| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
"Xafladii wanqasha Gobolka Gabiley ee maanta oo ay ka soo qayb galeen madax, culima-udiin iyo waxgarad kale oo ka socda labada gobol ee Awdal iyo Gabiley +   Sawiro
May,25,2008

Gabilay Saylac.com)Wanqashii gobolka Gabiley ayaa maanta si yaable u dhacday ka dib markii la isku arkay ayna ka soo qayb galeen Madax sare, Cuimaa udiin, Aqoon yahano, dhalinyar, ururada Haweenka iyo dadweyne kale oo u dhsahay gobolka cusub ee Gabiley.

Munaasibada Xafladan oo aad loo soo agaasimey ayaa waxa ka soo qayb galay Marwada kobaad ee Jamuuriyada Somaliland Marwo Huda Barkhad Aden ,
Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, labada hogaamiye ee xisbiyada Mucaaradka ee kulmiye iyo Ucid, Wasiiyo iyo xildhibaano kale oo farabadan.

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha JSL Marwo Huda Barkhad Aadan, ka hor intii aanay hadalka bilaabin lagu soo dhaweeyay Caleemo qoyan iyo Mashxarad , ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay , waxana ay hadalkeedii ku bilowday ‘’Waxa maanta sharaf noo ah in aanu idinkala qayb galno , xaflada dabaal daga gobolka gabilay oo aad aanu ugu faraxsanahay , waxa aanu leenahay Mabruuk , waxa anaga sharaf noo ah oo aan idinku mahad naqayaa ilaaha qadaray anaga oo joogna Madaxtooyada in gobolkii Gabilay lagu dhawaaqo , aad iyo aad ayay noo taabanaysaa gaar ahaan , waxaanan leeyahay ilaahay ha ka dhigo gobol khayr qaba , waan hubaa gobolka Gabilay waa gobol is bixinaya , dhinac walba ha ahaato dhinaca Dhaqaalaha dhinaca Beeraha , dhinaca Xoolaha aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay .

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay ‘’Maanta halkan waxa aynu isugu nimid, in aynu hambalyayno oo aynu dhiiri gelino gobolkan cusub ee Gabilay oo mudo dheerna soo halgamayay gobolnimo , waa gobolkii ugu dheeraa ee lagu halgamo inuu noqdo gobolnimo, Maanta waxa farxad ii ah in aan idinkala soo qayb galo farxadan aad maanta ku jirtaan , haddaba maadaama la dajiyay gobollo badan , dabcan gobolladu ha ogaadaan waxa looga baahan yahay , gobol marka la qiimaynayo , waxa lagu qiimeeyaa dadkiisa iyo inta uu xukumo dalkiisa iyo
wax soo saarkiisa , shacabkiisu inta uu leeg yahay , waa saddexda shay ee hadda lagu qiimayn doono gobolladii la dajiyay’’

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘’Siilaanyo’’ , Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo iyaguna u rajeeyey gobolka Gabiley horumar iyo badhaadhe waxayna dadweyhihii daawanayey xaflada u cadeeyeen inay tageersan yihiin magacaabida gobolkan Gabiley isla markaana ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhamaan dadweynaha reer Gabiley .

Gobolkan Gabiley ayaa waxa uu noqon doonao Gobol ay ku bahoobaan Beelo walaalo ah oo isirkoodu ka soo kala jeedo beelaha Baho Samaroon iyo Jibriil Abokor waxaana labada Belood ay heegan u yihiin inay Gobolkooda cusub si wadajir ah ugu gacmo xaytaan si ay wadajir u dhistaan si uu gobolada kale ee dalka ula jaan qaado.

Saylac.com
Gabiley / Gabiley /Somaliland


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com