|
|
 |
|
| |
Gudiga Culimaa'udiinka oo ugu baaqay Muqaawamada in
aysan xalaaleysan dhiiga Isbaheysiga garabka Jabuuti..Nov,28,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Gudiga Culimaa'udiinka oo ugu
baaqay Muqaawamada in aysan xalaaleysan dhiiga
Isbaheysiga garabka Jabuuti
Gudiga Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee dhowaan u
istaagay dhex dhexaadinta Xoogaga Hubeysan ee
khilaafka u dhaxeeya ayaa ugu baaqay Xoogaga
Kacdoonka in aysan xalaaleysan dhiiga Isbaheysiga
Dib u xoreynta garabka Jabuuti, kuwaasoo dhowaan
heshiis la galay Dowladda Federaalka.
Gudiga Culumaa'udiinka ayaa sidoo kale ka soo
horjeestay heshiiska awood qeybsiga oo ay wada
gaareen Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Sheekh
Shariif uu hogaamiyo,waxaana ay ku tilmaameen mid
shareecada islaamka aanay waafaqsaneyn.
Sheekh Bashiir Sheekh Axmed Salaad oo ah
Guddoomiyaha Gudiga Culumaa'udiinka ayaa sheegay in
qodobada heshiiska Jabuuti ay yihiin kuwa ka fog
shareecadda islaamka isl amarkaana uu sheegay in
iyagu aysan waafaqsanayn wixii ka soo baxay
shirarkii jabuuti ee dhex maray Dowladda TFG-DA ah
iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta.
Culumada ayaa ugu baaqay xoogaga ka soo horjeeda
heshiiska Jabuuti inaysan xalaaleysan dhiiga garabka
heshiiska la galay Dowladda TFG-DA ah iyo waliba cid
kale taasoo ay sheegeen inaysan waafaqsanayn
shareecadda Islaamka hase ahaatee waxay ugu baaqeen
dhamaan qeybaha kala duwan ee xoogaga Mucaaradka
inay u hogaansamaan soo jeedinta xalinta
khilaafkooda ee culumada ka timid.
Waxay sheegeen in xal ku jiro in la xaqiijiyo
bixitaanka ciidamada shisheeye ee kusugan Magaalada
Muqdisho iyo in aysan dalka imaan karin ciidamo kale
oo shisheeye iyagoona sheegay in dalka soomaaliya
lagu dhaqi doono shareecadda Islaamka.
Markab hor leh oo walxaha Kiimikada sida oo gacanta
u galay Kooxaha Burcad badeedka ..
iyo wararkii soomaaliya oo goos goos ah
Nov,28,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Kooxaha Burcad badeedka
Soomaalida ayaa qafaashay Markab hor leh kaasi oo
sida walxaha Kiimikada, xilli uu marayay xeebaha
gacanka cadmeed.
Sida ay qoreen Wakaaladaha wararka Caalamka Kooxaha
Burcad badeedka oo wata doomo dheereeya ayaa
weeraray Markab Kiimiko wata, kaasoo illaa iyo
haatan la shaacin dalka laga leeyahay, hase ahaatee
waxaa saaran Markabkaasi 29-shaqaale oo labo ay u
dhalatay Dalka Ingriiska.
Ciidamada Badda Jarmalka oo roondeynayay Xeebaha
gacanka cadmeed ayaa sheegay in diyaaradahooda
qumaatiga u kaca ay bad baadiyeen saddex ruux oo
iska soo tuuray Markabka markii ay qafaalanayeen.
Kooxaha Burcad badeedka ayaa gaarayay illaa shan
ruux waxaana ay Markabkaas Kiimikada wada ay la
aadeen dhinaca Xeebaha Soomaaliya.Nov,28,2008
Ilaa 17-maraakiib oo ay ku jiraan Markab weyn oo
sida Shidaal oo uu sacuudiga leeyahay iyo Markabka
Ukraine ee Hubka sida ayaa lagu heystaa Xeebaha
Soomaaliya kuwaasi oo madax furasho loo heysto.
