| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Axad wararka  Soomaaliya..Oct,26,2008

Qaar ka tirsan Ciidamada Booliska oo si xun ugu dhaawacmay qarax lagula eegtay Isgoyska 4-ta Jardiino ee magaalada Muqdisho.
Oct,26,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa goor dhoweyd si xun ugu dhaawacmay qarax xoogan oo ahaa Miino kuwa meelaha fog fog lagu aaso.

Qaraxan oo ahaa Miino xilli hore dhulka hoostiisa loogu aasay Geed ay hoos fadhiisan jireen Ciidamada Booliska oo lacago Leejo ah Gaadiidka kaga qaadayay Isgoyska 4-ta Jardiino ayay la kacday askartaas, markii ay saakay usoo jarmaad tageen halkii ay horay u fariisin jireen oo Barta Koontaroolka u aheyd.

Illaa Lix ka tirsan Askarta Booliska ayay la kacday Miinadaasi, kuwaasoo soo gaaray dhaawacyo aad u culusaa, oo qaarkood ku waayay Xubnahooda muhiimka ah sida ay inoo sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Sidoo kale dad rayid ah ayaa iyana qaraxaas ku dhaawacmay, kuwaasoo aan tiradooda la sheegi karin, hase ahaatee dhamaan dadkii ku dhaawacmay ayaa loola carayay Cusbitaalka Keysaney ee Duleedka Muqdisho.

Qaraxan ayaa markii uu dhacay waxaa gebi ahaanba istaagay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee marayay Isgoyska 4-ta Jardiino, waxaana durba goobta soo gaaray Ciidamo Boolis ah oo rasaas u ridayay kolba meel.



Jini Boqor "C/llaahi Yusuf ha is casilo, inlee horayuu ugu dhaartay in hadii Hal sano uu wax qaban waayo uu is casilayo"Oct,26,2008

(Baydhabo:Saylac.Com)-Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid (Jini Boqor) ayaa kula taliyaya Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf inuu is casilo, maadaama uu sheegay inuu ku fashilmay waxyaabihii loo doortay.

Xildhibaanka oo xalay la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa sheegay in xiligaan ay muhiim tahay in uu xilka iska casilo Madaxweyne C/laahii Yuusuf Axmed.

"Marka xilka Madaxtimada loo doortay waxa uu ku dhaartay in hadii hal sano uu wax ku qaban waayo uu xilka iska wareejinayo laakin ma uusan wareejin oo xaalada dalka Soomaaliya waa ay ka sii dartay, waxaa dhintay dad shacab ah la dhaawacay dad shacab ah, kumanaan qof waa ay barakaceen C/llaahi waxaan leeyahay waa fashilmee ha is casilo"ayuu yiri Xildhibaan Jini Boqor.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowlada KMG afar sano ay ka shaqeyneysay gudaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan wax ka qaban xaalada dalka soomaaliya,waxaana uu tilmaamay in dowlada KMG dagaalo la gashay xoogaga islaamiyiinta ah


Hadalka ka soo baxay xidhibaan jini Boqor ayaa ku soo aadaya xil baarlamaanka KMG uu intiisa badan u baqoolay Magaalada Nairobi, halkaasoo la filayo in IGAD uu kulan wada tashi ah uu la qaato Madaxda Dowladda iyo Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumada, iyadoona shakiyo kala duwan ay ka soo baxayaan Shirka IGAD ay ku baaqday, kaasoo labo maalin kadib qabsoomaya.

Ciidamada Ethiopia oo oo xoolo dhaqato ku laayay agagaarka Deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Sh/hoose Oct,26,2008

(Leego:Saylac.Com)-Ciidamada Ethiopianka ee shalay dagaalka adag ku qabsaday agagaarka Tuulada Yaaqbariweyn ee Gobolka Sh/Hoose ayaa halkaas ku laayay dad xoolo dhaqato ah, kadib markii ay duqeyn iyo toogasho u geysteen.

Meydadka Ilaa 8 ruux oo ay ku jiraan Haween iyo caruur ayaa saakay lagu wadaa in laga soo qaado goobta ay Ciidamada Ethiopianka ku dileen, iyadoona ay ku baxeen dad deegaanka ee ku sugan Deegaanka Leego.

Dadkan ay xasuuqeen Ciidamada Ethiopia ayaa ahaa kuwo xoolo dhaqato ah oo ka ag dhowaa halkii lagu dagaalamayay maalinimadii shalay, kuwaasoo ay si bareer ah u toogteen Ciidamada.

Ciidamada Ethiopianka ee shalay dagaalka ku qabsaday inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbariweyn ayaa soo gaaray meel u dhow Deegaanka Balidoogle, xili ay socod lug ah ku marayay wadada ayaa hadana Ciidamada ay yihiin kuwo meel walba ku hakanaya, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalo ay la kulmaan.

