| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Kaluun daray ah  oo maalin walba ka yimaada Magaalada Lughaya loona  iibkeeno magaalada Boorama
April,25,2008

Borama(Saylac.com) Yaasiin Habane Aye oo ah hantiilaha Shirkada Keenta kaluunka ayaa saylac.com uga waramay suuqa fiican iyo faidada uu ka helo keenista kaluunka Boorama.

Kaluunkan oo iskugu jira nuucyada ugu tayahada fiican suuqyada aduunka ayaa maalinwalba waxa uu soo galaa suuqa kaluunka lagu kala iibsado ee Magaalada Boorama oo aan horey u jirin.

Mulkiilaha Shirkada Kaluunka xeebta Lughaya Ganacsade Yasiin Habane Aye oo saylac.com warayi khaas ah ka siiyey sida uu ku bilaabay shirkadan iyo hamigiisa ayaa waxa uu sheegay inuu abadkii u taami jiray inuu sameeyo shirkad kaluun oo kaluunka ukala qaybisa magaalooyinka waaweyn ee Jamuuriyada Somaliland gaar ahaan Magaalada Boorama .

"Waxaan in badan ku hamiyi jiray inaan mar' uun keeno kaluun Boorama, wanan ku guulastay" ayaa hadaladiisa ka mid ahaa ganacsade Aye. Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa kale oo uu sheegay inuu mudo badan bada ku jiray kaluumaysigan hadda aan bilaabayna waa mid shuqul ahaan anigu aan doorbiday isla markaana aan ku taami jiray .




Ganacsade Aye oo ka waramaya qalabka uu ku hawgalo ayaa sheegay inuu leeyahay Labo laash oo uu ku kaluumaysto intaa waxa dheer ayuu yidhi shabaagta aan daadino habeenkii oo iyaguna dhawra ah. Ganacsade Aye oo ka waramayo socdaalka dheer ee uu lasoo galo kaluunka ay maalintaa helaan ayaa waxa uu sheegay inay 10ka subaxnimo lughaya ka soo baxaan iyagoo kaluunka kusoo qaadaya babuur ay saaran yihin talaajado qabooyjiya kaluunka si aan tayadiisu wax u gaadhin isla markaana soo gaadha magaalada Boorama 4 Galabnimo waa lix saacadood oo kaliya hadii jidku laami ahaan lahaana waxaba uu qaadan lahaa laba saacadoon wax ka yar.

Kaluunkan daray ah ayaa maalinwalba dadku kusugaan Suuqa Kaluunka ee Magaalada Boorama oo ay si degdga dadku ugu kala boobaan iib wanaagsana uu ka helo.
Yaasiin Habane Aye oo ah hantiilaha Shirkada Keenta kaluunka
Ganacsade Aye oo ka waramay suuqa baaxada weynleh ee kaluunka sugaya ayaa waxa uu sheegay inuu markii hore ku bilaabay bilaabay 230kiiloo Maalintii suuqa iyo dalabka oo si xadhaafa u soo kordhayna ay hada kordhiyeen kaluumaysiga waxayna keenaan maalintaii ilaa 5 kiloo oo dalabka ay dadka ka qadaan ah intaana waxa dheer dadka kale ee iyaguna maalin walba liiska dalabka lagu darayo iyo kuwa suuqa u imanaya inay kaluunka ka iibsadaan.

Isaga oo ka waramaya macaashka ay ka helaan suuqan curadka ah ee kaluunka Boorama ayaa waxa uu ganacsade Aye saylac.com u sheegay walaw shidaalku qaali ku joogo hadana inay macaash fiican ka helaan maalin walba.

saylac oo waydiisay keenista kaluunka magalada lughaya inay u fududaysay wadada ay samaysay hayada GAA ee Jarmalka oo Degan Gobolka.
Ayaa Ganacsade Aye waxa uu sheegay inay run tahay inay in badan ay ka caawisay jidka siiba dalcadii tuulada Dhuuse qadhmuune ku yaalay. isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu si dhiiranaani ku dheehan tahay u yidhi "Aniguse wado samayn iyo wado Xumaba Horaan ugu qalab urursan jiray inaan Boorama kaluun u keeno"
Magaalada Lughaya ayaa waxay dhinaca bari kaga beegan tahay magaalada Boorama 195 KM oo wado raf ah ama aan laami ahayn.

Xarakaadkan ganacsi ee maxaliga ah ayaa waxa uu ku soo beegmay wakhti maceeshada aduunku cirka isku shareertay loona baahan yahay in la sameeyo xarakaadyo ganacsi oo nuucan la mida shabakada saylac.com waxay sharaf iyo amaanba u soo jeedinaysaa Ganacsade Aye sida geesinamada leh ee uu kaliygii u xaytey dadka ganacsatada kalena waxay ku dhiiri galinaysaa inayna kaliya Bariis iyo Baasto aduunka ka sugin ee ay indho- indheeyaan dariiqyo kale oo lagaga maarmi karo raashinada dibadaha laga sugo ee lacagta adag dadka ku jooga oo isla markaana ay dhiiri galiyaan ganacsatada yaryar ee fikirka caafimaadka qabta la kawsatey sida Gamacsade Aye oo runtii dadka u horseeday dariiq dhaxal gal ah.



Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama/ Somaliland

 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com