| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Wariyaha jamhuuriya  iyo Boramanews Wariye  Habane oo la xidhay maanta kuna xidhan saldhiga Galbeed ee Boorama.
April.15,2008

Borama(Saylac.com)Wariye Cabdiraxman Habane ayaa Waxaa la qabtay ku dhawaad kowdii Duhurnimo saacada Boorama ,"waxaanu u sheegnay wariyaha in waaran aan wadano lagana rabo maxkamada Degmada Boorama, waasi uu diiday iyo i tusa ayuu nagu yidhi Xoog ayaanu ku soo ka xaynay sidaa waxaa yidhi nin ka mida booliskii wariye habane maanta suuqa ka ka xeeyay ee Xidhay oo lagu magacaabo jamle".

Intaa wuxuu ku daray, "waxaa loo haystaa dhowr kiis waxanan ugu sii daray mid amar diida ah oo (505 ah). sidaa waxaa saylac.com u sheegay masuul ka tisan Booliska, oo saldhiga joogay.

Taliyaha saldhiga Boliska, Muuse Kaadhiin ayay saylac wax ka waydiisay sababta loo xidhay wariyaha waxaanu taliyuhu ku jawaabay :waxaa loo haystaa kiisas badan intaa inii dhaafin maayo qoladiina saxaadaduna xadkii waad dhaafteen".

Saylac.com waxay arinka Xadhiga habane wax ka waydiisay oo kale taliyaha C.I.D. Gobolka Daahir bulaale oo si cad u sheegay inuu hore u yaalay Kiis wariyaha u yaalay oo ah shaqsi Ataag.
Taliyaha C.I D ee Degmada Boorama Dahir Bulaale ayaa waxa kale oo uu saylac.com u xaqiijiyey inaanu kiisas kale oo intaa dhaafsan isagu aanu ka warhayn.

Taliyaha C.I.D ayaa saylac.com waxa kale oo uu u cadeeyey inuu kiiskani lug ku leeyahay qoraalo uu wariye Habane ka qoray Cusbitaalka Boorama bilihii inaga tagey isla markaana u gudbiye saxaafada Gobolka iyo kuwa kale ee soomaalilandba.

Cisa soo dacwaysey wariye habane ayey saylac.com mar kale waydiisey Saraakiil ka tirsan Booliska Magaalada Boorama waxayna dhamaantood ka gaabsadeen inay wax faahfaahina ka dhibaan arinkaas.



Saylac.com waxa u suura gashay inay wariye habane markii la sii waday aan kula hadlay telefanka waxa lagu xidhayana aan wax ka waydiiyay nooma aanu sheegay in kiis uu yahay maxkamada Degmada ah oo ka baxsan isaga una taala Odayaal.
waa arin walaal kay iyo Cida kale ka dhaxeeyey wax kalaa malaha ku hoos jiree waay kala cadaan doontaa.
hadaba wararka aan ka helayno dhinacyo kala Duwan ayaa sheegaya in ay jiraan kiisas kale oo wariayaha lagu haystay wax yaalo horay uu u qoray.

Dhiinaca kale Agaasimaha Cusbitaalka mar aan la xidhiidhnay Dr. ismaaciil. inaan wax ka waydiino wax luga maku leeyahay xadhiga wariyaha ayaa noo suura gali wayday xaga is gaadhsiinta wax cabsi ah oo xaga Agaasimaha laga qabana ma jirto oo horaa khilaafka Agaasimaha iy wariyaha loo dhameeyey maal mahana wariyhuhu si xora ayuu hawlihiisa u watay.

wixii intaa ka soo Kordhana waxaan balan qaadaynaa inaan inii soo tabino.

Dahir Axmed

Saylac.com Borama/ Somaliland


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com