|
|
 |
|
| |
Darawalkii wasiirka gaadiidka
cirka iyo dhulka oo Askari ka tirsan ciidamada
Booliska DF uu ku toogtay isgoyska Zoope ee degmada
Wadajir
Jun,04,2008
(Muqdisho:Saylac.com)Askari ka tirsan ciidanka
Booliska Dowladda federalka Somalia ayaa
Duhurnimadii maanta ku dilay agagaarka isgoyska
Zoope oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka
Banaadir darawalkii wasiirka gaadiidka cirka iyo
dhulka ee DF Maxamed Ibraahim Xaabsade ka dib markii
uu toogtay askari kale oo ka tirsanaa isla ciidamada
Booliska oo halkaasi ku sugnaa sida dad goob
joogayaal ahi xaqiijiyeen.
Dilkan uu askarigan ka tirsan ciidamada Booliska u
geystay ninkaasi darawalka ahaa ayaa ka dambeeyey ka
dib markii ninkan darawalka uu diiday inuu soo
wareejiyo Bastoolad uu sitay oo ka soo dhacday xili
uu ka sii kacayey goob lagu shaaho oo halkaasi ku
taala , taasoo keentay inuu ka shakiyo askarigaasi
isla markaana uu si deg deg ah goobtii ugu toogto.
Dilkaasi ayaa khal-khal geliyey muddo kooban xaalada
isgoyskaasi oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka
badan magaalada Muqdisho, iyadoo askarigii ka
tirsanaa ciidanka Booliska ee ninkaasi toogtayna uu
goobta ka dhaqaaqay isagoo horeyna u qaatay
Bastooladii uu sitay ninkaasi darawalka ahaa ee uu
dilay, mana jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo
baxay Maxamed Ibraahin Xaabsade wasiirka gaadiidka
ee DF oo ninkaasi la dilay darawal u ahaa.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia.
Xildhibaanno ka tirsan
Baarlamaanka DFKMG oo cambaareeyay saddexda mas'uul
ee Dowladda ugu sarreeya.
Jun,04,2008
(Baydhabo:Saylac.com) - Mudanayaasha Baarlamaanka
Somalia ayaa waxay eedeyn kulul dusha uga tuureen
mas'uuliyiinta dalka ugu sarreysa, iyagoo ku
tilmaamay inay xagaldaacinayaan howlaha dalka oo
dhan.
Xildhibaannadaan ayaa waxay sheegeen in madaxda
dalka ay mas'uul ka yihiin waxa dhacaya ayna
difaacayaan beelahooda oo qura, taasina ay keentay
inay ka hadlaan ayna eedeeyaan.
Mudane Maye oo ka tirsan baarlamaanka ayaa u sheegay
wafidiyeenka in qorshayaan ay uga gol leeyihiin inay
ku dareensiiyaan Madaxda Dowladda inay xagaldaaco ku
hayaan howlaha dalka.
"Annaga ka baarlamaan ahaan aad ayaan u
ceebeysannahay waayo waxay madaxda dalku sheegaan in
wax walba oo ay falayaan ay ka yimaadaan dhanka
baarlamaanka, annaguna waxaan eedeynaynaa
guddoomiyaheenna" ayuu yiri Maye oo intaas ku daray
inay u wacayaan madaxda DFKMG.
Xubnaha DFKMG, ayna weydiinayaan su'aalo ku saabsan
howlahooda sida uu Maye sheegay, waxaana markaas
kaddib ay qaadan doonaan baarlamaanku go'aanno dhab
ah oo ku aaddan eedeynta ay jeediyeen.
Maanta ayaa lagu wadaa in Baarlamaanku uu kulan
yeesho, iyadoo aan la garanayn in kulankaan uu noqon
doono mid ay kaga hadlaan arrintaan iyo in kale,
waxaase mudanayaashaan ay wacad ku mareen inay la
xisaabtamayaan madaxda DFKMG ah.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia.
----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Dowladda Kenya oo soo dhoobtay
xuduudda ay la wadaagaan Soomaali ciidamo badan
kaddib markii...
