|
|
 |
|
| |
Wasiirka Arrimada Dibada UK oo
la kulmay Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Wales.UK ..Oct,18,2008
Wasiirka Arrimaha debada ee dalkan Britain Hon David
Miliband MP iyo qaar ka mid jaaliyadda reer
Somaliland ee ku nool gobolka Wales.
Somali Voice
Kaysar Cabdilaahi
Cardiff, Wales - Wasiirka Arrimaha debada ee dalkan
Britain Hon David Miliband MP ayaa kulan gaar ah oo
aad u balaadhan manta la yeeshay Jaaliyada
Somaliland eek u dhaqan Gobolka Wales gaar ahaan
caasimada gobolkaas ee Cardiff, Kulankan oo ay kasoo
qayb galeen boqolaal ka tirsan jaaliyada Somaliland
iyo ururrada Bulshada, Dhalinyarada, Madaxda iyo
Waxgardaka Bulshada, eek u dhaqan gobolkaasi iyo
waliba Wasiirka koowaad ahna badhasaabka gobolka
Wales Rt. Hon Mudane Rhodri Morgan AM iyo Mudane
Alun Mikchal MP oo ka tirsan Baarlamaanka dhexe ee
Britan isla markaasna ah Gudoomyaha gudiga
Baarlamaanka UK ee Somaliland oo u ololeeya qadiyada
Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid aan hore noociisa oo kale loogu
qaban Cardiif ayaa Jaaliyada Somaliland waxa ay
wasiirka uga warbixiyiin xaalada guud ee Somaliland
ay ku sugan tahay iyo sida ay Jaaliyada Somaliland
ee UK ku dhaqani ay uga cadhaysan tahay cagajiidka
aqoonsiga Somaliland ku aadan ee dalkan Britain
iyaga oo sidoo kale si xun u canbaareeyay Xasuuqa ka
socda Muqdisho ee lagu hayo dadka Soomaliyeed ee ku
dhaqan Magaaladaas muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Dadweynaha kasoo qayb galay xafladan oo
waalidiintood berigii hore ahaayeen badmareeno ka
shaqaysan jiray Maraakiibta dadweynaha iyo kuwa
ciidamada bada ee dalkan Britain hase yeeshee dadka
madashan joogay waxaa ka mid ahaa
Looyarro,Dhakhaatiir, Macalimiin diiwaan gashan,
shaqaale dawladeed, shaqaalaha ururrada madaxa
banaan , Arday , Ganacsato iyo dad wayeel ah oo
imika hawl gab ah waxaanay si balaadhan uga hadleen
in lasoo gaadhay imika xiligii ay dawlada Britain
kaalin muuqata ka geysan lahayd qadiyada aqoonsi
raadinta Somaliland gacan balaadhan oo caawimona ay
u geystaan dadweynaha Somaliland oo dalkooda dib u
dhisay.
Mudane Alun Michael oo ah Xubin Baarlamaanka UK ka
tirsan gudoomiyana u ah in ka badan Afartan Xubnood
oo ka tirsan Baarlamaaanka UK oo taageera qadiyada
Somaliland ayaa warbixin dheer oo uu halkaas kasoo
jeediyay waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay
dal amaan ah oo wax badan qabsaday, waxaana uu
sheegay in socdaal ay dhawaan ku tageen Somaliland
xubno baarlamaanka UK ka tirsan oo uu isagu uu
hogaaminayay ay soo arkeen in reer Somaliland ay
qabsadeen wax badan loona baahan yahay in la garab
istaago.
Marwo Caasha Cali Nuur oo ah macalimad ka mid ah
macalimiinta Gobolka Wales oo madashaas ka hadashay
ayaa sheegtay in loo baahan yahay in macalimiinta UK
iyo gaar ahaan gobolka Wales loo fasaxo inay tagaan
dalka Somaliland oo ay wax ka qabtaan dhinaca
waxbarashada, waxaanay marwo Caasha aad ugu
mahadnaqday oo ay u tageertay mashruuca cusub ee
mataanaynta Iskuulada Somaliland iyo kuwa gobolka
Wales taasoo ay sheegtay in macalimiinta Somaliland
joogaa ay si joogto ah u iman doonaan gobolka Wales
oo tababarro la siin doono taasoo ay suurto galiyeen
ururka British Council
Xubno ka socday ururrada dhalinyarada Somaliland ee
Wales ayaa iyaguna madashaas ka sheegay sida ay uga
xun yihiin in wasaarada arrimaha debadu ay
websitekooda ku qoraan inaan Somaliya iyo Somaliland
aanay nabadgelyo ahayn oo aanay dadka Britishku tegi
Karin, waxay sheegeen taasi inay tahay khalad weyn
oo laga galay Somaliland oo ah dalka ugu
nabadgelyada fiican geeska Afrika, waxaana ay
dhalinyartaasi sheegeen in degdeg ay wasaarada
arrimaha debadu u kala saarto Somaliland iyo Somalia
oo ay xaaladooda nabadgelyo kala duwan tahay,
waxaanay sheegeen in dhalinyaro ahaan ay caawimo u
geysan doonaan dhalinta reer Somaliland.
