Hawlihii dawlada Hoose ee
Borama oo gabi ahaanba joogsaday ka dib markii Duqa
magaaladu u socdaal ku tagey Ingiriiska. + Sawiro
Jun,10,2008
Borama(Saylac.com)-Maayarka Deg/Boorama C/raxmaan
Shide Bile ayaa Mudo Bil ka badan ku Maqan cariga
ingiriiska ka dib markii uu Martiqaad ka helay
Mataanta Boorama, ee magaalada Henleylay ee cariga
Ingiriiska.
Waxa is badal wayni ku dhacay Shaqadii ay Dawlada
Hoose u Qaban Jirtay Bulshada ama adeegyadii kale
Sida Nadaafada iyo Hawlaha laga Fuliyo xafiisyada.
Mar aan shalay Booqday xarunta dawlada Hoose Boorama,
waxan Indhahyaga ku arkay xafiisyo Badan oo xidhan
ilaa kii Gudoomiyaha waxa Dhax meehanaabayay dad
wata faylal oo meel ay la galaan ama Cid u qabata
shaqada kaga Xidhan xafiiska ay u socdeen garan la,
Masuulka kaliya ee aanu ku aragney xafiiska
dawlada hoose ee xafiiskiisu furnaa
Kaliya waxa Furaa inta aan arkay hal xafiis oo uu
dhax fadhiyay madaxa Nadaafada Dowlada Hoose ee Deg/Boorama,
Maxamed Aaden Suldaan, oo Diiday inuu wax waraysiya
Bixiyo oo ku sahabsan Qashinka Tuulan Agagaarka
xarunta Degmada iyo nadaafad darada magaalada waxay
ay wax uga qaban laayihiin.
Sababta uu Uga gaabsaday Maxamed ayaa wuxuu uu ku
macneeyey inay jiraan hawlo uu ku mashquul sanyahay
oo isla Nadaafada ah.
waxan meelo kale Duwan ku arkay qaar ka mida
shaqalaha u Qaybsan Qashin Qaadka Degmada oo karhaya
hawlaha ay hayaan wajigoodana ka muuqato daal iyo
caajis farabadan.

Xafiisyada dawlada hoose oo
gabi ahaanba albaabadu u xidhan yihiin wakhtiyadii
shaqadu ugu mashquulsanayd
Shaqaalaha dawlada hoose ee aanu la kulanay ayaanu
wax ka weydiinay sida shaqadoodu u socoto waxayna
noogu jawaabeen "walaal wariye warayso madaxda ama
kuwa Qashinka mashruuca ka dhigta ee hayadaha wax
kaga Cuna" Dhibta jirtana adiguba indhahaaga waad ku
arkaysaa kala danbayn jirtaana ma jirto haba
yaraatee ama dad xil iska saaraya shaqadooda inay
sidii hore u fuliyaan.
Daafaha magaalada ayaad ku arkaysaa Qashin aad u
yaal waxana lagu Jiraa Xili Roobaad xanuunaduna inta
daban waxay Dilacaan marka qashin meel tuulan roob
Dusha ka Qooyo ma daad maro. Ilaa hadanada cid
arimahan ka hadashay oo dhinaca dawlada hoose ahi ma
jirto. Dhinaca kale haba yaraatee ma jirto Cid u
Ololaynaysa Nadaafada Magaalada haday tahay Dawlad
hoose iyo NGO oo yaba.
Qashinka dhinac walba dariiqyada u dhaafay oo
dadku meel ay ka maraan laayahay
Hadaba maxaa Boorama u diiday Ururo ka hawlgala
Shaqada Qashin Gurka Sida magaalooyinka kale ee
S/Land mise maanay xarumo ku lahayn NGO gobolka ka
hawl gala, oo barnamijoodu yahay wacyi galinta
nadaafada?,
maxaa rakaadiyay Qaybta Ololaha Qasinka U Qaabilsan
dawlada Hoose?. Su' aalaha iyo kuwa kalaba waxaa is
waydiiya Shacabka Boorama.

Cashuuraha ayey dawladu inta badan ahmiyada saartaa
waxaanad subaxa hore ku maqlaysaa dariiqyada
magaalada Cod Dheer Maqlo baabuur dariiqa socota oo
leh Cida Bixin wayda Canshuurtii ama keeni wayda
waxaa lala tiigsan danoo Sharciga u yaala canshuur
diidka, Lakiin cidina wali isma weydiin waa maxay
sababta cashuurta loo qaadayaa ama dawladu dadka u
weydiinaysaa inay cashuurta dhibaan mar hadii aanay
jirin qashinka oo ugu yar in laga nadiifiyo
magaalada.

Gawaadhida dawlada hoose ooo
hogan geedaha xafiisyada dawlada hoose iyo ey ku
hoos nool oo hadhsanaysa gawaadhida
Ururada Wadani ah ee Magaalada ayaa gabi ahaanba
iska indho tira hawlaha daruurigaa ah ee magaaladu u
baahan tahay oo uu ugu horeeyo kan nadaafadu iyadoo
badanaa ay ku daalaan hawlo kale oo ay ka mid yihiin
: dhawrida degaanka iyo dhirta, Aqoon isweydaarsi
cudurada Faafa sida Aidska, iyo mashaariic kale oo
ay haboonayd in marka qashinka magaalada laga
nadiifiyo la qabto.
Sidee Loo dareemayaa maq-naanshaha, Maayarkii
Degmada, waxay ka muuqataa Shaqaalaha Dowlada Hoose
oo Noqday caruur hooyadood ka maqan tahay oo Dharkii
wax ka badala waayay wajigoodana murugo ka muuqato,
sidaa waxa saylac.com Saaka U sheegay Nin Magaciisa
ka gaabsaday oo Fayl la horjoogay xafiis uu Dan
kalahaa.
Si kastaba arini ha ahaatee dadka shaqaalaha ah ee
dawlada hoose iyo dadweynaha magaalada ku dhaqan
idinkoodba waxaad ka dareemaysaa inay sugayaan soo
noqoshada Meeyarka Boorama oo runtii ahaa nin karti
leh horjoogiisana dadku ay ku hawl gali jireen
lakiin aan la hubin wakhti iyo goorta uu soo
cagadhigi doono magaalada .
ayaa canaanta kobaad iska leh
maxaadse ku talin lahayd in la yeelo kusoo dir
rayigaaga saylacnews@yahoo.com
Dahir Axmed Jirde
Salyac.com
Borama/ Somaliland
|