Jun,04,2008
(Dhoobley:Saylac.com) - Xukuumadda Kenya ayaa waxay
saakay ciidamo fara badan soo dhoobeen xadka ay la
wadaagaan Somalia, iyagoo damacsan inay soo furtaan
gaari laga dhacay deegaan ka tirsan deegaanka Liboya
ee dalka Kenya.
Saraakiisha maamulka waqooyiga Bari ee Kenya ayaa
waxay ku hanjabeen shalay inay gudaha u soo gelin
doonaan ciidamadooda haddii aan si dhaqso badan dib
loogu soo celin gaarigii iyo hubkii ay ka dhaceen
kooxo Somalia ah.
Arrintaan ayaa waxay keentay inay odayaasha
deegaanka Dhoobley iyo saraakiisha Liboya ee dalka
Kenya ay kulammo ka qaataan arrintaan soo
cusboonaatay, waxaana odayaasha Dhoobley ay sheegeen
inaysan wax gacan ah ku hayn kooxdaas, balse haddii
ay helaan ay u gudbin doonaan ciidamada dalka Kenya.
Kooxo hubeysan oo Somali ah ayaa u tallaabay laba
casho ka hor dalka Kenya kuwasoo weeraray saldhig ku
yaalla deegaan lagu magacaabo Dhadhajabuura,
halkaasna ku dhaaacay askari, maxaabiisna furtay
sidoo kalena soo dhacay gaari ay ciidamadu leeyihiin
qaatayna hub badan oo ay lahaayeen Ciidamada Kenya.
Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya
ayaa ku hanjabay inay ciidamadoodu xoog ku soo furan
doonaan gaarigaas, waxayna ku eedeeyeen arrintaas
dadka deegaanka Dhoobley.
Dableyda falkaas geysatay ayaan la garanayn meel ay
gaariga la aaadeen, mana jirto cid sheegi karta
halka ay ka yimaadeen iyo dhinaca ay ka tirsan
yihiin, waxaase la xusay inay gaariga weli gacanta
ku hayaan.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia.
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Kooxo hubeysan oo ku dilay
Muqdisho laba askari iyo qof rayid ah, kaddib weerar
ay ku qaadeen saakay
Jun,04,2008
(Muqdisho:Saylac.Com) - Kooxo hubeysan oo la
rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kuwa kacdoonka
ka wada Somalia ayaa saakay ku weeraray deegaanka
Tabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley ciidamo ka
tirsan Booliiska degmadaasi.
Labadii askari ee la weeraray iyo qof rayid ah ayaa
ku dhintay goobta iyadoo sidoo kalena uu ka
dhaawacmay kooxaha weerarka geystay hal qof oo ay
horay u qaateen, inkastoo dhaawaca inta uu le'eg
yahay aan la sheegin.
Goobjoogayaal ayaa waxay xaqiijiyeen in weerarkaas
uu ahaa mid qorsheysan ayna xalaadda ka dhigtay mid
aad u kacsan muddo waxaana xiramay gabi ahaan
ganacsiga deegaanka uu falkaan ka dhacay.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxay xuseen in
labadii askari maydkooda uu weli yaallo halkii lagu
dilay, ayna ka baqayaan in halkaas ay soo gaaraan
ciidamo baaritanano sameeyay oo dadka qabqabanaya.
Deegaanka Tabakaayo Madow ayaa dhowr jeer oo hore
lagu dilay askar ka tirsan ciidamada degmadaas
iyadoo taasi ay keentay in dad kale si xun loogu
dilo halkaas, waxaana falkaan uu daba socdaan
weerarro isdaba-joog ah oo lagu qaaday saldhigga
degmadaas oo ay ka guureen ciidamadii ku jiray.
Weli waxaa socda boobka lagu hayo saldhigga Galbeed
oo ay ka guureen ciidamadii ku jiray, waxaana tani
ay qayb ka tahay dagaallada lagu hayo ciidamada
DFKMG ah ee ku sugan Somalia.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia.
|
|
|