Kooxaha Burcad badeedka ee xargaha goosatay ayay
Dowladaha shisheeye ee maraakiibtooda dagaalka ka
jooga Soomaaliya maara u la'yihiin inay wax ka
qabtaan, iyadoona haatan burcad badeedku ay
adeegsanayaan xeelad tii ugu dambeysay.
Dowladda Ethiopia oo qoraal
ku aadan qorshe ay Ciidamadeeda ugala baxeyso
Soomaaliya u gudbiysay Q.M iyo Midowga Afrika.
Nov,28,2008
(Sanca:Saylac.Com)-Dowladda Ethiopia ayaa markii u
horeysay ka dhawaajisay qorshe ah sidii ay
Ciidamadeeda ugala bixi laheyd Soomaaliya, taasoo
qoraal ku aadan ay dhowaan gudbisay Qaramada
Midoobey iyo Midowga Afrika.
Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo ku sugan
Magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegay in
dhamaadka bisha December ay qorsheynayaan sidii ay
Ciidamadooda ugala bixi lahaayeen Soomaaliya.
Meles Zenawi ayaa ku tilmaamay qorshaha uu
Ciidamadiisa ugala baxayo Soomaaliya ay tahay iyagoo
eegaya heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen Dowladda
Federaalka iyo Mucaaradka garabka uu hogaamiyo
Sheekh Shariif, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo
horay loo qaaday.
Ciidamada Ethiopia oo taageeraya Dowladda TFG-da
ayaa dhamaadkii sanadkii 2006-da meesha ka saaray
Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee xilligaas gacanta
ku hayay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Haatan oo ay Labo sano sii caga cageyneyso
joogitaanka Soomaaliya ee Ciidamada Ethiopia ayaa
Ciidamada waxay yihiin kuwo har iyo habeen waajahaya
weeraro ay ku soo qaadeen xoogaga Muqaawamada,
waxaana Dowladda Ethiopia ciidamadeeda ay si rasmi
ah ugu riiqmeen dagaalada ka socda Caasimada
Muqdisho oo ay awood u la'yihiin inay xakameeyaan
ammaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka
oo dhaqaalo xumo awgeed uga soo tagi weysan
Magaalada Nairobi.
Nov,28,2008
(Nairobi:Saylac.Com)-Xildhibaanada Baarlamaanka ee
ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa u
muuqda kuwo ka soo tagi la'a Magaalada Nairobi oo ay
kol hore u tageen shirkii Urur Goboleedka IGAD
halkaas isugu yeeray, iyadoona xilligan
Xildhibaanadu ay heysato xaalado ay ka mid yihiin
dhaqaale la'aan iyo nolo xumo aad u baahsan.
Xildhibaanada oo ah kuwa iska daba wareegaya
Hotelada Magaalada Nairobi ayaa qaarkood laga soo
saaray Hoteladii,waxana la degeen guryaha ijaarkaah
ee ay degan yihiin Soomaalida ku sugan Kenya
Cusmaan Cilmi Boqore oo ah Gudoomiye Kuxigeenka 2aad
ee Golaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay sababaha ay
Xildhibaanada ugu soo tagi weysan yihiin Magaalada
Nairobi dhaqaale daro baahsan oo soo food saartay
xildhibaanada.
Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada qaar aysan heysan
wax qarash ah oo ay isku furdaamiyaan, taasoo usii
dheer tahay buu yiri iyagoo aan laga bixin
qarashaadkii ay ku degenaayeen Hotelada Magaalada
Nairobi ee ay horay ugu balan qaadeen urur
goboleedka IGAD.
Boqore ayaa tilmaamay in sababaha ay ugu xayiran
yihiin magaalada Nairobi Mudanayaasha Baarlamaanka
ay masuuliyadeeda leedahay Urur Goboleedka IGAD
kaasi oo horay u balan qaaday in qarashaadka ku
baxaya diyaaradaha ay ku baxayaan iyo kuwa ay ku soo
laabanayaan iyo weliba Hotelada ay degayaan in ay
bixinayaan IGAD.
Max’ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqisho Somalia
|
|
|