ugu
yeedhaynaa Axsaabta
mucaaridka ah inaan
u fureyso, oo aanu
diyaar ula nahay
wada hadal aanu la
yeelano si loo
dajiyo tashka” Isaga
oo hadalkiisa sii
watana waxa uu intaa
raaciyey oo uu yidhi
“Anigu marna ma
filayo inay marna
wax dhacayaan, anagu
[UDUB] marna kuma
hadalno luuqad
dagaal, oo ma
nidhaahno waxbaa
dhacaya, cidii
kalena waxaanu
leenahay yaan ummada
la kicinin.”
“Axsaabta waanu isku
waaqaf-sanayn mudada
sanadka ah ee faraqa
noo dhaxeeya waa
muddo 3-bilood ah,
iyadana waxaanu
garanay inaan isaga
iman karno oo aanu
kawada hadli
karno,iyagana [Mucaaridka]waxaan
leeyahay yeynaan
umadeena khalkhal
gelinin, oo yeynaan
xuquuqdooda ku
ciyaarin, nabadgelyo
ayaana jirta waanay
jiraysaa, doorashana
way dhacaysa
waxaanan jecelnahay
inay umadani cidii
hogaamin lahayd
dooran lahayd si
dimuqraadiya u
doorato,
doorashaduna waa
inoo diyaar
komiishankiina waa
inoo sameysan yahay”
ayuu yidhi
“Markaa waxaanu
leenahay yaan ummada
durbaan colaadeed
loo tumin, waanay
naga go’an tahay
Xisbigayaga [UDUB]
iyo xukuummada
tallada haysaa inay
doorashooyinku
dhacaan oo ay si
nabadgelyo ah u
dhacaan. Mucaarid
iyo muxaafidba
madooynayno inay
dalka dhibaato ka
dhacdo, ee waxaanu u
tartamaynaa sidii
Somaliland wax u
noqon lahayd” ayuu
yidhi Cumar Jaamac.
Waxa isaguna halkaa
ka hadlay
Guddoomiyaha
Wargeyska Geeska
Africa Kamaal Axmed
Ciise, oo sheegay in
ay dedaal dheer u
soo galeen
hirgalinta
himiladooda, oo
ahayd inay soo
gaadhan halkan ay
maanta taagan yihiin
iyo meel ka sii
saraysa.
Sidoo kale
Guddoomiyaha
Wargayska Geeska
Africa waxa uu ku
dheeraaday
marxaladiihii kala
duwanaa ee ay la
soomareen aas-aaskii
iyo dhamaystirkii
Wargeyskan, isaga oo
xusay inay halkaa ka
sii wadi doonnaan
dedaalka ay bulshada
ugu adeegayaan,
waxaanu sheegay inuu
Wargeyskani yahay
Wargeysk
dhex-dhexaad ah, oo
ummada Somaliland u
siman mucaarad iyo
muxaafid, yahayna
mid ku dhaqma
xaqiiqada iyo
gudbinta waxa jira
ee dhabta ah.
Waxa iyaguna halkaa
ka hadlay Xubno tiro
badan oo ay ka mid
ahayeen Xog-hayha
arrimaha dibada
Xisbiga Kulmiye Dr.
Axmed Xuseen Ciise,
Afhayeenka Xisbiga
Kulmiye Maxamed
Kaahin Axmed ,
aqoonyahaniin,
Abwaaniin, Culimo
awdiin iyo
marti-sharaf kale.
Cabdiqani X. Baynah
Saylac.com/Hargeysa
/ Somaliland
|
|