| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Buuq   shiid oo ka dhashay barnaamij  wacyigalinta ka hortaga Kaneecada oo ay Dhalinyaro ka socotey Magaalada Hargeysa ka fuliyeen Magaalada Boorama..April,21,2008

Borama(Saylac.com) Kooxo dhalinyara ah ayaa shalay shiid hadhka kaga dhigay koox dhalinyaro ah oo ka socotay ururka dhalinyarada Havoyoco ee fadhigoodu yahay magaalada hargeysa oo socdaal gaaban ku soo gaadhay magaalada Boorama. Kooxdan dhalinyarada ah ayaa waxa u socdeen barnaamij wacyigalin ah oo ay ka soo bandhigeen Masraxa Riwaayadaha ee Magaalada Boorama. Kulankan oo ay saylac.com goobjoog ka ahayd ayaa waxa si lama filaan ah u bilawday shiid ay dhalinyaro badan oo masraxa daawasho u yimid ay la beegsadeed kooxda reer Hargeysa ee barnaamijka waday.


Falkan shiidka ah ayaa waxa uu ka bilawday ka dib markii ay kooxda soo bandhigeysay barnaamijka ka hortaga kaneecada ee reer hargeysa ay dhalinyartii daawanaysey barnaamijka u daadiyeen garamaan iyo nacnac farabadan oo buuq ka dhashay isla markaana shiid iyo buuq ku danbaysey .

Shalay waxa ka dhacay meesha maaha wax la odhan karo waa la so abaabulay dadkii daawanayay Barnaamijka ee Dhalinyarada ahaa ayay ahayaayeen waxa shiidka sameeyey.

Tuugna meel walba wuu joogaa oo jaanis ayuu sugayaa, sidaa waxa maanta saylac.com, u sheegay Siyaad Barkhad Rayaale oo ka mida dhalinyarada ay Havoyoco wax bartay oo shalay goob jog ka ahaa waxii dhacay.

Dhalinyarada Ciyaartoyda Gobolka Awdal ayaa iyagu falkan ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga isla markaana raali galin buuxda ka bixiyey una gudbiyey ururka dhalinyarada shiidku ku dhacay ee ka timi Hargeysa.

Masraxa Riwaayadaha lagu dhigo ee Magaalada Boorama ayaa waxa caado u ah in marka Riwaayad lagu dhigayo ay dhalinyartu shiido iyagoon wax ujeedo ah oo ka danbaysaayi ayna jirin

Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama/ Somaliland


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com