| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ay gaysteen duqayntii Ciidamada Yugaandha oo sii kordhaya .Sept,28,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Duqayntii cadowtinimada iyo doqonnimada ku dhisnyad ee ay gaysteen ciidamada Dowladda Yugaandha ayaa sii kordhaya.

Ilaa iyo 12-qofood oo rayid ah oo ku dhawacmay duqeyn ay ciidamada AMISOM shalay u geyteen suuqa Weyne Ee Bakaaraha ayaa ugu geeriyooday 24-kii saac ee laga soo gudbay cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

12-kaan qof ayaa ka mid ahaa dadweyne aad iyo aad u fara badan oo ku dhaawacmeen duqayntii waxashnimada lahayd ee ciidamada Yugaandha ay maalimihii aan soo dhaafnay u gaysteen dadweyne Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan,

Wararka ka imaanaya Cisbitaallada kala duwan ee Magaalada Muqdisha ayaa sheegaya in ay jiraan bukaanno kale oo aad u fara badan duqaymahaasi ku dhaawacmay ay xaaladahooda caafimaad tahay mid wali aan la sii qiyaasi Karin waxa ay ku dambayndoonto,iyadoo dhaawacyada qaarkood ay xaaladoodu yihiin kuwo aad u liita.



Dadka heysta Baasaboorada Dalalka Reer Galbeedka oo ku go'doosan Magaalada Muqdisho. Sept,28,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Kadib Go'aankii xoogag Al-shabaab ay ku xireen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde Air Port ayaa waxaa talaabadaas ay aad u saameysay dad ka yimid Dhinaca Dalalka reer Galbeedka oo hawlo shaqo iyo booqasho u joogay Muqdisho.

Dad badan ayaa la arkaayey maanta iyagoo isu diyaarinaya safar dhanka Dhulka ah oo ay ku gaaraan Dalalka Ethopia iyo Kenya , waxaana ay cabsida sii xoogeysatay markii Go'aankaas uu dhaqangalay, isla markaana dhowr jeer la weeraray Diyaarado damacsanaa inay bilaabaan Howlaha Rakaabka.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo xilligan u muuqda mid howlihiisa ay gebi ahaanba istaageen, ayaanu ka jirin wax rajo oo laga qabi karo inay dib u bilowdaan Howlaha duulimaadka.

Dadka heysta Baasaboorada Dalalka Reer Galbeedka ayaa qaarkood ka cabsi qaba inuu Baasaboorka ka dhaco, waxaaa qaar ka mid ah dadkasi oo aan la kulanay ay ka deyriyeen safar dhinaca lugta ah oo ay ku tagaan Dalalka deriska ah si ay uga sii gudbaan.

Sidoo kale waxaa jira dad iyana doonayay inay soo cumreystaan, kuwaasoo iyana la soo sheegayo inay u weecdeen Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaas xilligan laga dareemayaa mashquul badan.

Dowladda TFG-da ayaa waxay sheegtaa in Garoonka uu furan yahay, isla markaana ay diyaaradaha ka soo degi karaan, taasi oo ku andacooneysa in amaanka uu sugan yahay.

Laakiin taasi ayay dad badan u arkaan mid afka kaliya ku kooban oo aaneey ficil muuqan, kadib markii tiro dhowr jeer duqeymo xoogan lagu qaaday Garoonka, taasi oo lagu adkeynayay sii xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha.



Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo 18-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa Hogaamiye Kooxeedyo is diidanaa, ayaa waxaa dib u furay Maxkamadihii islaamiga sanadkii 2006-da, waxaana xilligan uu muqdaa xaalada garoonka mid ku laabanaya xilligiisii hore oo ay isaga soo horjeedeen Kooxo is diidanaa, hadana ay labo dhinac oo iska soo horjeeda ay isu diidan yihiin isticmaalkiisa.



Maamulka Islaamiga Kismaayo oo ka soo baxay Amar lagu mamnuucayo Goobaha ganacsiga in la furo Xilliyada Salaadaha. Sept,28,2008
(Kismaayo:Saylac.Com)- Maamulka Islaamiga ee dhowaan loo yagleelay Magaalada Istiraatiijiga ah ee Kismaayo ayaa soo saaray go'aan cad oo lagu mamnuucayo furnaanshaha Goobaha ganacsiga xilliyada Salaadaha.

Hadal uu saxaafada u aqriyey Afhayeenka maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in maamulka ay go'aansadeen in la adkeeyo waajibaatka salaada maadaama ay tahay mid ay horay u adkeeyeen in la oogo ALLAH iyo Rasuulkiisa Muxamed (NNKH).

