|
|
 |
|
| |
Muqdisho
dhegaysoTariikh
gaaban burburkii somaliya iyo qabsashadii Siyad Bare
1969 iyo waliba hadaladii Siyaad Bare iyo Wasiiradii
dawladiisa qaar ka mid ah waxa inoo daadihinaaya
Wariye Maxamed Ibrahim Raage ...Oct,24,2008
 Dhegayso
Jawaabaha ay akhristayaashu ka bixiyeen barnaamijkan
tariikhda burburkii somaliya iyo kacaankii Siyad
Bare oo badnaa waxaanu ka soo qaadanay dhawrkan xabo:
Ilyas Maxamuud- Jabuuuti
Markaan dhegaystey wax badan ayaa iiga kordhay waayo
anigu waxaan dhashay tariikhdu markay ahayd 1969
waxna kalama socon wixii sanadkaa dhacay aad ayaad u
mahadsan tihiin bahweynta saylac.com.
Fardowsa Cumar - Holand
Anigu waxaan odhan lahaa dadku wey iloobeen
xanuunkii Afweyne dadka ree Waqooyi gaadhsiiyey
markaa si ahaan tariikhda in dib loo eego way wacan
tahay si ahaana wuxuu barnaamijkani na xusuusinayaa
xusuuqii Beelaha Somaliland Afweyne u geystey
waxaanu adkaynayaa midnimada iyo gooni isku taaga
somaliland . Siyaasiinta somaliland in la
dhegaysiiyo ayaa waliba qurux badan si ay
wadaninimada maanta ay hadhsanayaan u qimeeyaan.
Jama Cabdirahman- USA
Kacaankii Siyad Bare wali soomaaliya wuu ka socdaa
waayo dhamaan dadka madaxda ka ah somaliland ama
somaliya intuba waa ardaydii Afweyne soo tababarey
ha ugu horeeyo Dahir Rayale iyo Cabdilahi Yusuf iyo
Waliba Silaanyo oo ahaa wasiir u shaqeeya Afweyne.
markaa dhamaan in laga wada takhaluso mooyee aniga
wanaag iima muuqdo.
Lul Hasan - Ohio USA
Waa kuma ninka maanta ii sheegi kara wadanka
somaliya inuu ka raystey Allaha u naxariistee
Madaxweyne Maxamed Siyad Bare? magacbaanu lahayn ,
calan baanu lahayn iyo waliba maamuus aduunka
dhexdiisa ... Markaa walaa somaliland walaa
somalikale waxaad markhaati iiga wada tihiin in
marxuumka loo darsaday wali wax dhaamana aan la hayn..
Maxamed Garaad Ibrahim- London UK
Runtii waa tariikh dheguhu u baahnaayeen aduunkana
tariikhdu ama ha xumaato ama ha wanaagsanaatee waa
la xusaa si dadku u xusuustaan wixii dhacay anigu
waxba ka sheegi maayo waayo waxaan ahay nin reer
Jabuuti ah lakiin wariye Raage waxaan leehay waxaad
tahay wariye caalami ah halkaa ka wad mabruuk
saylac.com.
Xuseen Faarax - Addis Ethiopia
Cadawga Soomaaliya oo ah Itoobiya maanta sidaa
somaliya uma ay xasuuqdeen haduu joogi lahaa Marxuum
Siyaad Bare hadala waxaad ku daysaa wuxuu sheegay
waa waxaa socda somalina wixii u roon iyo wixii kale
wali ma ayna kala garan. mida kale waa barnaamij
xataa ayna BBC du awoodin inay noo soo gudbiso
saylac.com VIva..
Sahra Yasin - Ontario canada
Faqash faqash lagu ladhay ayaad tihiin saylac.com
waayo wali waxa idinka dhex guuxaya riyadii Afweyne
waar dadka waxaa ka daaya ilmaadeerayaal arimaha
somaliland ayaanu idiinka baranay maantase waaban
idinla yaabay waxaad meesha galiseen .. somaliland
ha waarto...
Ahmed yasin - Wali maan garan ujeedada ka danbaysa
barnaamijkan kaliya markaan eego tariikhda 21 ka
octoobar oo shalay ahayd lakiin walaalayaal hadii
aad cadaalad ka talinaysaan maxaad ugu soo dhex dari
weydeen dadkii diyaaradaha lagu xasuuqay Hargeysa
mise kuwaasi idiinma tirsano waa nasiib daro waan
idinka sugayaa jawaabta--
Jawaabta saylac.com ka bixisey maqaaladan sare ku
xusan
( Dadka ku leeday xasuuqii ka dhacay Hargeysa aad
iyo aad ayaan uga xunahay maahana mid la iloowi karo
barnaamijyada danbe ayaanu si gaar ah ugu soo qaadan
doonaa Iyagana Allaha u naxriisto ehaladii iyo
qaraabadii ay ka tageena samir iyo Imaan amiin
saylac.com)
hadii aad haysid aragti ama su'aal ku wajahan
barnaamijkan fadlan kusoo hagaaji saylacnews@yahoo.com
|
|
|