| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Wararka Soomaaliya ee Maanta hoos u soco si aad u wada akhrisatid


Xaalada Magaalada B/weyn oo kacsan iyo dadweyne ka careysan dilkii Nabadoon Dacar oo ku qamaamay Xarumaha Ciidamada Maxkamadaha Oct,07,2008
(Baladweyne:Saylac.Com)-Xaalada Magaalada B/weyn ee Gobolka Hiiraan ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona dad weyne fara badan oo ka careysan dilka Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow ay isugu soo baxeen Gudaha Magaalada B/weyn.

Dadweynahan ayaa isugu jiray dhalinyaro, caruur iyo haween, kuwaasi oo ku qamaamay Xarumaha Xoogaga Maxkamadaha ka degan yihiin Magaalada B/weyn, iyagoona dhagxaan la dhacayay.

Xoogaga Maxkamadaha ayaa adeegsanayay Rasaas ay cirka u ridayeen taasoo u muuqatay mid ay ku kala eryayeen, waxaana guud ahaan Magaalada tahay mid aad u kacsan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay Magaalada isaga baxeen Ciidamada Maxkamadaha, waxaana ujeedka ka bixitaankooda lagu sheegay mid ay ku xasilinayaan xaalada Magaalada oo dadweynuhu ay yihiin kuwo kacay.

Lama oga sida ay xaaladu ku dambeyn doonto, iyadoona wali aan la aasin Meydka Marxuum Dacar Xirsi Xooshow oo Niman Hubeysan ay ku dileen duhurnimadii maanta bartamaha Magaalada B/weyn.

Maxkamadaha Islaamiga ayaa war ay maanta ka soo saareen magaalada Baladweyne ku cabaareeyay dilkii duhurkii maanta loogu geystay Gudoomiyihii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Xaaji Dacar Xirsi Xooshow isla markana waxaa ay dilkaasi ku tilmaameen mid Fool xun.

Nabadoonka ayaa sanadkii 2002-dii loo doortay inuu hogaamiyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan wuxuuna tan iyo xilligaas u taagnaa wax u qabashada dadka reer Hiiraan, wuxuuna qeyb weyn ka qaadanayay amaan ku soo dabaalida Gobolka Hiiraan.

Allaha u naxariistee Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow ayaa kulamo uu kula qaadan jiray Magaalada B/weyn Ciidamadii Ethiopianka kuwaasi oo uu kala hadli jiray arrimaha amaanka iyo sidii ay u faarujin lahaayeen Fariisimaha ay kaga sugnaayeen Magaalada B/weyn.



Ciidamada dowlada Embegati oo howlgalo dad lagu dilay ka filiyay xaafado ka mid ah degmooyinka Waaberi iyo Wadajir ee gobolka Banaadir kadib weerar xalay lagu qaaday fariisin ay deganaayeen.Oct,07,2008

(Mudisho:Saylac.Com)-Ciidamada dowlada TFG-da ayaa howlgalo dad lagu dilay ka filiyay xaafado ka mid ah degmooyinka Waaberi iyo Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalkani ay sameeyeen Ciidamadani booliiska dowlada TFG-da ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia ee fariisinkana ku leh wadada Dheere ee isku xirta garoonka diyaaradaha aadan Cadde International iyo Isgooyska KMG 4 ee magalada Muqdisho ayaa howlgal dad lagu dilay dadna lagu qabtay ka fuliyay Qeybo ka mid ah degmooyinka Waaberi iyo Wadajir ee gobolka Banaadir.

Askarta dowlada TFG-da ayaa si bareer ah u toogtay illaa iyo 3-qof oo uu ku jiro nin dhaqtar ah oo si weyn looga yaqaanay xaafada buulo Xuubeey ee degmada Wadajir waxana ay ciidamada Qabqabteen dad farabadan oo qaarkood la sheegay in ay dib u sii daayeen halka qaar kale ay wateen.



Ciidamada ayaa waxaa ay dhawacyo kala duwan u geysteen dad fara badan oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku jira xerada Buulo tikniko ee degmada Waberi ee gobolka Banaadir.Oct,07,2008

Xiliga ay ciidmaada Howlgalada ku jireen ayaa waxaa xirnaa isku socodka dadka, gaadiidka iyo Ganacsiga wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo Isgooyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah waalidiinta dad ay ciidamada ku toogteen warshadii hore ee Oomada Beyl ee degmada Waaberi ayaa waxaa uu shabakada wararka ee Saylac.Com u sheegay qaabka ay ciidamada ugu soo galeen iyo sida ay dadka ugu dileen waxana uu sheegay in dadka ay dileen ciidamada aysan wax danbi ah galabsan isla markana ay si bareer ah u toogteen iyagoo aan wax weydiin.

Falkani ay ciidamada dowlada TFG-da dadka ku dileen ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii xalay dagaalo lagu qaaday fariisin ay ciidamada ku lahaayen wadada isku xirta Isgooyska KM-4 iyo Garoonka diyaradaha waxana inta laga war hayo ku nafwaayay illaa 2-askari halka ay ku dhawacmeen 4-kale oo ka mid ah ciidamadaasi.



Maxkamadaha Islaamka oo ugu baaqay shirkadaha Duulimaadka inay ka soo degi karaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.
Oct,07,2008

(Jowhar:Saylac.Com)-Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ee gacanta ku haaya Magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay shirkadaha Duulimaadka ee diyaaradahooda aanay ka soo degin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho inay ka soo degi karaan Magaalada Jowhar.

Sheekh Dahir Caddow Calasow oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Magaalada Jowhar ayaa u sheegay Shirkadaha Duulimaadka inay Diyaaradahooda kala soo degaan Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo uu sheegay in dayactir xoogan lagu sameeyay.

"Waxaan ugu baaqeynaa inay diyaaradaha laga diiday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho inay adeegsan karaan Garoonka Diyaaradaha Jowhar"ayuu yiri Sheekh Dahir Caddow Calasow oo saxaafada u waramayay.

Waxaa uu sheegay Sheekha in Garoonka ay ka soo degtaan Diyaaradaha Hey'adaha Sama Falka, waxaana uu carabka ku dhiftay in ay damaanad qaadayaan amaanka garoonka diyaaradaha sida uu hadalka u dhigay.

Sheekha ayaa tilmaamay in dhowaan dadka deegaanka lacago ay iska aruuriyeen lagu dayactiray Garoonka, isla markaana shacabka soomaaliyed uu u furan yahay Garoonka diyaaradaha sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Mas'uulkan ayaa ku soo aadaya xilli ku dhowaad muddo bil ah uu Garoonka Diyaaradaha u xiran yahay Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab, isla markaana aanay garoonka ka soo degin wax duulimaad ah oo ka mid ah shirkadaha diyaaradaha rayidka ah.





Max'ed Ibraahin Raage



Saylac.Com Muqdisho Somalia.
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com