Ciidamada Dowlada TFG-DA
oo xalay dad u badan ganacsato ka qabtay gudaha
Magaalada Baydhabo.
Oct,31,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-
Ciidamada Dowlada TFG-DA ee ku sugn Magaalada
Beydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa howlgal ay
ka sameeyeen magaaladaasi xalay waxa ay ku soo
qab qabteen dad rayid ah.
Ciidamadani oo ku
hubeysan gawaarida dagaalka ayaa xalay waxaa ay
qab qabteen dad u badan ganacsato kuwaasi oo
laga soo uruuriyay goobahooda ganacsi xili ay ku
gudo jireen mihnadooda Ganacsi.
Qaar ka mid ah
dadkii ka badbaaday howlgalka oo u waramayay
Shabakada Wararka ee Saylac.Com ayaa sheegay in
ciidamada ay dhaceen goobohooda ganacsi gaar
ahaan goobihii ay dadka kawateen islamarkaana ay
ka qaateen wixii agab ahaa ee yaalay halkasi iyo
Lacago dukaamadasi yaalay waloow aan si dhab ah
loo ogeyn cadad Lacagaha iyo Agabka ay qaateen.
Ciidamada Dowlada
TFG-DA ayaa waxa ay qiil ka dhigtaan in ay
yihiin kuwo sugaya amaanka goobaha ay ka
taliyaan balse waxaa cadaatay in ay dhacayaan
dadka shacabka ah iyo dadka Rayid ah ee u
dukaameysi doonta goobaha ganacsi.
Majiro war ka soo
baxay saraakiisha Ciidamada Booliska Dowlada TFG-DA
oo ku aadan dadka la qab qabtay oo iminka ku
xiran dhamaan xabsiga Magaalada Baydhabo
Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe
oo beeniyay in uu ka qeyb galay shirka Jabuuti.
.Oct,31,2008
(Jowhar:Saylac.Com)-
Maamulka Maxkamadaha islaamka ee Gobolka Sh/Dhaxe
ayaa beeniyay Wararka sheegaya in maamulka
Maxkamadaha islaamka uu ka qeyb galay shirkii
Jabuuti ee dhexmaray Dowlada TFG-DA iyo
isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya.
Guddoomiyaha
Maxkamadaha islaamka ee Gobolka Sh/Dhexe Daahir
Cadow Calasoow ayaa sheegay in uu san ka qeyb
galin shirka jabuuti islamarkaana uu tagay dalka
jabuuti.
Guddoomiyaha Gobolka
Sh/Dhexe ayaa sheegay in u jeeda uu tagay dalka
Jabuuti ay tahay arimo ku saabsan Gobolka Sh/Dhexe
islamarkaana uusan shaqo ku laheyn shir ka
dhacay dalkaasi.
Maalmihii ugu
dembeeyay ayaa waxaa soo ifbaxayay in
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe uu ka qeyb galay
shirka jabuuti islamarkaana doonayay in uu ka
mid noqdo xubnaha Jabuuti.
Xoogaga Muqaawamada
Soomaaliya ayaa gabi ahaanba waxa ay qaadacsan
yihiin wax yaabaha lagu haayo dalka jabuuti
islamarkaana shirkasi oo ay sheegeen in lagu
doonayo in lagu hakiyo howlaha Muqaawamada
Soomaaliya.
Midowga Maxaakadaha
islaamka oo sheegay in ay maxkamad soo taagi
doonaan mid kamid ah kooxihii dil ka geystay
gobolka Hiiraan.
Oct,31,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-
Maxaakimta islaamga ee Soomaaliyeed ee ku sugan
magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan
ayaa sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan
kooxo lagu eedeeyay in ay dilal kala duwan ka
geysteen Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha
Maxkamada Islaamiga ee Gobolka Hiiraan Sheikh C/raxmaan
Macow oo xalay la hadlayay mid ka mid ah
idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay
gacanta ku haayaan mid ka mid ah kooxihii dilka
ka geystay magaalada Baladweyne.
Mid ka mid ah
kooxaha ay qabteen ciidamada maxkamadaha
islaamka ayaa lagu eedeeyay in uu sabab u yahay
laba qof oo geriyootay kadib markii uu bam
gacmeed ku tuuray meel dadkani ay ku soo xoomeen
kadib markii rag la socday ninka la qabtay ay
dilen nin ganacsade ah taasina ay sababtay
dhimashada laba ruux.
Inkasoo kooxo
dhawaan dilka u gaystay dad rayid ah ayaana
hadana aysan maxkamadaha islaamka ay ku
guuleysan in ay gacan ku soo dhigaan kooxihii ka
dembeeyay dilkii loo gaystay Guddoomiyaha golaha
Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirse Xooshow.
Ciidamada dowlada TFG-da
oo Xiray Wadaad Caan ka Ahaa Degmada Xamar Weyne
ee gobolka Banaadir.
Oct,31,2008
(Baladweyne:Saylac.Com)-
Ciidamada dowlada Gaar ahaan kuwa Madaxtooyada
ayaa waxaa ay xireen wadaada Caan ka ahaa
Degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir isla
markana ahaa Qadiibka Masijdka Ex Fiyoore ee
Degmadaasi.
Sida uu Saylac.Com u
sheegay mid ka mid ah dadka degaanka ciidamada
dowlada oo qaarkood aan wadan dareysaka
Ciidamada iyo Naago ayaa shiikha xili uu ku sii
jeeday masjidka ku soo yaacay isla markana ku
riday illaa 3- xabadood kaasi oo aan wax yeelin
waxana ay ula dhaqaaqeen dhanka Madaxtooyada.
Shiikh Max'ed
Xuseen (Geele) ayaa illaa iyo hada laga war heyn
sababta ay ciidamada u kexeysteen waxana la
sheegay ciidamada sidaasi ula dhaqamay wadaadka
in ay ilaalo ka hayeen hotel lagu magacaabo Muna
oo ay dagan yihiin qaar ka mid ah madaxda
dowlada waxana la tilmaamay in ciidamadasi ay ka
tirsan yihiin kuwa madaxtooyada dowlada TFG-da.
Inta badan ciidamada
dowlada waxaa lagu eedeeyaa I si ula kac ah ay
dadka isaga xiraan ama ay u jirdilaa oo ay u
dhacaan iyadoo aaneyn jirin cid wax ka qabata oo
ka tirsan saarkiisha Ciidamada iyo dowlada KMG
Soomaaliya.
Max'ed Ibraahin
Raage
Saylac.Com Muqdisho
Somalia.