|
|
 |
|
| |
Gaadiid Ambulance ah oo loogu tala galay in lagu
qaado Dadka ku dhaawacma dagaalada Muqdisho oo
maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.Dec,02,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Gaadiid Ambulance ah oo
gaarayay illaa 5-gaari oo loogu tala galay gurmadka
deg deg ah isla markana shacabka Soomaaliyeed ay ku
deeqeen shirkada Isgaasiinta Nation Link iyo shirkad
Caalami ah oo lagu magacaabo Life line Africa ayaa
maanta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu soo
bandhigay.
Gaadiidkani oo ahaa Mid si weyn ay ugu Farxeen dadka
Reer Muqdisho oo marki hore ku dhib qabay gaarigada
Goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho xiliyada
dhaawacyada ay ka soo gaaraan dagaalada ayaa waxaa
uu ahaa mid ay soo bandhigeen masuuliyiinta shirkada
Isgaasiinta Nation Link oo ka mid ah shirkadaha
Isgaasiinta ee ka howl gala Dalka Soomaaliya iyo
Shirkada Life Line Africa waxaana ay maanta daboolka
ka qaadeen in shacabka Soomaaliyeed ay ugu tala
galaneen.
 
Goobta Gaadiidkani Ascaafka ah lagu soo bandhigay oo
aheeyn Xarunta shirkada Isgaarsinta Nation link ayaa
waxaa ka soo qeyb qaleen qaar ka mid ah dhaqaatiirta
Caafimaadka ee ka howl gala cusbitaalada magaalada
Muqdisho Wax garad Soomaaliyeed,golaha dhaqanka iyo
midnimada Beelaha Hawiye iyo ganacsato ayaa waxaa ay
dhamaanatooda ka mideysnaanyee in gaadiidkani lagu
soo beegay xili Baahi Weyn loo qabay Gaarida
Cusbitaalada magalada oo dadka ku dhawacma Dagaalada
ay dhiig Bax ugu dhiman jireen inta dhex la sii wado.

Rufaaci Max'ed Salaad oo ah madaxa hay'ada Lifeline
Africa ee Soomaaliya oo ah hayad ay iska kaashadeen
shirkadda isgaarsiinta Nation link gawaaridaan
Ambulance-ta ah ayaa waxaa uu sheegay in hadafka
gawaaridan ay tahay in wax loogu qabato shacabka
reer Muqdisho ee waxyeeldu ka soo garto dagalada ka
dhac magaalada Muqdisho.
Daahir Max'ed Max'uud (Daahir Dheere) oo ah
Agaasimaha Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho
oo munaasibadasi ka hadlay ayaa sheegay in howshani
ay tahay mid aad u haboon isla markana wax weyn ka
tareeysa baahida Shacabka Reer Muqdisho ay u qabeen
gaarida Goobaha Caafimaad ee magaalada Xiliyada
dagaalada ay socdaan maadama buu yiri Gaadidka Bl-ka
ah la xareeyo xiliyada dagaalada ayna adagtahay in
qof dhaawac halis ah qaba la gaarsiiyo Cusbitaalada.

