| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Muuse Biixi hal midh baan odhan lahaa "malaha afarta jiho ayaa iska kaa dhex galay ee waa dhinaca hargeysa degaanka Gabiley muranku ka taagan yahay hadiise aad Cabdiraxman Saylaci jiljileec ka heshay reer Awdal dhulkooda way usoo jeedaan kaana yeeli maayaan inaad tuulooyin awdal ka tirsan muran galisid..Oct,26,2008

London(Saylac.com) Waxaan la yaabay xiniinyaha intaa leeg ee Muuse Biixi isagoo Borama jooga uu dhul Awdal ka tirsan damacsan yahay in Gabiley lagu daro. Ma cusba arintani waxaanan la wada soconaa inuu ku doodayo arimaha sidii lixdankii ha lagu daayo..

Hadaba lixdankii akhristaw maxaad kala socotaa sidii xadku ahaan jiray? Borama waxay ahayd degmo Hargeysa hoosdegta markaa dee booramana aan ku darno Hargeysa hadii tuulooyinka Boorama xoostaga damac idinka galay!!

Horta Lixdankii xadbeneed duudsi iyo qabiil ku salaysnaa waxa jeexay Cabdiraxman Tuur waxana ku gacan saydhay masuuliyiintii Reer Awdal ee wakhtigaa oo iyagu sitay waraaqo dikumeentis ah oo muujinaya sidii gobolada waqooyi galbeed uu Ingiriisku u kala xadeeyey ama u xad ugu kala sameeyey. Waraaqahan ayaa durbadiiba waxa diiday Cabdiraxman Tuur isagoo horeyna aan u wada ogayn inuu Cabdiraxman Tuur ahaa ninka kaliya ee burburiyey dekada Saylac wakhtigii uu badhasaabka ka ahaa Borama.


Hadaba Muuse Biixi oo ka duulaya damacii Cabdiraxman Tuur uu u dhoodhoobay reer Gabiley ayaa waxa wax lala yaabo ah inuu maanta si cad oo aan xishood iyo anshaxtoona ku jirin ku doodayo in tuulooyin ka tirsan gobolka Awdal uu ku daro Gabiley.

Horta ree Gabiley ma isweydiiyeen in magaalada Gabiley nus ahaan ree Awdal degaan ? Beelaha Bahasamaroon waxay sarey u dhaafaan gabiley koonfurteeda, waxase nasiib daro ah in Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo ah Suldaanka Beesha Maxamed Case ilaa hada uu Borama saldhig ka dhigtey halkii looga fadhiyey inuu Hoygiisa dhabta ah oo ah Gabiley uu fadhi ka dhigto maantana waa siyaasada haajirka ku dhisan ee ree Awdal in Gabiley iska daaye Cali xaydh iyo tuulooyin kale Muuse Biixi uu damac ka galo.

Ilaa hada lama hayo jawaab burinaya damaca qaawan ee Muuse Biixi oo ka soo baxday afka Eng Cabdiraxman Saylici, oo isagu maanta ah ninka ugu dhaw ee ay xisbiga kulmiye isku weheshadaan Muuse Biixi.

Mudadii uu Cabdiraxman Aw Cali xisbiga kulmiye doorka ku lahaa marnaba Muuse Biixi waligii kuma doodin in tuulooyinkani gabiley lagu daro, Sidaa darteed dadku waxay arkeen in ujeedada ugu weyn ee Cabdiraxman Saylici ay jeebka ugu siteen Muuse Biixi iyo Siilaanyo ay ahayd inuu yahay YES MAN ama qof waxwalba la gashan karo.


Nasiib wanaag dadka reer Awdal tijaabo ugaga filan karti la'aanta Cabdiraxman Saylici uu ilaa hada sidii gabadh furniin ka baqaysa uu uga hadli laayahay damaca qaawan ee Muuse Biixi uu ku doonayo dhul ka tirsan Awdal.


Sidoo kale reer Gabiley waxaan leehay dhulku ma haduu cirka kasoo dhacay mise waa dhul boqolaal sano dadku ku dhaqnaayeen? Haduu dhulku yahay dhul cusub oo dayaxa ka soo go'ay damaca ku taageera Muuse biixi hadiise uu dhulku yahay dhulkii aanu abid wada deganayn dee adeerayaal tuulana gobol kale looma rari karo gobol ahaan inta aad gobolka ku tihiin Allaha idiin barakeeyo anagana hantaaqada darisku waa karaahiyee naga dhawra.


Maxamed Xaaji
Saylac.com
London, UK


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com