| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Warbixin ku saabsab furitaankii degmada Garbo-dadar ee Gobolka Salal
April,06,2008

Garbodadar(Saylac.com) Waftigii socdaalka ku kala bixinayey degmooyinka cusub ee gobolka Salal ayaa maanta waxa uu soo gaadhay degmada Garbo dadar. Waftigan oo ka koobnaa Wasiirka
Wasiir Cabdi Xasan Buuni,wasiirka Dib u Dajinta Abshir Axmed xasan iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta cali Cilmi Geele, ayaa la hadlay dadweynaha degmada Garbodadar oo ay hogaaminayaan Meeyarka degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi (Cawad) iyo Sheekh MIcaad Ismaaciil oo ah sheekha degmada Garbo dadar.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa soo dhaweeyey imaatinka waftiganina wuxuu ahaa mid si fiican loo sii abaabulay. Waftigan ayaa ka sokow furitaanka degmada Garbodadar waday raashin aad u balaadhan oo dadka ku dhaqan degmada Garbo dadar ay dawlada soomaaliland ugu talo gashay in lagu caawiyo . Furitaankii Xaflada furitaanka degmada ayaa waxa dadweynaha ku dhaqan degmadan cusub ee Garbodadar ay soo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo uu ugu horeeyo Ciyaarta Wilwilaha.

Gababadii kulankan ayaa waxa ka hadlay cuqaal dhawra oo iyagu sheegay inay ku qanacsan yihiin degamada loo magacaabay aadna usoo dhaweynayaan . SHeekh Micaad Ismaaciil ayaa isagu ku dheeraaday waxwalba inay ka horeyso in Ilaahay lagu mahadiyo nabada iyo xasiloonida ay ku sugan yihiin dadkuna in lagu xamdiyo Ilaahay u sheega waftiga iyo dadkii ka soo qayb galay munaasibada intaba. Degaankan ayaa ka mida degaanadii duufaanadu ku dhufteen ayna kala tageen xoolihii ay dhaqanayeen isla maraana aan horey u helin wax taageero ah oo raashin ah.

Nolosha degmada ayaad ka garanaysaa dhibaatada wajiga dadka ka muuqata saylac.com waxay dhex martey dadweynaha ku nool degaanka waxayna weydiisey in wax taageero ahi ka soo gaadhay lacagooyinkii badnaa ee qurbo jooga reer Awdal ay usoo ururiyeen in xoolo loogu iibsho waxayna dadka ku dhaqan magaaladu ku jawaabeen jawaab isku mid ah oo ah(Waxa nasoo gaadhay raashin gaadhaya 16 kiish oo bariis ah iyo xoogaa saliid ah oo qoys walba marka la qiyaaso la odhan waxa kaga soo hagaagay inuu ku noolaado afar casho oo kaliya intaa waxa noo dheer in xoolihii naloo balan qaaday aanan helin maantase waa Ilaahay mahadii mar hadii ay dawladii dareentey dhibta na haysata raashinkan maanta naloo keenayna wuxuu la mid yahay kii hore ee dhawrka maalmood na hayey Ilaahaybaan sugaynaa ...)

Dhinaca kale 15 Macalin oo socdaal uga baxay degamada gargodadar si ay uga qayb galaan Siminaar ka dhici doona Magaalada Boorama ayaa Gaadhigii ay saarnaayeeni kula rogmaday dariiqa u dhexeeya Boorama iyo Garbodarar waxana ku dhaawacmay laba Macalin oo hada lagu daweynayo Cusbitaalka Boorama.

Dahir Axmed "jirde
Garbodadar - Salal- Somaliland

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com