| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Xubno ka tirdan kooxaha Isbaahaysiga Islaamiga ee wadahadalada u yimid Jabuuti oo si lama filaana uga dhoofay dalka Jabuuti.
Ma.14,2008

Djibouti(Saylac.com) Warkan degdega ah ayaa waxa saylac.com usoo gudbiyey masuuliyiin ka tirsan dawlada Jabuuti ee iyadu marti qaaday wadahadalada nabad raadiska ah ee lagu heshiisiinayo kooxaha isku haya koonfurta dalka Soomaaliya.

Kooxdan maanta ku gacan saydhay kulankii maanta ayaa la sheegay inay si lama filaana uga dhoofeen dalka Jabuuti iyagoo kusii jeeda dalka Eratariya . Wakiilka Gaarka ah ee Jaamacada qaroomaha ka dhaxeysa Mudane Axmed O. Cabdalla ayaa arintan ku tilmaamay inuu aad uga xunyahay waxanu yidhi"Ma ay ahayn wax aanu filayney inay ka baxaan sidii lagu balansanaa in kulanku ilaa inta uu dhamaanayo ayna wax carqalad dhinacna keenin, lakiin waa arin aanu aad uga xumaanay inay ogaysiis la'aan iska dhoofaan xubnaha ka socday kooxda fadhigoodu yahay Asmari.

Dadka siyaasada indha idheeya ee ku sugan madaha shirku ka dhacayo ayaa arinkan qaadacaada kooxdan asmara ku tilmaamay inuu ka danbeeyo Cadaadis weyn oo kaga yimid dawlada Erateriya oo aan ogolayn in dawlada Jabuuti ay faragalin ku samayso hawlaha soomaaliya iska markaana ku qasabtey kooxdani inay iskaga soo baxaan shirka si dhakhso ahna ay usoo galaan Asmara.

Arintan bixitaanka kooxdani ay qaadacday waanwaantii nabada soomaaliya ayaa waxay daba socotaa khilaaf  dhul oo labada Dawladood ee Jabuuuti iyo Erateriya ka dhexeeya, khilaafkaas  oo ay dhawaanahanba isku hayeen iyadoo dawlada Erateriya ay ciidamo soo dhoobtey buuralayda xadka Jabuuti ay la leedahay.
 

wararka shirkan kala soco saylac.com
Osman Hussein
saylac.com/ Djibouti/ Djibouti
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com