|
|
 |
|
| |
Wararka Soomaaliya Axad
Oct,19,2008
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo soo dhoweeyay
tallaabada Gaashaanbuurta NATO ay Maraakiibteeda
dagaalka ugu soo direyso Xeebaha Soomaaliya.
(Muqdisho:Saylac.Com)- Ra'iisul Wasaaraha dowlada
TFG-da Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir
jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa Muqdisho ayaa soo
dhoweeyay Tallaabada gaashaanbuurta NATO ay
maraakiib dagaal ugu soo dirayaan Xeebaha Soomaaliya,
isagoona sheegay in go'aankaas uu ka dambeeyay
markii ay codsi u direen
Waxaa uu sheegay Ra'iisul Wasaaraha in Maraakiibta
Dagaal ee ay NATO usoo dirtay Xeebaha Soomaaliya ay
yihiin kuwo ogolaansho looga heysto Qaramada
Midoobey, isagoona xusay in qorshahaas uu qeyb ka
yahay dagaalanka caalamiga ah ee lagula jiro burcad
badeedka.
Nuur Cadde ayaa tibaaxay in Burcad badeedka ay
dhibaato weyn ku hayaan Maraakiibta ganacsiga iyo
kuwa sida gar gaarka Bani'aadanimada ee isaga kala
goosha Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in tan
iyo markii ay Burcad Badeedka ka dilaaceen Xeebaha
Soomaaliya ay adkaatay nolosha dadka Soomaaliyeed
haddii ay ahaan lahaayeen kuwa ku tiirsan gargaarka
Bani’aadannimada iyo kuwa ku tiirsan Raashinka
ganacsiga ku yimaada.
"Dowladda TFG-da wey soo dhoweyneysaa Tallaabada ay
NATO Maraakiib dagaal ugu soo direyso Xeebaha
Soomaaliya, waana codsi mar hore Dowladda ay
jeedisay"ayuu yiri Nuur Cadde oo warfidiyeenada kula
hadlayay xafiiskiisa.
Laakiin hadal ka duwan Ra'iisul Wasaaraha waxaa
Wakaaladaha wararka siiyay Gudoomiye Kuxigeenka
Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in
ay sharci daro tahay Maraakiibta dagaal ee ku sugan
xeebaha Soomaaliya, isagoona intaa raaciyay in
Dowladda TFG-da aanay ogolaansho ka heysan soo
gelitaanka Maraakiibta shisheeye.
Hadalada labadan Mas'uul ka soo yeeray ayaa
muujinaya iska warqab la'aanta Dowladda dhexdeeda,
taasoo horay u jirtay in marka Mas'uul hadal kale
saxaafada siiyo hadana mas'uul kale uu ku hadlo
hadal khilaafsan midka kan kale ka soo yeeray
Xildhibaano katirsan baarlamaanka EMBIGHATI oo
Cambaareeyay falkii lagu xiray maareeyaha garoonka
Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho.
(Muqdisho:Saylac.Com)- Qaar katirsan xildhibaanada
Baarlamanka EMBIGHATI ayaa waxa ay cambaareyeen
falkii shalay Ciidamada Booliska ay ku xireenka
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee
Magaalada Muqdisho,
Xildhibaan Xasan Keynaan oo ka mid ah mudanayaasha
Baarlamaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay
Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu cambaareeyay falkii
shalay Ciidamada Dowlada EMBIGHATI ay kula kaceen
maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee
Muqdisho Axmed Maxamed Siyaad.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in falkii shalay
Ciidamada Booliska ay ku xireen Mareeyaha Garoonka
Diyaaradaha uu yahay mid qaldan islamarkaana
baarlamaanka uu ka xun yahay falkaasi.,waxaana
xildhibaanka uu sheegay in qof u dhabar adeegay
howlaha qaranka lagu tilmaamo argagixso.
Ugu dembeyntii waxa ay baaq ujeediyeen saraakiisha
ciidamada Booliska ee Dowlada EMBIGHATI in ay soo
daayaan maareeyahaya Garoonka Diyaaradaha caalamiga
ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayaa
cambaareeyay falkii shalay ciidamada Booliska ay ku
xireen maareeyaha Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee
magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Max’ed Dhaqane Cumar ayaa waxa uu
cambaareeyay falkii shalay ciidamada Booliska ay ku
xirreen maareeyahay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga
ee magaalada Muqdisho,waxaana ay sheegeen in
arintaasi ay mid lagu fududaaday loona baahan yahay
in lagu sameeyo baaritaan sida ay hadalka u dhigeen.
Shalay ayaa ciidamo katirsan booliska Dowlada
EMBIGHATI waxa ay xireen maareeyaha Garoonka
Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho,waxaana
uu ku xiranyahay xarunta CID iyadoo mas’uulkaasi
lagu eedeeyay in uu in Aflagaado uu gaystay
Ciidamada AMISOM.
Sheekh Aadan Madoobe "Shirka IGAD waa mid lagu
saxayo waxyaabaha qaladaadka ee ka jira Dowladda"
(Muqdisho:Saylac.Com)- Afhayeenka Baarlamaanka
Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa
ka warbixiyay Kulanka ay isugu yeertay IGAD Madaxda
Dowladda iyo Baarlamaanka, isagoona sheegay in
shirkaasn qorshaha laga damacsan yahay uu yahay in
dib loo saxo waxyaabo badan.
Aadan Madoobe oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa sheegay
in ahmiyada kulankaas uu yahay dhameystirka
waxyaabaha mad madowga ah ee ka dhaxeeya Dowladda
TFG-da, waxaana uu qiray in Dowladda gebi ahaanteed
u kicitimeyso Nairobi dhamaadka bishan.
