Roobabkii
Gu’ga oo
curtay,
Burco oo uu
roobku
saacado
badan hayay
April,30,2008
Hargeysa (Saylac.com)-
Roobabkii
Gu’ga ayaa
maasheeyay,
isla-markaana
ka da’ay
meelo badan
oo ka tirsan
gobollada
dalka.

Sida aanu
wararka ku
helay, mar
aanu xalay
Saqdii dhexe
khadka
telefoonka
kula
xidhiidhnay.
Magaalada
Madaxda
gobolka
Togdheer
ayaa roobku
si wayn u
biyo-dhigay.
Xalay abaara
12:30-kii
habeenimo
roobkii ka
bilaabmay,
waxay uu ka
qaaday
Daakiradii
Subax,
isla-markaana
waxay
wararku
intaa ku
dareen in
ilaa maanta
oo roobkaasi
Burco ka
da’ayo, oo
uu aad u
biyo-dhigay.
Waxaana
magaalada
Burco marka
laga tago,
wararka
Shabakada
Saylac
heshay intaa
ku dareen in
Hawdka Burco
oo ka mid
ahaa
meelihii
abaaraha ugu
badan
Somaliland
ka dheceen
uu roobku si
aad ah u
helay, sida
Tuulooyinka
Durukhsi oo
dad
deegaankaas
ka mid ahi u
dhinteen
Haraad
dhawaan.
Tuulooyinka,
Waraabeeye,
Bisiqa,
Harada iyo
deegaano ku
dhow-dhow
ayay roobki
sida la
xaqiijiyay
iyana heleen.
Dhinaca
kale,
inkasta oo
magaalada
Hargeysa ay
cirka
duruuro isku
dahaadheen
oo uu dadan
yahay ilaa
hadda hadana,
ma jiro roob
ilaa hadda
ka da’ay.
Hase yeeshee,
magaalada
Arabsiyo oo
ka tirsan
deegaanka
Hargeysa iyo
Galbeedkeeda
ayaa wararka
roobka ku
saabsani
sheegayaan
inuu helay.
Abaarihii
ba’naa ee ka
dhacay guud
ahaan
wadanka
Somaliland,
ayaa rajo
fiican
haatan laga
qabaa,
markii la
maqlay
wararka ku
saabsan
curashada
Gu’ga oo
sanadkan u
muuqday mid
ka dib
dhacay
xiligii uu
biyo dhigi
jiray.
Todobaadkii
la soo
dhaafay ayay
ahayd markii
duco
roob-doon ah
guud ahaan
laysugu soo
baxay
gobollada
Somaliland.
Taasoo
Illaahay
lagu
waydiisanayay
inuu
Nimcadiisa
inoo soo
dediyo.
Saylac
Office/Hargeysa
Somaliland
|