| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Ururka Hal-abuurada soomaaliyeed ee loo yaqaano PEN oo Carwo Buugeed ku qabtay Maanta Dalka Jibouti ..Dec,20,2008
Djibouti(saylac.com) Ururka Hal-abuurka soomaaliyeed ee loo yaqaano PEN oo ayaa maanta soo bandhig buug sugaanta
soomaalida ah kusoo bandhigay magaalada Jabuuti. Bandhigan maanta oo ka dhacay guriga Umada Jabuuti ayaa awxa ka soo qayb
galay Madax sare oo ka socota xukumada Jabuuti, waxgarad, suxufiyiin iyo dadweyne kale oo lagu marti qaaday ka soo qayb
galka bandhig faneedka Buugta af soomaaliga ku qoran.

Abwaan Cabdilahi Xasan Feedho-geele oo ah abwaan weyn oo reer jabuuti ah ayaa ku soo bandhigay gabayo tilmaamaya ahmiyada
qoraalka afka hooyo lagu qoraa i uu sugaanta iyo cilmiga kaleba u leeyahay.Masuuliyiinta madaasha maanta lagu soo bandhigay
Buugta ka hadashay waxa ka mid ahaa Xaashi Cabdilahi Orax oo matalayey duqayda ururla Somali PEN oo isna hadal dheer oo ku
saabsan sidii ururkan loo asaasay iyo heerka uu maanta marayaba ka soo jeediyey carwada.

Qoraaga reer Jabuuti ee caanka ah Maxamed Afrax oo hada ah gudoomiyaha ururka Somali PEN ayaa isaguna ka hadlay munaasibadan
lagu soo bandhigay Buugta isla markaana aad amaan gaar ah u jeediyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele
oo suurto galiyey carwadan iyo waliba isagoo madaxweyne Geele uu inta badan xil gaar ah iska saaro horumarinta Suugaanta
soomaalida .

Munaasibadan maanta ayaa masuuliyiinti ka kala hadashay waxay isla meel dhigeen in la dhawro koboca qoraalka Buugta iyo
faafinta ahmiyada ay leedahay Buugta lagu qoro afsoomaaligu.Waxa kale oo la isla meel dhigay in gaar ahaan dalka Jabuuti oo
hada ka hor afka faransiiska waxa lagu baran jiray wax laga bedelo iskuulaadka in lagu daro afka soomaaliga in wax lagu dhigo
iyo arimo kale

Gabagabadii kulankan lagu soo bandhigay Buugta jabuuti ayaa waxa ka hadlay soona afxidhay Gudoomiyaha ururka Somali PEN
Maxamed Dahir Afrax oo sheegay in qalinku aanu eed marnaba lahayn ee qofka wax ku qoraa i uu leeyahay xumaan iyo samaan midki
lagu qoro.

Hussein Osman
Saylac.com
Djibouti- Djibouti


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com