| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Hargeysa(Saylac.com) Daawo Sawiro Muujinaya qaraxyadii dulmiga ahaa ee Argagixisada Caalamigu ka dhigeen Somaliland..Oct,31,2008

Faalo

London(Saylac.com)Waxaan muran ku jirin in umada somaliland ay mid ka tahay dufaaca qaranimada wadanka, waana muqadis in muwaadin kasta oo u dhashay Jamuuriyada Somaliland uu naftiisa iyo maalkiiba u huro dufaaca sharafta iyo qaranimada somaliland. Sida aad dadweynaha dariiqyada Caasimada Hargeysa aad ka aragtaan, qaraxii ay geyteen  argagixisada caalamigu waxa uu dadka baray in gudaha dalkooda xataa madaxtooyada Jamuuriyada Somaliland cadawgu qaraxyo ka geysan karo. Waxa kale oo uu umada soomaaliland baray isku duubni aan horey loo arag oo ay gacmaha isku qabsadeen dufaaca dhulkooda hooyo.

Intaa waxa dheer in dawlada somaliland oo gacan buuxda ka heshay shacabka somaliland ay durba bilawday baadhitaano iyo sugida amaanka gobolada dalka oo dhan.  runtii qaraxani waxaad odhan kartaa waxa uu hurdada ka kiciyey guud ahaan umada somaliland oo garatey cadaw gudaha dalka ku jiri inuu jiro.

Shabakada Saylac.com  waxay Eebe uga baryeysaa intii ku geeriyootey qaraxa dulmiga gacan ku dhiiglayaashu ay geysteen inuu Janadii ka waraabiyo eheladoodiina samir iyo imaan ka siiyo . Amiin.

Inkastoo aanan cidina damaanad qaadi karin in laga hortago cadawgan qarnigan 21 aad ee adiga kula daris ka ah oo u badheedhay inuu xataa naftiisa galaafto isagoo laga dhaadhiciyey rayi been abuur laga sameeyey diinta Islaamka oo sheegaya inuu naftiisa isku qarxiyo umad muslimiin ahna galaafto, ayaa waxa aanu ku niyad sanahay in guud ahaan umada somaliland ay dhinac uga wada jeedsan doonto iskana dufaaci doonto cadawgan kula shaadhka ah ee ujeedadiisa ugu weyni ay tahay burburin iyo kala yaac ka dhasha Jamuuriyada Somaliland.

Shacabku waxa la gudboon inay wada shaqayn buuxda la sameeyaan dawlada dalka ka jirta iyagoo soo sheegaya cidii ay ku tuhmaan qas abuur iyo wixii la halmaala, waana sida kaliya ee cadawgan looga guulaysan karo.

Kuwa guryaha u kiraynaya cadawga maagan inuu caruurtooda laayo waxaan kula talin lahayn inay Ilaahooda u noqdaan dalkoodana aanay siisan qadar lacaga.

Gabagabadii waxa haboon in goor walba dadku heegan ahaado oo aan la isdhigan cadawganina maaha mid sidaa ku dhamaanaya waxaanad tusaale idiinka filan dhibaatooyinka ay maalin walba ka geystaan wadamada caalamka qaarkood.

 

Sawir Qaade / Wariye Hahim  Goth


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com