Dhawaana ayey aheeyd markii gari bas ah nuucani
Ambulance-ta ah oo laagu tala galay in lagu qaado
dadka waxyeeladu ay ka soo gaarto dagalada ka dhaca
Magaalada Muqdisho la gudoonsiiyay golaha shacabka
Soomaaliyeed Masuuliyiin Mataleeysay oo ay ka mid
ahaayeen Abwaano Caan ka ah Dalka Soomaaliya.
Maamulka cusub ee Gobolka
Banaadir oo sheegay inay wadahadalo la furayaan
mucaaradka..Dec,02,2008
..(Muqdisho:Saylac.Com)- Guddoomiye ku xigeenka
koowaad ee maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax
Shaaweeye oo saxaafada cod siiyay ayaa sheegay in
talaabada ugu horreysa ee ay qaadayaan ay tahay inay
la hadlaan mucaaradka dagaalada xoogan kala soo hora
jeeda dowlada Embight iyo ciidamada shisheeye ee
garabka Siiya.
Shaaweeye wuxuu sheegay in dadaal xoogan ay u
galayaan sidii ay kula kulmi lahaayeen dhinacyada
mucaaradka ah ee dagaalada ka wada Muqdisho, si
nabad loogu soo dabaalo caasimada.
"Qof walba oo reer Muqdisho ah waxaan ugu baaqaynaa
inay ka shaqeyso nabada, dhalinyarada dagalaada ku
jira waxaan u sheegaynaa inay badbaadiyaan
walaalahooda Soomaaliyeed" ayuu yiri C/fitaax
Shaaweeye.
Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa dhawaan
looga dhawaaqay guriga Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
kaddib daroosho ay sameeyeen guddi 69-xubnood ah oo
loo doortay inay noqdaan golaha baarlamaanka gobolka
Banaadir.
Guddoomiyaha Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir
Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) oo la hadlay isna
saxaafada markii la doortay ayaa sheegay inay
howshooda ugu weyn ee ay qaban doonaan ay noqon
doonto soo celinta dadkii barokacay deegaanadooda.
Dhagaxtuur ayaa sidoo kale sheegay inay dayactiro ku
sameyn doonaan wadooyinka burbursan, isla markaana
ay la hadlayaan cid walba oo ay ka go'do nabada
Gobolka Banaadir.
Ma jirto hadal kasoo baxay dhanka mucaaradka, kaasoo
ku aadan inay la kulamayaan maamulka Gobolka
Banaadir, si looga wadashaqeeyo amaanka guud ee
caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Maxkamadaha Islaamiga oo
howlgallo ka bilaabay gudaha Baydhabo,Hoyga Cusmaan
Caato oo la weeraray. ..Dec,02,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)- Xoogaga Midowga Maxkamadaha
Islaamiga ah ayaa howlgallo ka bilaabay marki ugu
horeysay gudaha magaalada Baydhabo,waxaana ay xalay
weeraro hubeysan ku qaadeen guryo ay degan yihiin
Mudanayaal katirsan Baarlamanka dowladda Embight.
Magaalada Baydhabo ayaa xalay waxaa ka dhacay weerar
uu ku naf waayay mid kamid ah ilaaladi mudane lagu
magacaabo Cabdi Awaare, waxana sidoo kale weerarka
uu saameyn ku yeeshay hooyga Gudoomiye kuxigeenka
koowaad ee Baarlamanka iyo Xildhibaan Cusmaan Xasan
Cali (Cusmaan Caato).
Mid kamid ah saraakiisha Maxkamadaha ee dagaalkaasi
hogaamineysay ayaa sheegtay in ay guulo ka gaareen
weeraradooda isla markana ay khasaare soo
gaarsiiyeen dhismaha gurayaha ay degan yihiin
Xildhiubaanada.
Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaan hore uga howlgali
jirin gudaha magaalada Baydhabo,waxana ay dhawaan
ulasoo wareegeen deegaanka Daynuunaay oo ku yaalla
duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Weeraro Culus oo xalay gil gilay qeybo kamid ah
magaalada Muqdisho.Dec,02,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Weeraro Culus oo la isku
adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa xalay
ka dhacay magaalada Muqdisho,waxana mid kamid ah
weeraradaasi lagu bartilmaameedsaday Ciidamada
Burundi ee ku sugan Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad.
Dadka deeganadaasi ku dhaqan ayaa sheegay in ay
maqlayeen xalay dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta
nuucyadeeda kala duwan kuwaasi oo si adag dagaalka
la isugu weedaarsanayay,laakin lama sheegi karo
khasaaraha ka dhashay dagaalkasi.
Ma jiro wax afhayeen ah oo u hadlay Ciidamada
Burundi oo ka hadlay weerarkaasi,hayeeshee xoogaga
Al-Shabaab oo masuuliyadda weerarkaasi sheegtay ayaa
cadeeyay in ay waxyeello ba'an u geysteen Ciidamada
halkaasi ku sugan.
Dhinaca kale weerar kaasi lamid ah ayaa isna ka
dhacay xalay Xarunta Waaxda Socdaalka ee ku dhaw
garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee
Muqdisho,halkaasi oo ay kooxo hubeysan ku beegsadeen
qoryaha Culus ee garabka laga tuuro.
Weeraradaasi ayaa waxa ay kusoo beegmayaan xilli
mudooyinkii u danbeeyay ay deganeyd xaaladda
magaalada Muqdisho isla markaana aysan jirin wax
dhaq dhaqaaq ah oo ay sameynayeen ciidamada
shisheeyaha ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
-------------------------------------------------------------------- |
|
|