|
|
 |
|
| |
Waa maxay khilaafka ka
dhexeeya Cabdilahi Yusuf iyo Baarlamaanka baydhabo.+
Sawiro.Dec,17,2008
Baydhabo(Saylac.com) Xiisada khilaaf ee dhex taala
baarlamaanka Baydhabo iyo Cabdilahi Yusuf ayaa
maanta gashay heer farta la isku fiiqo iyadoo
aflagaado iyo cay ay is weydaarsanayaan xubno kala
taageersan Cabdilahi Yusuf iyo Ra'iisul wasaare Nuur
Cade. Khilaafka maanta ayaa waxa uu ka dhashay ka
dib markii uu Wasiirka dibu heshiisiinta Dawlada
Cabdulahi Yusuf Cabdiwaaxid Cilmi Xasan uu
baarlamaanka ka hor aqriyey qodobadii heshiiska
Jabuuti oo si cad ay ugu xusnayd inay ciidamada
Itoobiya si dhakhsiyo ah uga baxaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa gabagabadii aqrinta qodobada heshiiska
Jabuuti, wuxuu baarlamaanka ka codsaday inay
ansixiyaan codna loo qaado sidii qodobadani u ansixi
lahaayeen dawladana looga dhaadhicin lahaa inay u
hogaansato inay ciidamada Itoobiya dalka ka baxaan
sida ugu dhakhsiyo badan. Arinkan ayaa waxa ka
cadhooday xubno ka tirsan baarlamaanka ee asalkoodu
ka soo jeedo ismaamulka Puntland oo ku tilmaamay in
dib loo dhigo qodobadan iyo wixii ku qoran iyagoo
sabab uga dhigay inay ansixin kale oo dhacda maantu
ay keeni karto khilaafka dawlada iyo Baarlaanka oo
sii kordha.
Gudoomiyaha baarlamaanka Baydhabo Sheekh Aden
Madoobe ayaa sheegay inaan tiro yar oo baarlamaanka
ka tirsan loo baajin karin isla markaana ku baaqay
in loo codeeyo qodobadan lagu heshiiyey Jabuuti.
Kulankan ayaa waxa goobjoog maanta ka ahaa xunbo
tiradoodu dhan tahay 154 xildhibaan iyo dabcan
gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aden Madoobe sidaa
ayuuna ku taabo galay laguna ansixiyey aqlabiyad
buuxsda qodobadii lagu gaadhay Jabuuti.
Xildhibaano tiro yar oo kasoo jeeda Puntland ayaa
aad uga cadhooday ansixinta qodobadan lagu gaadhay
Jabuuti waxayna ku tilmaameen in ansixintani salka
ku hayso qabiil iyagoo ula jeeda xildhibaanada
Baarlamaanka oo u badan qabiilka Hawiyaha oo iyagu
si buuxda uga horjeeda siyaasada Cabdilahi Yusuf.
Khilaafkan ayaa waxa uu tusaale kale u noqon karaa
kala fogaanshaha maalin laha ah ee ka dhex socda
Puntland iyo Muqdisho.
Saylac.com
Baydhabo - Somaliya |
|
|