|
|
 |
|
| |
Cismaan Cali caato oo gacanta
u galay ciidamada Alshabaab
May,30,2008
Baydhabo(Saylac.com) Ururka Al-shabaab ayaa sheegay
inay gacanta ku dhigeen Xildhibaan Cismaan Cali
Caato iyo askar farabadan oo la socotey maray
socdaal ku jireen gobolka Shabeeleda Hoose. Mahad
Sadiiq oo saylac.com warkan uga soo diray magaalada
Baydhabo ayaa sheegay inuu isagu telefoon kula
hadlay dhalinyar ka tirsan ururka Al-shabaab isla
markaana ay u xaqiijiyeen inay gacanta ku hayaan
xildhibaan Caato iyo gawaadhi u watey oo dhawra.
Kacdoonka lagaga horjeedo joogitaanka Itooniya ayaa
maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya
magaalooyinka ku xeeran magaalada Madaxda Muqdisho
ayaa dhamaan gacanta ugu jira ciidamada isku dhafan
ee Maxaakiimta Somaaliyeed iyo ururka Al-shabaab.
Arintan qabsashada Xildhibaan Caato ayaa waxay kusoo
beegantey wakhti gabi ahaanba isku socodka gobolada
koonfureed ay noqotey mid halis ah dawlada Cabdilahi
yusufna ayna haba yaraatee awood u lahayn inay ka
socdaasho xaga dhulka iyadoo dariiqyada ay u
fadhiistaan ciidamada kacdoonka dibuxoraynta
soomaaliya.
Mahad Sadiiq
Saylac.com
Baydhabo |
|
|