Isku socodka Gaadiidka isaga kala goosha Gobolka Bay iyo Banaadir ayaa maalintii labaad hakad ku jiray waxanaa gaadiid ka soo baxay shalay Magaalada Baydhabo uu ku xayiran yahay wadada, waxaana jirta cabsi ah in Ciidamada waxyeeleeyaan dadka rakaabka ah, sida horay looga bartay.

Ciidamada Ethiopia ayaa caado u ah inay laayaan dad rayid ah, marka weeraro lagu xanuujiyo, kaasoo ka soo gaarta dhimasho iyo dhaawac, waxaana marka ay dhamaadaan weerarka ay geystaan tacadiyo ka dhan ah bani'aadanimada oo isugu jirta dil, jirdil iyo dad ay si bareer ah u bireeyaa.

Kolonyo Ciidamo Ethiopian oo saakay qarax lagula eegtay agagaarka Deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye Oct,26,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Qarax xoogan ayaa xalay waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo baar ismaal kadib marekii qarax mino lala eegtay ciidamada Ethiopia oo roondo ka waday xaafadaasi.

Ciidamada Ethiopia ee Qaraxa lala beegsaday ayaa ah kuwii fariisinka ku lahaa degmada Afgooye kuwaasi oo howl roondo ah ka waday gudaha degmada Afgooye.

Wararka laga helayo gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia uu soo gaaray qasaaro nafadeed balse aan la ogeyn Qasaaraha inta uu la egyahay.

Qaar ka mid ah dad ku soo safray wadadaasi ayaa sheegaya in ay ku arkeen goobta uu qaraxu ka dhacay dhiig iyo tuutaha ay leeyihiin Ciidamada Ethiopia.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan degmada Afgooye xili Qaraxyada iyo dagaalada ay ku soo badanayaan qaraxyada ka dhanka ah Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada KMG.



Xaalada degmada Guriceel oo degan kadib markii xalay lagu dilay Haweeneydii ugu horeysay oo ka tirsan hay’adaha Samafalka. Oct,26,2008

(Guriceel:Saylac.Com)-Xaalada Degmada Guriceel ayaa saakay u muuqata mid degan, iyadoona ay ka socoto qaban qaabada aaska Haweeney Sama fal aheyd oo xalay ay toogasho ku dileen Wiilal Dhalinyaro oo ku hubeysnaa Bastoolad.

Dadka ku dhaqan Magaalada ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilkan arxan darada ah ee markii u horeysay lagula kacay qof Dumar ah oo ka tirsan Hey'adda IIDA oo ka mid ah Hey'adaha Sam falka ee u gar gaara shacabka Soomaaliyed


Dadweyne fara badan ayaa saakay isugu soo baxay Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaasoo doonaya inay ka qeyb qaataan Aaska Marxuumad Duniyo Sheekh Doon oo madax u aheyd Hey'adda IIDA qeybteeda Degmada Guriceel ee Gobolka G/Gaduud.

Waa gabadhii ugu horeysay oo Hay’adaha Bulshada Rayidka u shaqeynaysay oo la dilo tan iyo Markii Dowladda Soomaaliya soo gaartay gudaha dalka Xiliga dilka loo geysanayay Gabadhan ayaa la sheegay in haweenaydani ay ku sii jeeday gurigeeda waxaan lagu hortoogtay Masjidka caanka ah ee masjidul Jaamac ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Lama oga sababta loo dilay, cidna ma sheegan dilkeeda, waxaase dilkan uu ka mid yahay falalka lagu ugaarsado Shaqaalaha Samafalka iyo Shaqsiyaadka u shaqeeya Bulshada Soomaaliyed, kuwaasoo mudooyinkii u dambeeyay lagu dilayay Magaalooyinka Soomaaliya, waxaana dilkan haweeneydan loo geystay ayaa dad badan oo soomaaliyed ku reebaya uur ku taalo iyo murugo xoog leh

Ha’ayada IIDA waa hay’ad ka shaqeyso ka hortaga musiibooyinka iyo arimaha haweenka taasi oo ka howlgasha gudaha dalka Soomaaliya waxayna isku xirtaa inta badan haweenka ka shaqeeya oo ku howlgala qaar ka mid ah wadamo African ah oo ay ku midoobeen haweenka African ah iyo kuwa kale oo ka dhisan dalka Talyaaniga.

Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.

 


 

Somali National Movement.

In April 1981, a group of Isaaq emigres living in Jeddah, Saudi Aribia formed the Somali National Movement (SNM), and at the end of 1981 it was announced in London, which subsequently became the strongest of Somalia's various insurgent movements. According to its spokesmen, the rebels wanted to overthrow Siad Barre's dictatorship

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com