"Waxaan haatan ku dhawaaqnay in aan mamnuucnay laakin waxaan qaadi doonaan talaabo ficil ah oo aan uga hor tageyno dadka ka dhaga adeega ammarkaan, waxaana dhici doonta in aan ku ciqaabno cidi u hogaan sami weysa amarka ah in la xiro goobaha ganacsiga ah xiliga salaada, ujeedadeenu waa in aan raacno dariiqii Nabigeena (NNKH) isla markaana la camro goobaha cibaadada"ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub

Sidoo kale waxaa ay sheegen maamulka in ay sameyn doonaan ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay ilaaliyaan goobaha ganacsiga isla markaana ku gaaf wareega suuqyada iyo meelaha kale ee gancsiga marka la gaaro xiliga salaada.

Magaalada Kismaayo oo ay gacan ku heynteeda bil ka hor ay la wareegeen Xoogag Isbaheysato Islaamiyiin ah ayaa waxay Magaalada ka dhaqan geliyeen shareecada islaamka, iyadoona shalay ay Magaalada kaga dhawaaqeen Waaxda garsoorka iyo Maxkamad taasi oo qaadi doonta dawacadaha kala duwan.

Waa markii ugu horeeysay oo ay maqlaan dhagaha shacabka Soomaaliyeed amarka ah in goobaha ganacsiga ah la xiro marka la gaaro waqtiyada salaadaha waajibka ah mudo 2- sano, horay ayay sidaan oo kale ugu dhawaaqeen maamulkii maxaakiimta Islaamka sanadii 2006 gaar ahaan magaalooyinkii ay ka arimin jireen.


Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Ruushka oo sheeda ka ilaalinaya Markabka shixnada Hub sida ee afduubka loo heysto. Sept,28,2008

(Xarardheere:Saylac.Com)- Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Dalalka Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku daba jira Markabka Shixnada Milateri u sida Dowladda Kenya kaasoo labo maalmood ka hor ay afduubteen Kooxo Burcad badeed Soomaali ah.

Markabkan afduubka loo heysto oo ay saaran yihiin 21-shaqaale ayaa shalay soo gaaray Xeebta Degmada Xarardheere, waxaana Maraakiibta Quwadaha shisheeye ay yihiin kuwo sheeda ka ilaalinaya Markabkaas.

Diyaarado qumaatiga u kaca ayaa dul heehaabaya Markabka afduubka loo heysto, waxaana gebi ahaanba ay xanibeen in Markabka loo soo dhowaado, waxana jirta cabsi ah in howl gal milateri ay fuliyaan Maraakiibtaas Dagaalka.

Afhayeen u hadlay Burcad badeedka ayaa ka digay in loo soo dhowaado Markabka ay afduubka u heysteen, waxana ay sheegeen in aysan wax cabsi ah ka qabin Maraakiibta dagaalka ee quwadaha shisheeye.

Dowladda Kenya ayaa iyadu ku talisay in Markabka hubka saaran aan laga dejin, iyadoona muujisay wal walka ay ka qabto hadii hubkaas uu u gacan galo Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ee Kacdoonada wada.

Kooxaha Burcad badeedka ayaa dalbaday Lacag Madax furasho oo xoog leh, waxaana ay sheegeen in 35-milyan oo doolar ay ku doonayaan inay ku sii daayaan Markabka, waxaana ay xuseen in lacagtaas ay ka qiimo badan tahay Hubka faraha badan ee saaran Markabka.



Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Sheekh Shariif oo ku eedeeyay AMISOM in ay xasuuqeen shacab ku sugnaa Suuqa Bakaaraha
Sept,28,2008
(Jabuuti:Saylac.Com)- Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif ee fariisinkoodu yahay Magaalada Jabuuti ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku cambaareeyay xasuuq ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ka geysteen Suuqa Bakaaraha.

War saxaafadeedka oo ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa lagu muujiyay sida uu Isbaheysiga uga xun yahay tacadiyada iyo xasuuqa ay bilaabeen Ciidamada AMISOM, waxaana ay ku tilmaameen mid aad arxan daro u ah.

Isbaheysiga ayaa faray Ciidamada AMISOM inay ilaaliyaan xuquuqda dadka, isla markaana ka digtoonaadaan falalka waxashnimada ah ee ay geysanayaan.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa si kulul u cambaareeyay Ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay inay la mid noqdeen Ciidamada Ethiopia oo looga bartay Falalka Xasuuqa.

Afhayeenka Dhinaca Siyaasada ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Ciidamada AMISOM ay hareer maraan howl ka baxsan waxyaabihii loogu soo diray Soomaaliya.

Maalinimadi shalay ayaa Taangiyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo soo istaagay meel u dhow Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Isgooyska Sayidka , ayaa duqeyn xoogan ka geystay, waxaana duqeyntan ay tahay tii 4-aad oo ay Ciidamada AMISOM ka geystaan Caasimada Soomaaliya tan iyo markii ay soo gaareen bilowgii sanadkii hore.



Max'ed Ibraahin Raage



Saylac.com Muqdisho Somalia.


 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com