|
|
 |
|
| |
Ismaamulka
Puntland oo dawlada Itoobiya ugu baaqay inay
Al-shabaab ka dufaacdo inay xoog kusoo galaan
ismaamulka Puntland..Dec,11,2008
Garowe(Saylac.com) Shir albaabadu u xidhan yihiin oo
ay yeesheen dawlada Itoobiya iyo ismaamul goboleedka
Puntland ayaa sadexdii casho ee inaga tagay ka
socday magaalada Garoowe, heshiiskan ayaa sida warar
lagu kalsoon yahay shegeen lagaga wada hadlayey
sidii saldhigyo ciidanka Itoobiya ay uga samaysan
lahaayeen xuduuda Puntland ay la wadaagto koonfurta
soomaaliya.
Xoogaga Al-shabaab ayaa labadii usbuuc ee inaga
tagay kusoo ruqaansaday gobolada badhtamaha
soomaaliya oo horey gacanta ugu jiray ciidamada
Itoobiya .
Is balaadhsiga ay wadaan xoogaga Al-shabaab ayaa
waxa cabasho weyn ka soo jeediyey Isbaahaysiga
maxakamada Soomaaliya oo sheegay inayna u dul qaadan
doonin dhul ay horey u maamuli jireen maxaakiimtu
inay gacanta u galaan xoogaga Al-shabaab, lakiin
dhinaca Alshaab markaad eegto ayaa waxa kuu
cadaanaya inayna xoogaga Alshabaab cidna dheg u
dhigayn isbalaarinta ay wadaanina ay tahay mid ka
go'an oo ay u damacsan yihiin inay gabi ahaanba
goboladda koonfureen gacanta ku dhigeen .
Walaac weyn oo amaan daro ayaa la soo darsey
dadweyneha soomaaliyeed ee u dhaqan gobolada
Galgaduud iyo Mudug walaacan oo dhashay bilihii
inaga soo dhaafay ka dib markii ciidamada Itoobiya
fadhiisimo inay ka samaystaan labadan gobol ay
dawlada Puntland si rasmi ah u ogolaatey.
Maxamed Yasin Osman oo ah ganacsade degan magaalada
Garowe ayaa saylac.com u sheegay inuu damacsan yahay
inuu ganacsigiisa u wareejiyo dhanka gobolka Bari ee
Boosaaso. sababtana waxa uu yidhi waa walaac aanu ka
qabno amaanka kasii daraya ee gobolka.
Siciid Axmed ( siciid ingineere)
Saylac.com- Beledweyn- Somalia
|
|
|