"Shirka IGAD waa mid lagu saxayo waxyaabaha
qaladaadka ee ka jira Dowladda, waxaana ka mid ah
Wasiiradii dhowaan Baarlamaanka kalsoonida kala
laabtay"ayuu yiri Aadan Madoobe oo wali ku
adkeysanaya in Go'aankii Baarlamaanka ee uu
kalsoonida u didiay wasiiradii is casilay in mar
kale ka mid noqdaan Xukuumada.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka in sidoo
kale kulanka Nairobi ka dhici doono lagu soo qaadayo
arrimaha dib u heshiisiinta ee Dowladda iyo
Mucaaradka uga soconaya Jabuuti, waxaana uu ka
gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo qorshaha la
doonayo in Baarlamaanka lagu ballaariyo, kaasoo laga
qeyb geli doono Mucaaradka.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay shakiyo
ku aadan in Dowladda TFG-da dib u habeyn lagu
sameynayo, taasoo la doonayo in hogaanka lagu badalo,
isla markaana Dowlad sal ballaaran oo mucaaradka
qeyb ka ah lagu dhiso
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo shalay ilaa xalay
ka socday Meel 12KM u jirta Magaalada Baydhabo.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo qaraar
oo shalay ilaa xalay ka dhacayay Meel dibeda ka ah
Magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Ceel-doon,
taasoo 12KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada
Baydhabo.
Dagaalka oo ahaa dagaal xoogan ayaa u dhaxeeya
Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Alshabaab, kuwaasoo
muddo saacado ah ku dagaalamayay Deegaankaas.
(Baydhabo:Saylac.Com)- Inkastoo Xaalada deegaankaas
uu saakay yahay mid degan, hadana dhinacyadii
dagaalamay ayaa wali is hor fadhiya sida ay
sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Saaka ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Ethiopia
waxay xireen Waddooyinka waa weyn ee Magaalada
Baydhabo in kastoo aysan sameynin Ciidamadaas wax
baaris ah haddana waxay muujinayaan dareen howlgal
ah.
Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Ceel-doon ee
duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa inta la
ogyahay ku dhaawacmay 10-askarta Dowladda TFG-da
kuwaasi oo la geeyay xarun Caafimaad oo ku taala
Magaalada Baydhabo, in kastoo ay jiri karaan
khasaare intaa ka badan oo ka dhashay dagaalada.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay Cabdi Macalin
ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu kaga dhintay hal
askari iyo dhawaca saddex askari wuxuuna sheegay
inay ka hortageen Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda
oo uu sheegay in ay Madafiic ku weerari rabeen
Magaalada Baydhabo sida uu hadalka u dhigay
Goobaha waxbarashada ee ku yaal Isgoyska KM4 oo
maalintii 3aad xiran iyo ardayda qaar oo bilaabay
Tahriib
(Muqdisho:Saylac.Com)- Waxaa maalintii 3aad uu hakad
ku jiraa goobihii waxbarashada ee ku yaal Nawaaxiga
Isgoyska KM4, kadib markii halkaas ay ku soo noq
noqdeen iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeya
Ciidamada AMISOM iyo Kooxaha Kacdoonka.
Xarumaha Waxbarashada ee halkaas ku yaala ayaa u
xiran iska hor imaadyada, taasoo keentay in ay
istaagaan dhaq dhaqaaqii waxbarashada, waxaana dhowr
Iskuulo Waxbarasho iyo Jaamacado ay yihiin kuwo gebi
ahaantood xiran.
Goobahan waxbarasho ee ku yaal halkaas ayaa markii
hore ay ahaayeen kuwo arrimo amaan agwood loogu soo
raray, hase ahaatee haatan u muuqato mid faraha ka
sii baxday amaanka Deegaanada ku dhow dhow Nawaaxiga
KM4.
Saameynta ugu badan ayay ku yeelatay iska hor
imaadyada ka dhaca Isgoyska KM4 ardayda iyo
macalimiinta iskuulada halkaas ku yaala, waxaana
dagaaladii u dambeeyay ku dhaawacmay arday iskuulo
halka Macalin Jaamacadeed oo aad loo yaqaanay uu ku
dhintay dagaaladaas.
Mustaqbal Waxbarasho ee dhalinyarada ku nool
Caasimada Soomaaliya ay ah mid sii dhimanaya kadib
markii ay xirmeen inta badan xarumaha waxbarashada,
badanaa goobaha muhiimka ah ee waxbarashada
Caasimadda Soomaaliya Muqdisho ayaa guud ahaan
xirmay tan iyo markii dib u qarxeen dagaalada u
dhaxeeya Ciidamada dowladda oo kaashanaya Ciidamada
Shisheeye iyo kooxaha Islaamiyiinta ka dagaalamaya
Soomaaliya.
Dagaaladan ka socda Magaalada Muqdisho waxay horey u
xireen xarumaha Waxbarashada ee ku teedsan Wadada
Warshadaha, degmada Yaaqshiid, Wadada Soddonka iyo
degaanada dhinaca Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
Dhamaan goobahaas oo dhan hadda waa ay xirmeen,
Ardaydii dhigan jirtay xarumahaas waxay qaarkood ku
biireen dadka u Tahriiba dalka Talyaaniga ee sii
mara dalalka Liibiya iyo Suudaan, halka kuwa kale si
micno daro ah u fadhiyaan degaanka Ceelasha biyaha
halkaas oo qoysaskooda u barakaceen, qaar kale waxay
fadhiyaan degaanka Ceel Macaan oo dad ka barakacay
Muqdisho ku nool yihiin iyo qaar Magaalada ku sugan
oo isla weysan afka iyo gacanta.
Max’ed Ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia.
|
|
|