Dhinaca kale waxa kulankan lagaga codsaday Wasiirka
in Somaliland laga caawiyo la dagaalanka budhcad
badeeda, iyaga oo codsaday in Boliska Somaliland ay
xoojiyaan una diraan Boliska UK si ay tababarro u
siiyaan ciidamada amaanka ee
Somaliland.Masuuliyiinta Jaaliyada Somaliland ee
Cardiff waxa kale oo ay Wasiirka ka codsadeen in
dawlada Britain ay wax ka qabato Xasuuqa Naxariis
darrada ah ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaa
sidoo kale ay ka codsadeen in caawimo lala gaadho
dadka ay barakiciyeen dagaalada koonfur ka socdaa

Wasiirka Arrimaha Debada Mudane Hon David Miliband
MP oo kulankan qudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay
inuu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Jaaliyada
Somaliland ee gobolka Wales, waxaana uu xusay inay
yihiin jaaliyad taariikh dheer ku leh dalkan
Britain, waxa uu tilmaamay wasiirku in Dawlada
Britain ay ogsoon tahay qadiyada Somaliland iyo
yididiilada shacbiga reer Somaliland, waxaana uu
xusay in dawlad ahaan ay Somaliland sanadkii ku
caawiyaan lacag ka badan £12 Milyan oo Pound oo u
dhiganta Labaatan Milayn oo doolar, waxaana uu
sheegay in dawlada Britain ay taageeri doono nabada
iyo Dimuqraadiayada Somaliland. Wasiirka oo u
muuqday inuu iska difaacayo eedaymo badan oo loo soo
jeediyay ayaa sheegay in Websaytka wasaarada
arrimaha debada ee Britain ay gacanta ku hayaan urur
ka madax banaan wasaaradu, hase yeeshee uu eegi
doono arrinta Somaliland si gaar ahna uu arrinta
Somaliland gaar uga dhigi doono.
“ Waxaan Jaaliyad ahaan idinka codsanayaa inaad usoo
shaqo doonataan kana mid noqotaan shaqaalaha
Wasaarada arrimaha Debada si aad dalkiinan UK ugu
noqotaan dad u metala dalka debadiisa oo safiiro u
noqda UK, caawimada aanu bixinaa waa lacagtiina aad
cashuur ahaan u bixisaan xaqna waad u leedihiin
inaad ogaataan halka aanu ku bixinayno lacagahaas”
ayuu yidhi Wasiirka Debada UK.
Wasiirka Koowaad ahna Badhasaabka maamula Gobolka
Wales Mudane Rt. Hon Rhodri Morgan AM oo isaguna
madashaas ka hadlay ayaa tilmaamay inay maamul ahaan
caawiyaan jaaliyada Somaliland ee Cardiff, sidoo
kalena ay caawimo u geystaan Somaliland gaar ahaan
dhinacyada caafimaadka iyo waxbarshada, waxaana uu
sheegay in Gobolka Wales aanuu lahayn wasiir
dibadeed laakiin wasiirkooda debadu uu yahay David
oo manta inala fadhiya lagana filayo waxqabad dhab
ah.
Wasiirka Arrimaha debada oo markii danbe kulan gaar
ah la yeeshay Ururka Wales Somaliland Community Link
ayaa waxa masuuliyiinta ururkaasi ay wasiirka
gacanta ka geliyeen qoraal habaysan oo tilmaamaya
qodobada muhiimka u ah Somaliland ee laga sugayo in
dalka Britain uu gacan ka geysto, qodobada
qoraalkaas ku jiray oo ay ka mid ahaayeen arrimaha
aqoonsiga waxaa iyana ka mid ahaa codsi ay wasiirka
u jeediyeen in dawlada UK ay si toos ah u siiso
caawimada Dawlada Somaliland oo aanay mar danbe u
marin ururrada samafalka, maadama ay Somaliland ka
jirto dawlad masuul ah oo gaadhsiin karta caawimada
goobaha loogu talogaly.
Xoghayaha Ururka Wales Somaliland Link Mudane
Cabdikariim Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha Ururkaas
Mudane Cabdirahman Cawed oo ah masuuliyiin si aan
daal lahayn ugu shaqeeya uguna ololeeya qadiyada
Somaliland isla markaasna shirkan aabulay ayaa waxay
mahadnaq usoo jeediyeen Masuuliyiinta shirkan kasoo
qayb gashay iyaga oo tilmaamay in guud ahaan xalka
nabadeed iyo kan horumar ee geeska afrika uu ku jiro
in Somaliland la aqoonsado, si ay Somaliland awood
ugu yeelato inay wax ka qabato dabka ka holcaya
Soomaaliya.
Ugu danbayn dadka shirka kasoo qayb galay waxay
tacsi u direen dadka lagu xasuuqayo Muqdisho
waxaanay canbaareeyeen dhibaatada arxan darrada ah
ee lagu hayo dadka reer Muqdisho.
Kaysar Cabdilaahi
Tafatirka Somali Voice
Bristol UK
Kaysar@europe.com
www.thesomalivoice.co.uk
|
|
|